ANIGOO AWELBA OOYAYAY BAY WEYLI IGU SII JOOGSATAY
 

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayay islaan iska tuulo joog ahi doontay inay warqad boosta ka dirato. Markii ay tagtay xafiiskii ee ay waqaddii u dhiibtay ninkii shaqaalaha xafiiska ka ahaa, ayuu intuu warqaddii ka qaaday miisaanka saaray. Ninkii baa islaantii ku soo jeestay oo ku yidhi “Hooyo Warqaddaadu way culustahay ee tigidh kale ku dhejji”. Islaa ntii baa intay ninkii aad u fiirisay oo la yaabtay, waxay ku tidhi “oo Hooyo !!!, haddii aan tigidh labaad warqadda ku dhejjiyo sow sii cuslaan mayso uun?”.

Waxan uga socdaa sheekadaa, waxaan dhegaystay rag badan oo ka tirsan Xisbiga WA DDANI oo shaashadaha Tv-yada dalka ka muuqday ilaa shalay oo sida fiinta uga qeyliy ey hadal ka soo yeedhay Wasiirka Maaliyadda Marwo SAMSAM. Markii aan ka yaabay w axa raggaa waaweyn ka qeylisiiyey ee DHAYDA KA LISAY Ayaan bilaabay inaan raadiy o warka iyo hadalka inanta Samsam oo aan si fiican u dhegaysto. Dhagaysigaa kadib w axa hadalka inantaa iiga soo baxay oo keliya inay sheegtay in labada beelood ay Xulufo Siyaasadeed lahaayeen ilaa 1954kii. Haddaba Xulufadaasi 1954kii maxay ahayd baa la is-weydiiyey? Waxay ahayd Xisbigii NUF (Nafta) ee xilligii dhaqdhaqaaqa xorriyadda Som aliland.

Bal tolow maxaa intaa ku jaban? Sowta aynu had iyo jeerba maqalno USP baynu isku ah aan jirnay (ee Reer SOOL iyo Reer AWDAL ay isku beer laxawsadaan) yaa ku ceebsad a??? Arrinta Samsam-na taas uun ay la mid tahay oo kama duwana.

Rag baa arrintaa is-xulufaysiga Siyaasadeed u dhigay qaab xun oo naxli, dhiillo iyo xum aani ku jirto. Anigu arrintaa waan kor-xaadinayaa oo raggaasi wixii ay ku hadleen hoos ugu daadegi maayo. Laakiin qaylada iyo ka kacaay-da raggaasi waxay aniga iigu muuqa taa uun tii sheekadii DIGAAGADDII qeylo-dhaanta kula dhex-dhacday Habar-dugaag iyo Xayawaan oo dhan ee soo kicisay ee ku tidhi “DAYAXII BAA SOO DHACAY”, kadib markii la gaadhay meeshii ay sheegaysay in uu Dayaxii ku soo dhacayna loogu tegay xabbad QUMBO ah (Coconut) oo geed ka soo dhacday.

BAROORTU ORGI KA WEYN

Ma aha arrintu hadalka inata (SAMSAM) ee waxa soo GUDHDHAY MAAWEELADII ahayd BURCO gacanta ayay inoogu jirtaa oo dadka reer Togdheer waa wada WADDANI. BAYTUL QASIIDKA iyo hadalkoodu wuxuu u dhacayaa oo ku soo ururayaa “SIILAANYO muxuu u dhisayaa MURASHAXA XISBIGIISA”. Show nimanku niman sidaa u sidii ridanba ma aha. Waa niman hadda indha-dillaacsanaya oo dunidaba aan waxba ka ogayn sida loo socdo iyo sida loo kaambeyn gareeyo.

LAX DHUKANI ABAAR MOOG

Su’aalaha la is weydiinayaa waxay yihiin
1. Ma Siilaanyo ayaanay KULMIYE u haysan?
2. Ma Cirro ayaa KULMIYE ku biiray oo Cirro iyo Muuse wa isku Xisbi (KULMIYE ayay ka wada dhex tartamayaan?
3. Ma Guddoomiyanimda iyo Murashaxnimada MUUSE ayay moodayeen waraab u taag sidii Mudane SEED (Guddoomiye ku xigeenkii Waddani) iyo qaar kaloo badan !!!.

GEEL-JIRE GEELANA WUU WADA JIRTAA WUUNA KALA JIRTAA

Waa dhab oo SIILAANYO waa Madaxweynihii QARANKA, waana inuu ahaadaa dhex ma rkay arrintu tahay mid QARAN, laakiin marka ay arrintu taagan tahay Tartanka XISBIY ADA Dhexdooda iyo Loolanka hoggaanka DALKA, dee Madaxweyne SIILAANYO waa Od eygii KULMIYE oo wuxuu dhisayaa Murashaxa XISBUL-XAAKIMKA Kulmiye. Wuxuu hiil iyo hooba isla garab taagayaa Muuse Biixi iyo sidii mar labaad Xisbigiisu talada Waddanka halkaa uga sii wadi lahaa ee uu u fulin lahaa mabaa’diidii iyo horumarkii dalka, una gaad hsiin lahaa himilooyinkii Xisbigu higsanayey ee uu QARANKA ku hoggaaminayey.
Waa wax lagu qoslo ragga ku doodaya Madaxweynuhu dhex ha ka noqdo tartanka mur ashaxiinta Xisbiyada. Ninkii taa ugu dudaya ama ku dhalleecaynaya SIILAANYO “waan in aan gunna jirin, siyaasadduna aanay uba bilawnayn”. Wuxuu la mid yahay islaantii aa n sheekada kor ku soo xusan ee fahmi weyday “UJEEDADA loogu yidhi TIGIDH LABAAD warqadda ku soo deji”.

AQOON-DARRO WAA U NACAB SIYAASADDA

Tolow ragga ma ka bes baa mise waa is yeelyeel
Arrimahani waxay dib ii soo xusuusiyeen wareysigii Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi 15 Okt. 2016 uu siiyey idaacadda BBC-da laanta Af-Soomaaliga ee uu ku tilmaamay ragga ku biiray WADDANI inay ahaayeen “Dad hay’ado Ajanebi ah u shaqeeya iyo Ganacsato Xawaalado iyo Telefoon ka shaqeeya”.
Waar waxaad iska saarteen Tuhunkii dadka qaar idiin qabay rag SIYAASIYIIN ah, idink aa aqoon darradiina BADKA soo dhigay.
Guntii iyo gaba gabadii
LAYLIGU BIYAHA KASHIISA KU JIRA AYUU KA DIDAA
Waxaa muuqata in Xisbiga WADDANI xaalkiisu haattan taagan yahay Halkii ninkii markii tabco dhexaadka lagu maray ee uu arkay in la legdayo/ledgayo xaaskiisa ku yidhi “naa haatan dhacaye ALAABTA i hoos taal yaanan ku dul dhicine iga gur (meesha ka ururi)”
Wa billaahi tawfiiq

 

 

 


Qalinkii: Cali Xaruuri