ANAGOO KU HADLAYNA MAGACA URURKA ARDAYDA REER SOMALI LAND EE TU R KEY “ SOMALILAND STUDENTS ASSOCIATION IN TUR KEY(SSAT)” IYO KA JAALI Y ADABA, WAXAAN U BAAQ NABADEED U DIRNAYNAA LABADA GARAB EE GOLA H A WAKIILADA JAMHUURIYADA SOMALILAND

 


Marka hore waxaan la hadlaynaa golaha wakiilada, marlabaad waxaan ugu jawaabaynaa nin ka layidhaa NICHOLAS KAY oo qaramada midoobay uqaabilsan Somali, oo shalay ka hadlay arimo khu seeya SOMALILAND.

Marka hore waxaan baaq nabadeed udiraynaa labada garab ee golaha wakiilada JAMHUURIYADA SOMALILAND, oo aanu leenahay umada waxaad u haysaan shaqo qaran, oo masuuliyadeeda la idin waydiin doono allena subxaanu watacaalaa idinkala xisaabtami doono, hadaad cid gaara ugu adeegtaana taarikhda ayaa idin qori doonta, waxaad noqon doontaan tuke baal cad.

Waxaan idinka codsanaynaa inaad wada hadal iyo isu tanaasul martaan idinkoo raacaya waxa xal ugu jiro umada aayaheeda dambe, noogu shaqeeya sidii gobanimada iyo milga ha lahayd een cod ka idiin siinay, idiin maanaan dooran yoo yootan, is qab qabsi, aan faaiido inoogu jirin, idiinmaana an dooran ku takri falid codka shacabka, idiin maanaan dooran inaad codkayaga qaran ku dumisa an, idiinmaanaan dooran inaad kuraasta lagu dhisay cashuurta laga qaado hooyada bacadka fad hida aad jajabisaan, idiin maanaan dooran wax noo dhaca waxaan idiin dooranay inaad ka shaqay saan horumarkayaga, inaad cadaalada ku ilaalisaan cida khaldana qabataan si anshax iyo akhlaa qadi ku dheehan tahay, waa arin aan aad uga xunahay in marwalba odayaasha guurtidu gar idin dhex dhigaan, idin dhex dhexaadiyaan waar taa idiin maanaan dooran, waa inaad nidaam iyo hab qurux badan kukala baxdaan, waar waxan aad kashaqaysaan maaha wixii la idiin doortay, waxaa d tihiin gole xeer dajineed, sharaf leh, hay is bahdilina, markaad is qabataan nidaamka ku kala ba xa mise waxan maba akhridaan oo mataqaanaan waa yaabe, hadaanu nahay bulashada reer SO M ALILAND ee TURKEY arinkaasu kumaanu farxin, dag-dagna waa in looga heshiiyaa.

Shacabka reer SOMALILAND waxaan ugu baaqaynaa inay ilaashadaan midnimadooda, nabad galy adooda kana foojignaadaan wixii keenaya amni daro,waxaana lagu ducaystaa oo ilaahay lawaydi istaa amini iyo iimaan. Qabyaalad wax layidhaana halaga fogaado, waayo waxaa ku gabada qof aan karti lahayn, cilmi lahayn dabadeedna ilaashanaya dantiisa gaarka ah.

Alleh ha unaxariistee Gaariye wuxuu yidhi ” Uf Qabiilka Anaa Leh, Wuxuunbaa Ku Adeegta Nin Iskii Kartidiisa Isagoon Cid Ku Tiirsan Isku Taagi Karaynin”, sidaa daraadeed dhalinyarta reer Somalila nd waa dad karti badan, aqli badan waxaad iska ilaalisaan qabyaalada, waayo waa dhaqan xun oo liita, waxay kuu hogaaminaysaa dariiq madaw oo mustaqbal daro.

Talabaad, waxaan leeyahay ninka layidhaa NICHOLASKAY, anaga SOMALILAND baa lana yidhaa,m alaha wax baad isu qaldaysaane waxaanahay dal madax banaan, anagaa tashana cidi nooma tali so, anagaa wax xalisana cidi wax nooma xaliso, anagaa istoosina cid wax nooma toosiso, anagu waxaan u baahanahay oo kaliye illaaahay subxaanu watacaalaa, sidaa daraadeed iska raali aha w, waxaanan kuugu baaqanay inaad islaamka qaadato waad liibaani doontaaye. allena haku soo hanooniyo oo dariiqa xaqa alle haku tuso,waayo waajib baa naga kaa saaran inaan wax kuu shee gno waayo ina Aadam baatahay caasi garoobay.

Guntii iyo gaba gabadii waxaanleenahay golaha sharafte leh ha ilaaliyeen sumcada dalku leeyaha y arimahooduna yaanay soo dhaafin albaabkooda, xukuumada iyo xisbi midna dheega hasaarin k usheqee cadaalad wadani nimo hano qon dhandhamo raac, heeryadiisa cune. NICHOLSKAY waxaa n usheegaynaa qadiyada dal madax banaan hafara galin, shacabka reer SOMALILAND waa shaca b wadiniyiin ah, is jecel, isu tanaasula isu dul qaata, waa shacab geesiyaal ah, naftooda iyo maal koodana u huraya qadiyada jiritaanka dalkooda iyo ilaalinta amnigooda.
 


MOHAMED JAMA ALI
CHAIRMAN
mcali083@hotmail.com
00905078625636.