Anagaa
La Wareegayna Hagida Hawada Somaliland Lix Biloodna Waanu Soo
Wadnay by,Warancadde
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland mudane Cali Maxamed Warancade
ayaa sheegay in Guddi ka garnaqaysa muran ka dhashay Dhaqaalaha ka
soo baxa Gaadiidka isticmaala hawadda Somaliland oo dhexmaray
Wasaaradiisa iyo Hayada ICOA iyo Urur lagu magacaabo Cacas oo uga
masuul ahaa madaarada Dalka Somaliland, horena xukuumada Somaliland
dalka uga saartay uu todobaadyadan fooda inagu soo haya dalka u iman
doono, sidii uu labada dhinac ugu garnaqi lahaa. Loona xisaabtami
lahaa.
Wasiirka duulistu oo xog-waraysi ay arrintan kala yeesheen shalay
wariyayaal ka tirsan Wargeyska Ogaal iyo TV-ga madaxa-banaan ee
SSPCTV, waxa uu iftiimiyay in Ururka CACAS iyo ICOA dhinacooda ay ka
iman doonaan masuuliyiin, Wadahadaladan arrintanina ka danbeeyeen
dacwaddo ay u qoreen hayadaha UN-ka, “Sidaadad u ogaydeen qoladaas (ICOA/CACAS)
waanagii is af-garan weynay markaa anaga ayaa la wareegnay
hagitaankii ay hagi jireen Diyaaradaha muddo lix bilood ah ayaanu
wadnay si wanaagsana waanu uga soo baxnay.
Markaa ashkatooyin baanu qornay annaga oo doonayna in lacagtii ay
qaadi jireen Somaliland qaybteedii hesho. Lacagtaas oo dhawr qolo
marta sida UNDP, ICOA iyo qolooyin kale, markaa way noo soo
jawaabeen waxaanay noo balan-qaadeen dhawaan haddii Illaahay
yidhaahdo in Guddi qiimayn ah ay soo dirayaan iyo Odhad, iyagana
markaa waa loo yeedhay, markaa waxaanu rajaynaynaa in halkan lagu
wada-hadlo.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.
Waxana uu intaa ku daray oo uu sheegay in ay dhex-dhexaadintan ku
jirto Hay’ada UNDP. “Waxa na dhex-dhexaadinaya. UNDP oo markii hore
lacagta haysay.” Ayuu yidhi Wasiirku, su’aal laga sii weydiiyay
qiimaha lacagta muranku ka dhashay ee ka soo baxda Hawada Somaliland
waxaa uu sheegay inay ka badantahay 4-milyan oo Doolar sanadkii.
Cali Warancade, waxa la weydiiyay faah-faahin inuu ka bixiyo
dhaqaalahaasi sida uu uga maqan-yahay Somaliland iyo meesha uu maro
waxaanu ku jawaabay “Lacagtaasi waa lacag illaa Jimciyadda Quruumaha
ka dhaxaysa socon jirtay oo UNDP u qaabilsanayd, laakiin intii dambe
si khaldan ayaa loo is ticmaalay. markaa imika waxaanu rajaynaynaa
in ay Somaliland qaybteeda hesho.”
“Iyaga, UNDP iyo ICOA waxaanu filaynay in ay yimaadaan bishan
aakhirkeedii, markaa dib ayay u yara dhaceen, waxaananu filaynaa in
ay todobaad iyo laba mid-kood ku yimaadaan dalka.” Ayuu intaa ku
daray Wasiir Waran-cadde.
Dhinaca kale, dadka ka soo degaya madaarada Somaliland gaar ahaan
Hargeysa, waxa jiray cabashooyin ay ka muujin jireen dhinaca
hawl-wadeenada badhkood. Sidaa daraadeed, su’aal wasiirka arrintaas
laga weydiiyay waxa uu ku sheegay oo uu yidhi.
“Arrintaasi waa arrinta iigu adag markii hore dadku meel ayuu mari
jiray markaa niman soo dhaweeya oo lacagta yar iyo waxa ay
sarifanayaan dhex carara ayaa jiray, waanu ka saarnay, welina
dhinaca shaqaalaha cabashooyin way ka jiraan, wax aanu meesha ka
saarnay iyo wax aanu imika wadnaba way leedahay, waananu rajaynaynaa
in aanu ku guulaysano haddii illaahay yidhaahdo.”
Sidoo kale waxa wax laga weydiiyay, hawl-gal wasaaradiisu wax kaga
qabanaysay dhabaha diyaaradaha Madaarka Hargeysa. “Hawshii Ran-way-gu
waxa ay maraysaa meel wanaagsan. Runtii waxay ahayd arrin aanu
rabnay in aanu dadwaynaha iyo dawladaba ka qaybgalino, waxaananu
imika haynaa daamurkii, waxaana naga dhiman waxoogaa yar oo
xaal-xaal ah iyo inaanu 600-Mt doorkan ku kordhino dhabaha, waanad
ogaydeen oo wadanka abaaro ayaa ka dhacay, markii hore ku
talagalkayagu waxa uu ahaa in aanu dadka dibadaha wax weydiino,
laakiin abaarihii dhacay ayaa baajiyay. Dhabaha diyaaradaha Hargeysa
meelo ka mid ah waanu samaynay oo ay nagala taliyeen khuburo dalka
Yemen u dhashay. Markaa wuu wanaagsan yahay, laakiin 600 ayaa noo
dhiman si dhakhso ah in aanu u dhamayno ayaananu rajaynaynaa haddii
Illaahay yidhaahdo.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.
Cali Waran-cadde waxa uu sheegay oo kale in wadda xaajood u socdo
shirkad laga leeyahay Kiinaya, mar uu ka hadlayay dhinaca xidhiidhka
shirkadaha diyaaradaha oo aan ilaa haatan Dal kale soo labayn
shirkada diyaaradaha Itobiya. “Waxa imika arrinteedu socotaa Kiiniya
Airways in ay timaado, oo diyaaradahan yar-yar ee UN-tu ay imika
isticmaalaan inay meesha ka baxaan oo qolooyinka Nayroobi joogaa ay
isticmaalaan Kiiniya Airways. Markaa, arrintaa dhawaan ayaanu
filaynaa in ay soo dhamaato qolooyinkan UN-tana waanu ka
wada-hadalay, waxaanay nagu xidheen in aanu samayno xayndaabkii
Madaarka., kiina waxaanu ka wadahadalay UNDP-da oo in ay dhawaan
samayso ayaanu ku heshiinay, waanay samaynayaan. Garoonka Berbera
ayaa dayuurad Jad ahi dhawaan bilowday, Isagana waxaanu ku
dedaalaynaa in ay habeen iyo maalin diyaaraduhu soo fadhiistaan.”
Sidaas ayuu yidhi Wasiirka duulistu.
Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cali Maxamed
Waran-cade waa nin had iyo jeer ka dhex muuqda, wadda xaajood-yada
xukuumadu la gasho qaybaha bulshada, marka ay yimaadaan
khilaafaadyadu. Waxana ugu danbeysay khilaafkii ka dhashay Dhoofka
Xoolaha oo uu wada-hadaladii dhex marayay xukuumada iyo Ganacsatada
Kooto diidka ah ka qayb-qaatay, tSidaasi darteed, mar arrimahaa iyo
sababta had iyo jeer uu u dhex-gallo arrimo ka baxsan wasaaradiisa
la weydiiyay Cali Waran-cadde waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi.
“Kolay dee qofka Masuulka ahi in uu qaranka u shaqeeyo weeye,
Wasiirna Wasaarad uma dhaarto ee dalka ayuu u dhaartaa. markaa mar
hadaad dalkaaga u dhaarato hawshii aad is tidhaahdo wax baad ka
qaban karaysaa in aad gashaa waa xil dhamaanteen ina saaran.”
Source:Wargeyska Ogal
|