Anagaa difaacayna madaxwaynaha s/land una jawaabayna raga isku dhaca raba (jaamac m. qaalibna waa halyay geesiya)

 

 

Anigoo ah muwaadin somalilander ah ,waxaan xaq u leeyahay inaan difaaco madaxwaynaha S omaliland Xaaji Axmed Maxamuud Siiraanyo ,oo ah nin sifo sharciya lagu doortay.U dulqaadan mayno hadalada daciifka ah ah ee rag ku hadalayaan, adeer ragu waa ficil tamaa wanaa is xan akadiyaa , laakin lama ogola hadalada qaska abuuraya ee ay ka mid yihiin muxuu madaxwaynu hu u xidhi waayay Jaamac Maxamed Qaalib.

Horta aqoon ma u leedahay Jaamac Maxamed Qaalib,  intaanad hadal daciifa iska soo tuurin.
Kaliya waxaad doonaysaa saw maaha inaad iska hor keento dadka Somaliland,  adoo raba inay isku dhacaan beelaha walaalaha ah.


Anagaa runta kuu sheegayne Habar Jeclo iyo Ciida gale , kaa maskax badan,  kaana wadanisan
mana jirayso wax is diidaya iyo wax isku dhacaaya maandhoow candhuuftaada dib u liq. Mida kale , rag aan lagu kaftamin ayaa jira ee ayadana ka digtoonow.Halyay Jaamac Maxamed Qaa lib oo kale, maaha nin aad hawaysan karto ama aad hadal u quudhi karto , waa Halyay ku soo noqday dalkiisii HOOYO , soo dhawayna ka helay Madaxwaynihiisa iyo shacabkiisa, waxaanu ka qayb qaadanayaa horumarinta dalka iyo waxtarka bulshada.


Sifir--- Buubaa--- Kalluun iyo ina Oomaarba , waa rag u dhashay dalka hooyo ee S/Land kii yim aada maanta iyo kuwii hore u yimiba waxay leeyihiin xuquuqda muwaadiniinta S/Land waxay ka qayb gali karaan siyaasada dalka, waxaanay matali karaan xisbi kasta oo ay doortaan, caqliga ka kor ayaan ku leeyahay , oo sheekada hoos ha u dhigin.


Dalkan S/Land wuu horemaray,  waxaanu ka gudbay nidaamka beelaysiga, naxliga, cuqdada q abyaalada, karaahida, beenta isku-dirka, fidno abuurka [walciyaadu bilaah]

20 sano oo khibrad nabad galyo ayaanu haysanaa,  waxa dalkan iskaga danbeeyay rag taariikh da ku jira oo jagada madaxwayne soo qabtay:


1-Cabdiraxmaan Axmed Cali ,AHN
2-Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ,AHN
3-Daahir Riyaale Kaahin



Waqtigan xaadirka ah , madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin,  waa joogaa
waxaanu booqdaa dalka meel kasta oo uu doono asagoon wadan wax ilaaliya iyo wax uu ka ba qanayaa jirin,  waxay taasi ku tusaysaa sida shacabku ugu hanwayn yahay madaxdooda hoga anka u soo qabatay,  ee markii doorashada waayayna si wanaagsan oo gobanimo leh uga dag ay ,ayagoo leh waxaan ku qancay cod-bixintii dadka.


Bal soo booqo wadamada qaarada Africa , ma jiro nin madaxwayne oo xilka ka dega ilaa sidii Qa daafi uu dalka baabiiyo.Wali waxaan qabaa in rag badani aanay fahmin heerka wanaagsan ee S/Land taagan tahay iyo sumcada ay maanta ku leedahay aduun waynaha. Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada, Cabdilaahi Ducaale, waxa loo doortay inuu dalka South Sudan ka caawiyo dhin aca Horumarinta iyo Ssiyaasada iyo dibu dhiska dalka.

Taasi waxay ku tusaysaa in dadaal badan aynu muujinay oo isha laynagu arkay lana qadariyay
sidaynu wax u qabsanay ee dadkeena iyo dalkeena ugu soo dabaalnay kala-danbaynta iyo na bad galyada

Madaxwaynaha hada talada haya , alxaag Axmed Maxamuud Siiraanyo,  ayaa la mida oo maalin ta cad meeshuu doono kormeer booqasho ku taga asagoon wax cabsiya iyo wax kale midna ka baqayn ,waxa kaliya raaca masuuliyiin la mida oo kormeerkiisa ku weheliya. Waar dalkani ka na bad badan Maraykanka la sheego iyo Ingriiska , waa hadaad dhago leedahay,  suuqaa hadhka cad ruux dumari la fadhidaa sarifka oo ay kala badalaysaa Doolar iyo Somalilander shiling, ma jiro tuug ku saqajaama iyo wax ay ka baqanaysaa , waayo aminiga dalka ayaa sugan
 


Gabagabadii


Qaswade iyo looma baahna fitno abuur ilaa Boorame iyo Saylac ilaa Laascanood iyo Ceerigaabo
tan iyo Baligubadle ilaa Berbera ama Quus iyo Rabaso , Oodweyne iyo Saraar ,dadku waa naba d qabaa, wax dhibina ma jirto , hadaad is tidhaa dhib abuurna anagaa kaa diidnay

 

 


wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London