Amir Adan oo Ah Wiil Soomaliya oo Xildhibaan Ka Noqday Dalka Sweden‏

 


Sweden (TNN) -Maanta oo bishu tahay 6 oktoobar waxa la furay barlamanka Sweden. Wax a halkaas joogey Amir Adan oo ah Xildhibaan loo doortay Barlamaanka Sweden.waa malin taarikhi ah.

Amir Adan ayaa doorashadii Baarlamaanka Sweden ka soo baxay Xisbiga Muxafidka  (Cons ervative party) oo noqday xildhibaan. Xisbiga Muxaafidku waa Xisbiga Dawladda haya. Amir Adan oo dadiisu ay tahay 25 sanno ayaa ah Xildhibaankii ugu horeyey ee dhalinyaro ah oo afrika asalkiisu yahay ah oo soo galay barlamaanka Sweden. Arrintaasina waa mid guul ah oo lagu farxo.

Dhalinyarada Somalida ah, Afrikaanka iyo ajnebiga kaleba ee ku nool Waddanka Sweden, w axa uu Amir Adan u yahay tusalo fiican. Amir Adan siyaasada muddo badan ayuu ku jirey. Waxa uu fadhiyey Golaha Deeganka ee Xaafadda Hasselby, Ururka Dhallinyarada ee Xisbig ana Gudideeda ayuu ka mid ahaa.

Amir Adan waxa uu ku dhashay magalada Stockholm, Sweden. Abihii ayaa ka yimi magaalad a Sheikh, Somaliland. Amir Adan laba jeer ayuu tegay Somaliland. Markii ugu dambeysay  w axa uu tegay sannadkii 2009. Waxa uu booqday, Magaalooyinka, Hargeysa, Berbera, Sheikh iyo Burco. Hargeysana waxa uu kula kulmey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane  Abdira hman M Abdillahi iyo madax kale.

Amir Adan aad ayuu ula dhacay horuumarka fiican ee Somaliland ka socda marka la eego dhinaca nabada, dimuqraadiyada iyo baayacmushtarka. Amir Adan waxa ku yiri ”waxa aan ku faraxsanahay sidii fiicneyd ee ay doorashadii madaxweynaha u dhacday waxa aan rajeynaya in horuumarka fiican ee ka socda Somaliland uu hore u sii socdo. Amir Adan waxa uu ku talo jira in uu sannadka soo socda booqasho ku tago Somaliland.,,

 


Eidarus adan