Amiirka Kuwait Oo Madaxweynaha Somaliland U Soo Diraya Diyaarad Khaas Ah Oo Abu-Dubai Ka Soo Qaada Salaasada
 


Abu-Dubai, April 24, 2011 (TNN) - Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxam uud Siilaanyo ayaa la filayaa inuu Salaasada soo socota Caasimada isku taga Imaaraadka Carabta ee Abu-Dubai uga sii boqoolo dalka Kuwait iyada oo uu sii raaci doono mid ka mid ah diyaaradaha Diiwaan ka Amiirka Kuwait.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa todobaadkii hore booqasho gaar ah ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, kaas oo muddadii uu halkaasi ku sugnaa kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah madaxda dalkaasi, kuwa as oo ay ka wada hadleen xaaladaha ka taagan Geeska Afrika iyo mawduucyo ay ka mid ahaayeen Budhcad Baddeeda, Argagixisada iyo baahiyaha horumarineed ee ka jira dalka Somaliland, gaar ahaan kuwa khuseeya Biyo la’aanta iyo Waxbarashada.

Siday ilo xogogaal ahi Haatuf u sheegeen Waliyul Cahdiga Imaarada Abu-Dubai General Sheekh Maxa med Bin Saayid Al-Nahyaan oo isniintii ina soo dhaaftay qaabilay qada sharafna u sameeyey Mr Siilaa nyo iyo xubnaha waftigiisa, ayaa balanqaaday in dawladda Imaaraadku ay Somaliland wax kala qaban doonto Biyo la’aanta ka jirta.

Sidoo kale Sheekhu waxa uu ogolaaday inuu wax ka qabto arimo kale oo waftiga Somaliland waydiiste en in Imaaraadku gacan ka geystaan.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu Caasimada Imaaraadka ee Abu-Dubai hore ugula kulmay Wasii rka Waxbarashada Imaaraadka Sheekh Nahyaan Sheekh Mubaarak Al-Nahyaan, kaas oo Madaxweyn aha ka aqbalay in Imaaraadku ay taageero u fidiyaan Tacliinta Somaliland, isla markaana fursado Wax barasho Jaamacadeed (Scholarship) siiyaan arday reer Somaliland.

Booqashada Madaxweynaha Somaliland ee labada dal ee kala ah Imaaraadka iyo Kuwait ayaa waxa la aaminsan yahay in natiijada ugu weyn ee ka soo bixi doontaa ay noqon doono xidhiidh bilow ah oo dh ex mara Somaliland iyo labaad dal, xidhiidhkaas oo fure u noqon kara inay Somaliland kaga baxdo god oonkii ay kaga jirtay cilaaqaadka dawladdaha Carabta, gaar ahaana dalalka Khaliijka.
 

 

Source: Haatuf