Amiirka Al-Shabaab oo Caawa markii ugu horeysay ka hadlay Idaacadaha Muqdisho,kuna dhawaaqay in Sheekh Shariif iyo kooxdiisa ay diintoodii iibsadeen

 

Amiirka Ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan Abu Zubeyr ayaa caawa markii ugu horeysay ka hadlay Idaacadaha magaalada Muqdisho,isagoona ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jirto Sheekh Shariif iyo kooxdiisa Jabuuti in ay diinta Islaamka beecsadeen kana weecdeen wadadii hore loogu ogaa.

Waxay aheyd markii ugu horeysay ee Amiirka Al-Shabaab oo aan looga baran ka hadalka Idaacadaha uu caawa hadalkaasi jeediyo iyadoona uu mudo saacad ku dhaw ka hadlayay Idaacadaha Muqdisho,kuwaasi oo dhamaan si toos ah u tabinayay.

Amiirka Al-Shabaab Sheekh Abu Zubeyr oo ku jira liiska Mareykanka ayaa ugu horeyn waxaa uu kaga hadlay hadalkisa arrimaha ku aadan dadaalada beesha Caalamka iyo nabadeynta Somaliya waxaana hadalkiisaasi uu ku adkeeyay meel aan aheyn diinta Islaamka in aysan ku jirin xalka Umadda Somaliyeed.

Sheekh Abu Zubeyr waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha heshiiska Jabuti ee dawlada KMG ah iyo Ururka Dib U Xoreynta garabkiisa Jabuuti isagoona ku tilmaamay shirqool lagu doonayo in lagu dhiciseeyo halgankii Jihaadka ee shacabka Somaliyeed iyo jago ku badalasho dhibkii iyo dhiigii daatay.

Waxaa uu fariintisa ku magacaabay Sheekh Shariif isagoona ku eedeyay in uu ahaa nin xaqqa Allaah uu wax ka fahamsiiyay hadane ka weecday oo maciin biday taankiyada Ciidamada AMISOM in lagu ilaaliyo ama lagu soo dhaweeyo xerooyinkooda sida uu Abu Zubeyr sheegay.

Amiirka Shabaabka waxaa uu si cad u sheegay Shariif-ka hadda in uu yahay ninka ay Mareykanku wataan maadaama uu ka xuubsiibtay diinta Islaamka isla markaana uu kaga tanaasulay sharciga Islaamka danahiisa gaarka ah iyo jaceyl aduun sida uu wadaadku hadalka ku sheegay.

Waxaa uu dhalleeceeyay sidoo kale Culimada mudooyinkan waday dadaalada ay sheegeen in ay ku dhex dhexaadinayaan Muqaawamada kuwaasi oo uu ku eedeeyay in ay diban daabyo ku wadaan halganka Jihaadiga ah isagoona ugu baaqay hadii aysan wax ku tareyn diinta in aysan waxba u dhimin.

Sheekh Abu Zubeyr waxaa uu si weyn u lahadlay shacabka reer Muqdisho oo uu sheegay in dhibka ugu badan iyagu uu ku dhacay isagoona ku qanciyay wixii dhibaato aha ee gaaray in aheyd Allaah dartiis ayna Al-Shabaab la qeybsanayaan reer Muqdisho dhibkaasi gaaray,waxaana uu baaq ugu jeediyay xoogagooda in ay u jilicsanaadaan shacabka Muqdisho.

 



Markacadey.net