Ambassador Cawil Oo Ka Hadlay Qaadacaada Madaxweyne Silanyo Ee
Shirka London, Kana Waramay Inay Somaliland Geli Karto Go’doon
Diblomasiyadeed
Danjire, Cawil wuxuu Warbaahinta u sheegay inay qaadacadaasi keeni
karto tanaasul ka iman kara dawladaha shirka abaabulaya ....
Hargeysa (TNN)-Ambassador Xuseen Cali Ducaale Cawil, oo ahaa
wasiirkii maaliyadda ee xukuu madii hore, ayaa soo dhaweeyay
go’aanka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku qaad acay ka qayb
galka shirka London ee la qaban doono bisha May.
Danjire, Cawil wuxuu Warbaahinta u sheegay inay qaadacadaasi keeni
karto tanaasul ka iman kara dawladaha shirka abaabulaya. “Waxaan u
arkaa talaabo aad u fiican oo uu Madaxweynuh u ku talaabsaday. Shir
uu Madaxweynaha Somaliya guddoominayo madaxweynaheenu ma fadh iisan
karo, waxaanan la yaabay dawladda Ingiriiska ee hunguraynaysa inay
Somaliland ka qayb gasho, waayo wax dhici kara maaha, markaas
talaabo fiican ayay ahayd. Haddii adduun weynu hu isu keen
dhagaysanayo iyaga iyo inaga qaddiyadeenu way cadahay, oo waxaynu ka
wada h adli karnaa, jaarnimo iyo sidii lagu wadan noolaan lahaa wax
Somaliya kaga lumayaana ma jirto haddii ay Somaliland qaran
madaxbanaan noqoto, wax ugu kordha mooyee.”
Cawil Cali Ducaale, oo la weydiiyay bal inay qaadacaada Madaxweyne
Siilaanyo ee shirkaasi, S omaliland ku keeni karto go’doon
diblomaasiyadeed iyo cadaadisyo kale, wuxuu ku jawaabay “Had iyo
jeer diblomaasiyadda halka ugu saraysa ayaa la qabsadaa, markaad
halkaas qabsato wax badan oo tanaasul ah oo dhinaca kale ka iman
kara ayaa jira. Markaas waanu qaadacnay waxay keenaysaa mararka
qaarkood saaxiibtinimo inay kuu soo hoyso, had iyo jeer diblomaasi
yadda halka ugu saraysa ayaa la qabsadaa. Qaadacada shirkanina
dhibaato iyo go’doon diblo maasiyadeed oo ay inoo keenaysaa ma jiro,
waxase aan aaminsanahay inay wax inoogu soo ko rdhayaan oo waxa la
arkayaa inaynu nahay dad qaddiyadooda ku dhegan, oo haddii aynu
shirk a tagi lahayn waxa la sawiran lahaa inaynu yara dabacnay.
Laakiin markaad meel sare istaagto waxa imanaysa inaan lagu
dhayalsan oo dib la isugu noqdo. Markaas waxaan aaminsanahay inay
miisaan diblomaasiyadeed ay qaadacadda Madaxweynuhu inoo soo
kordhinayso.”
Cawil, wuxuu sheegay in qaadacadu ka mid tahay diblomaasiyadda,
waxaanu sheegay in mara rka qaarkood ay dawladuhu xataa xarunta
shirarka lagu qabanayo u dirtaan dad xog ka keena tirada kuraasida
la dhigay inay isku mid yihiin amaba ay muuqaal ahaan isku qurux
yihiin. “Qaadacadu diblomaasiyadda waa ka qayb, mararka qaarkoodna
marka ay dawladuhu wada ha dlayaan ka hor inta aan shirka la tagin
waxa la dirtaa dad gaar ah oo kaaga soo warama kura asida shirka in
loo dhigay tiro siman oo aanu dhinac badnayn, inay qaab ahaan
dhinaca quruxda isku mid yihiin iyo waxyaalo kale.” Ayuu yidhi Cawil.
Mar la su’aalay sida uu u arko qaraarkii uu golaha ammaanku
xayiraadii hubka kaga qaaday dal ka Somaliya, wuxuu sheegay inuu
yahay qaraar lagu degdegay “Talaabo khalad ah weeye oo hubkaas 80%
wuxuu galayaa gacanta xagjirka, markaas dawlad awood leh oo hubka
ilaashan kartaa ma jirto, waana talabao lagu deg degay oo khalad
keenaysa.”
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|