Danjire Baashe Cawil Oo Ka Waramay Mashaariic Dawladda Imaaraadku Ka
Saaciday Somaliland
“Ma jiro kaalin aan ku leeyahay qorshe Imaaraadka loogu wareejinayo
Maal-gashiga Dekada Berbera” Danjire Baashe CawilBaashe Cawil
Hargeysa (TNN):- Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa shaaca
ka qaaday inaanu jirin masaali x wadanka Imaaraadka Carabtu ku
doonayo bedelka mashaariicaha taageerada uu Somalila nd ka fuliyo,
balse yihiin dedaalo ku yimi siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Axmed
Siilany o hogaaminayo.
Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta Md. Baashe
Cawil oo mudadii uu xil ka hayey isbedel weyn ku yimi taageerada
dalkaasi siiyo Somaliland ayaa sheegay inay waaj ib ku tahay
xisbiyada mucaaridku taageerada waxtar kasta oo dalka iyo dadka u
soo kordhiy o masuul xil qaranka u hayaa ay taageereaan.
Danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka oo maanta u baxaya dalka
isku taga imaaraadka carabta, ayaa shalay waraysi dhinacyo kala
duwan la xidhiidha siiyay Weriye Maxamuud Wal aaleeye oo ka tirsan
DAWAN, waxaanu u dhacay waraysigaasi sidan:-
Maxaad nooga sheegi kartaa wax-qabadkii kuu suurtoobay mudadii aad
haysay xilka iyo xidh iidhka ka dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo
Imaaraadka Carabta?
“Mudadii aan safiirka cusub ee Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka
Carabta (UAE) xilkee da qabtay, mashaariic muhiim u ah dalka iyo
dadka Somaliland ayaan ku guulaysanay inaan soo dhammeyno, Ilaahay
mahadii, dhinacyo kala duwana way leeyihiin oo ay ugu muhiimsan
yihiin dhinacyada Biyaha, sida dhuumaha balaadhinta biyaha caasimada
Hargeysa oo dhawa an bilaabmaya, dhaamka Waaheen oo dhismihiisii
socdo, horena Madaxweynuhu u soo dhaga x-dhigay iyo dhaam laga
fulinayo magaalada Laascaanood, oo bilaabmi doona, marka dhaamk a
Waaheen dhammaado. Dhismaha warshada qaliinka xoolaha ee Berbera
ayaa dhismaheedu socdaa haddii ALLE yidhaahdo bisha August
dhammaanaya.
Dhinaca kale, xidhiidh wada shaqeyn dhow ayaan leenahay guud ahaan
madaxda iyo masuuli yiinta kala duwan ee dalka Imaaraadka carabta, oo
masuuliyadayda ugu horeysa ah,waana sababaha noo fududeeyey inaan ka
helo taageerada kala duwan. Waxa jira arrimo badan oo dhinaca sare
loogu qaadayo xidhiidhada dhinaca dublamaasiyada labada wadan u
dhexeeya, xilliganse aan ku habboonayn in warbaahinta laga sheego oo
socda.
Taageerada dhinaca abaaraha dalka Imaaraadku markii saddexaad ayey
keeneen deeq raas hin ay ugu tallo-galeen deegaamada gobollada
Somaliland ee abaarahu saameeyeen. Weftig ii ka socday dalka
Imaaraadka ee booqashada ku yimi Somaliland wuxuu tusaale u yahay
had afkooda inay mashaariic kala duwan oo wax u tara dalka iyo dadka
ka fulin doonaan gobolla da dalka ay ka mid yihiin masaajido, goobaha
adeegyada caafimaadka, waxbarashada, biyah a, iyo agoomaha.”
Maxay ka qabanayaan kor u qaadida aqoonta sare ee dalka oo ah
baabiyaha ugu waaweyn ee Somaliland?
“Taageerada Imaaraadku ka fulinayaan Somaliland waxa ku jirta deeqo
waxbarasho gudaha dalka iyo dibediisa ay siinayaan ardayda reer
Somaliland ah, sida 100 ardayda danyarta oo waxbarashada jaamacada
Hargeysa ka bixinayaan, halka 40 arday kale deeq waxbarasho dibadeed
wadamada Masar iyo Imaaraadka loo dirayo.
Sidoo kale tiro ka mid ah culimada dalka ayaa kulamo
aqoon-isweydaarsi culimada caalamku yeelan doonaan ugu diri doonaan
wadamada caalamka dhowaan.
Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo idaacada Qur’aanka taageero ayey
ka geysan doonaan qalabayn iyo dhismayaal cusub iyo tababarro
shaqaalaheeda u fulin doonaan, halka, saddex wasaaradood oo tamarta
ugu badan isticmaala, (Warfaafinta, Duulista iyo Macdanta) waxay u
sameeyeen qalabka soolar-ka cadceeda ku shaqeeya ee tamarta laydhka
dhaliya.”
Dawladda Imaaraadku ciidammadda Somaliland qalabeyntooda taageero ma
ka geysanayaan sida ay Soomaaliyaba wax ula qabtaan?
“Haa, way jiraan mashaariic dhinaca ciidamada oo Imaaraadku ka
fulinayo dalka, sida dhismaha kuliyad ciidamada oo laga dhisayo
dalka iyo tababarro la siin doono ciidamada Somaliland.”
Imaaraadku waxa uu noqday mid si toos ah iyo si dadbanba uga
jawaababa baahiyaha Somaliland markaa ma jirtaa wax masaaliix ah oo
uu doonayo inuu innaga bedasho kaalmadiisan?
“Xaqiiqdii maya, waa waxtar iyo taageero ku yimi dedaal iyo juhdi
masuuliyiinta qaabilsan ee annigu u horeeyo kaga midho dhaliyeen
siyaasadda Madaxweynaha JSL iyo xukuumadda So maliland u dejisay
hirgelinteeda. Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan! Waa waajib saaran
masuul kastoo haya xilka ummada Somaliland inuu ka shaqeeyo
horumarka dalka iyo dadka, anniguna ka soo baxay, laakiin, in dadka
wanaaga neceb ama kuwa belaayadda jecel sidaa u fasirtaan? Ta kale,
caqliga saliimka ah ma diidayo, xitaa berri haddii uu yimaado dalab
dalka Imaaraadku ku codsanayo helitaanka goobo ka tirsan dalka oo
maalgashiyo kala duwan uu ka sameeyo in loo ogolaado, illayn abaalka
iyo waxtarka dhinacyada kala duwan ee dalka Imaaraadka Carabtu u
gallay shacabka Somaliland mid la dafiri karo ma ahee.”
Md. Baashe, maxaa sababay in joogsadaan dhaliilo badan oo
wakhtiyadii hore dad kala duw an kuu jeedin jireen, inkastoo ay weli
jiraan eedo lagaaga jeediyo inaad dabada ka riixayso qorshe
maalgashiga dekeda Berbera lagu siinayo Imaaraadka, ma jiraan wax
aad ku darayso arrintan?
“Runtii, waxaan filayaa in dhaliilo aan jirin oo hore xukuumadda iyo
masuuliyiin aan ka mid ah ay looga sheegi jiray inay iska dhammaadeen,
markii bulshadu wax-qabad waxaan ahayn ka arki waayeen, taa
bedelkeediina, waxaa bilaabmay in bulsho kala duwan ka
mahad-celinaya an kana markhaati kacaan wax-qabadka masuuliyiinta
xukuumaddu wada jir u gaadhsiiyeen, ama shaqsi walba ku soo
kordhiyey. Waad arkaysay dhambaalka mahadnaqa Madaxweynah a JSL, Md.
Axmed Maxamed Siilaanyo ugu dirayey madaxda iyo shacabka dalka
Imaaraadka Carabta, waxaanay ka turjumaysaa qiimaha in qof kasta ka
abaal-celiyo waxtarka cid kale u geysato, waan ku bogaadinayaa
dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadeenna oo si muu qata iyo si
dadban-ba u taageeraya wax-qabadka wadanka Imaaraadku ka fulinayo
Somalil and, oo natiijadeedu noqon doonto mid dadkii bixiyeyna u
arkaan in looga mahad-celiyey, be rri-na ku dhiirinaysa inay kuwo ka
sii badan fuliyaan.
Dhinaca kale, kaalin aan ku leeyahay qorshe Imaaraadka loogu
wareejiyo maalgashiga deke da Berbera, waxba kama jiraan, mana iman
karo go’aan ii gaar ah oo ku saabsan arrintan, balse waa mid ku
xidhnaanaya mowqifka Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo iyo
xukuumadu ku qaataan shirkada horumarka danta dadka iyo dalka
Somaliland laga dhex arko inay buuxin karto.
Waan soo dhoweynayaa dhaliil kasta oo ka muuqata gudashada xilkayga,
oo dariiqii saxda loo maro, sidoo kale waxaan ka filayaa xisbiyada
mucaaridka inay ka garaabaan wax-qabad kasta oo dalka iyo dadka ay
ku soo kordhiyaan guud ahaan xukuumaddu, iyo gaar ahaan shaqsiyaadka
xilka ummada u haya.”
Source: Dawan
|