Amaanka Hargeysa oo caawa aad loo adkeeyay iyo cabsida kooxda Al-shabaab laga qabo oo aad u soo badanaysa

 


Hargeysa(TNN)-Amaanka magaaladda Hargeysa ayay Ciidamadda Amaanku aad u adkeeyeen ka dib markii ay dareemeen dhaqdhaqaaq ay Somaliland gudaheeda ka wadaan kooxo si qarsoodi ah u soo galay oo laga cabsi qabo inay weeraro geystaan.

Ciidamadda Taraafiga oo markii ugu horeysay ku hubaysan qoryaha fudud iyo kuwa kale ee Booliis ka ayaa taagan isgoys kasta oo ka mid ah jidadka waaweyn ee Hargeysa, waxaanay baadhayaan gaadiidka iyagoo qof qof u eegaya wajiyada dadka saaran isla markaana weydiinaya sharciyadooda.

Ilaa hada xukuumada iyo Saraakiisha Amnigu si rasmi ah ugamay hadal xaalada soo korodhay noo ca ay tahay hase yeeshee Taliyaha Booliiska ayaa ka hadlay gaadhi UN ku leeyihiin oo Nambarka laga furtay, kaasoo looga shakisan yahay in ay ka furteen Kooxda Al-shabaab oo la filayo inay ka soo firxadeen dhinaca Somaliya.

Sh Aadan X Maxamud “Aadan Siiro”, ayaa qudbadiisii shalay Jimcihii uu Masaajidka Xawaadle ka a khriyay inay jiraan wadaado badan oo in muddo ah dalka ka maqnaa inay soo galeen isagoo Sirdoo nka ku eedeeyay inaanay waxba kala socon dhaqdhaqaaqooda isla markaana tilmaamay inay hoos u dhacday xirfadii Sirdoonku kadib markii ay maamulka talada hayaa ka eryeen shaqadaasi dadkii xirfada sare u lahaa.

Waxa iyana ay sheegayaan wararka kale ee magaalooyinka dalka laga helayaa inay kooxahaasi iy agoo feeraarsan ay ku soo baaheen gobolada dalka gaar ahaana Burco iyo Hargeysa isla markaa na ay isku dhererinayaan dhinaca xeebaha iyagoo dhuumaalaysanaya sida la sheegayna qaarkood waxa ay kaba gudbayaan dhinaca badda.

Si kastaba ha ahaatee dagaalo culus ayaa kooxda Al-shabaab ku qabsaday koonfurta Somaliya oo ay aad ugu xoog badan yihiin inkastoo ay caawa qabsadeen magaaladda Dhuusa-mareeb oo ah go ob istaraataji ah oo la filayo inay doonayaan inay uga soo gudbaan dhinaca Puntland si ay iskugu soo balaadhiyaan dhulka buuralayda ah ee Silsilada Golis

Source:Waaheen