Al-Somal: "Wargeyskii ugu horreeyey ee ka soo baxa Somaliland 1949kii"

 


Maalmahan waxa lagu jiray xuskii konton-guuradii ka soo wareegtay maalintii uu soo baxay wargeyskii caanka ahaa ee Alliwaa. Wargeyskaas oo soo baxay bishii Oktoobar 1958kii. Qoraal uu ka diyaariyey ruugcaddaaga, siyaasiga, suxufiga caanka ah Axmed Yuusuf Ducaale ayuu inoogu faahfaahiyey qaabkii iyo qoraaladii Alliwaa. Qoraaladaas oo aad u xiise badnaa, waxa uu xanbaarsanaa taariikh muhiim ah. Marnaba ma isweydiisay, wargeyskii ugu horreeyey ee ka soo baxa Smaliland? Goorma ayuu soo baxay? Yaase soo saaray.? Wargeys la odhan jiray Al-somal ayuu ahaa wargeyskii ugu horreeyey ee xor ah ee ka soo baxa Somaliland. Waxa uu soo baxay 1949kii ama horraantii 1950kii. Waxa soo saaray ilaahay ha u naxariistee Marxuum, Maxamuud Jaamac Uurdoox. Waxa lagu soo daabici jiray dalka Yaman (Cadan) oo xilligaa xidhiidh fiicani ka dhexeeyey labada shacbi, ee Somaliland iyo Yaman.

Alliwaa, waxa uu noqday wargeyskii ugu horreeyey ee lagu daabacay dalka gudihiisa. Waxa lagu daabacay madbacaddii ugu horreysay ee dalka la keeno oo ahayd madabacad ganacsi. Waxa shirkaddaa wada lahaa, ilaahay ha u naxariistee, Axmed Jimcaale iyo Ibraahin Guuleed, iyo Cabdilaahi Oomaar oo isagu nool xilligan. Madbacadda waxa la odhan jiray "Horseed Printing Press". Goobtii ay madbacaddaasi ka hawlgashay waxa ay ahayd magaalada Hargeysa. Wargeyskii Alliwaa sidaas ayuu uga soo baxay Hargeysa, caddadkiisii ugu horreeyey, maalin jimce ah bisha Oktoobar na ay ahayd afar iyo labaatan.

Waxa aad u xiise badan qaabkii uu u qaybsanaa Wargeyskaasi, oo aad odhan karto waa ay ka habaysnaayeen qaabka maanta wargeysyadeennu wax u soo qoraan. Akhristoow bal qaybahan ila eeg oo barbar dhig kuwa maanta soo baxa iyo sida ay u qaybsanyihiin qoraalada ku soo baxa wargeysyada maanta.

1. Ereygayaga, oo ahaa maqaal joogto ah oo bogga hore ku soo baxa.
2. Bogga ardayda.
3. Bogga haweenka
4. Mimberka Gabayga
5. Warka todobaadka
6. Dhallinyarada

Qaybahaas iyo kuwo kale ayuu ka koobnaa Alliwaa. Taariikhda dahabiga ah ee uu innoogu deeqay Mudane, Axmed Yuusuf Ducaale, kuma koobna wargeyska Alliwaa ee waxa uu inoo soo bandhigay wargeysyadii kale ee dalka ka soo bixi jiray intii ka horreysay xorriyaddii Lixdankii ee saqiirtay. Muddo yar markii ay jirtay Alliwaa ayaa waxa soo baxay wargeys kale oo la yidhaa Qarni-Ifriiqiya, oo uu tifatire ka ahaa Marxuum, Cumar Maxamed Cabdiraxmaan (Cumar Dheere). Waxa ku xigeen ka ahaa Marxuum, Cali Meygaag Samatar. Waxa kaloo xilliyadaa soo baxday Asaraaxa, oo uu mulkiilaheedu ahaa Marxuum, Xasan Cumar Camey. Tifatiraheeduna uu ahaa, Cabdilcasiis Xaaji Ismaaciil (Dakhare). Intaasi waxa ay ku soo bixi jireen af-Carabi, halka ay markii danbe ka soo baxday Somaliland News oo af-Carabi iyo Ingiriisi ku soo bixi jirtey.

Somaliland News muddooyinkii hore waxa la odhan jirey "War-soomali-sidihii" Waxa ka madax ahaa Cabdiraxiim Caabi Faarax. Intaas oo wargeys oo xor ah ayaa Somaliland ka soo bixi jiray. Waxa aan jeclaan lahaa, in aynu wax ka ogaanno, maalintii xorriyadda aynu qaadannay, ee ay saqiirtay, halkii ay ku danbeeyeen wargeysyadaasu in ay odayaashii xilligaa goob joogga ahaa inoo iftiimiyaan. Gaar ahaan Axmed Yuusuf Ducaale oo aan aad ugu mahadnaqayo sida xilkasnimada ah ee uu u soo koobay una soo gudbiyey taariikhda wargeysyada Somaliland in uu markale qalinka u qaado oo uu inoo soo bandhigo halkii ay ku danbeeyeen wargeysyadaasi.

Fiiro gaar ah: Qofkii haya xog ku saabsan wargeysyada aan qoraalka ku xusay, waxa aan aad uga codsanayaa in uu emailkan igala soo xidhiidho.

Gacanlibaax2001@yahoo.se
 

 

 


Sayid Maxamed Yuusuf-dhegey

Sweden