Alqaeda oo u guuraysa Soomaaliya



Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Pakistan, ayaa sheegtay in ay ku guulaysanayso dagaalka ka dhanka ah Taliban, oo ay dalkeeda ka saarayso AlQaeda.

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan, Rehman Malik, oo hadda ku sugan London, ayaa u sheegay BBC-da in ciidamada Pakistan ay quwad tustay maleeshiyooyinka Islaamiyiinta ayna ka go'an  tah ay in ay u dhamayso.

Wuxuu sheegay in wararka sirdoonka ah ee la helayo ay  muujina yaan in taageerayaasha Al-Qaeda ay baqdin soo wajahday, oo hadda ay ka tagayaan Pakistan, iyagoo ku sii jeeda Soomaaliya, Sudan iyo Yemen.

Mr Malik, ayaa sheegay in dalka oo dhan uu taageersan yahay dadaalka dowladda ay waddo ee dalka ay kaga saarayso wax uu ugu yeeray cadowga bini'aadaminimada.

 



Source:BBC