ALLE Ha U Naxariistee Xeer Ilaaliyihii Gobolka Sool oo Fiidkii Toogasho lagu dilay
 

 

 



ALLE ha u naxariistee Marxuum Axmed X. Maxamuud ayaa aan ilaa hada la garanayn......


Laascaanood (TNN)- ALLE ha u naxariistii waxa caawa fiidkii toogasho magaalada Laascaa nood lagu dilay Xeer ilaaliyihii Gobolka Sool Axmed X. Maxamuud.

ALLE ha u naxariistee Marxuum Axmed X. Maxamuud ayaa aan ilaa hada la garanayn cid ka dambaysay dilkiisa, iyada oo ay dablay hubaysan bastoolada ay ku toogteen magaala da Laascaanood isaga oo ku sii jeeda gurigiisa.

Ciidamada kala duwan ee Booliska iyo Qaranka ayaa soo gaadhay goobtii uu dilku ka dhac ay si ay u baadhaan cida ka dambaysay dilka xeer ilaaliyaha.

Ma jiro warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dilka loo gaystay xeer ilaaliyaha gobolka, iy ada oo baryahan dambe magaalada Laascaanood ka ladnayd dilalka qorshaysan ee wakh tiyada dheer aafeeyey.


Wixii warar dheeraad ah ee ka soo kordha waxaanu idiin soo gudbin doonaa INSHA ALAH wakhtiyada soo socda
 


Sacad M. Cabdi
Timacade News Desk