Allaylehe Mujaahid Gurey wuu Dhicisoobay
 

 

Asalaamu calaykum dhamaan saxaafada madaxbanaan ee Somaliland noocyadeeda kala duwan iyo inta ka hawlgashaba.

Sidoo kale waxaan salaamaya inta akhristayaasha firfircoon raygoogana cabira waa salaamantihiin.

Maqaalkani maaha deelqaaf loolamana jeedo in uu noqdo mid sharafta iyo karaamada shaqsinimo meel uga dhacaaya Mujaahidka, se waa maqaal sawir ka bixinaaya mujaahidka dhinaca siyaasadeed ee uu qaatay.

Ceebna maaha dabina maaha in uu mujaahid Gurey ka wareegay asxaabtiisi ay soo wada mareen waayaha adag iyo xisbigi Kulmiye una diga rogtay xisbiga UDUB.



Laakin waxa shacabi weynaha Somaliland amakaag iyo filowaa ku noqotay in mujaahid Gurey ka baxay xisbiga KULMIYE una wareegay UDUB wakhtigan kala wareega ah.

Waxa kale oo shacabku aad uga xumaadeen hadaladii uu ka jeediyeey maadaashi xafladi UDUB ay ku qabsadeen Hotel Maansoor bishan aynu ku jirno gudaheed.

Mujaahidku wuxu yidhi "Meeshi aan ka imid (KULMIYE) may oolin fikrad dalka anfacaysa se waxa taalaay fikrad dalka duminaysa"



Wax badan kasheegi maayo Mujaahidka oo isagaaba shacabka isku tilmaamay hankiisa siyaasadeed iyo danaha shacabka Somaliland-ba halka uu ka taaganyahay.

Shacabka xalaasha ee Somaliland mujaahid Gurey waxay saareen calaamad madaw mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo dadnimaba, sharaftii iyo karaamadii uu bulshada ku dhex lahaana wuu iska meedhay "heebad uu alle ku siiyay habeen la iskama qaado"

Muj: Gurey wuxu noqday odaygii inta u soomana maalintii oo dhan laakin se aakhirki ku afuray BASAL



Bal aynu dib u jaleecno xisbiga uu ka soo baxay muj gurey iyo ka uu ku biiray halka ay ka kala taaganyihiin danaha dalka iyo shacabka aynu ku horeyno xisbiga uu ka soo baxay mujahaidku.



KULMIYE:


Xsbiga KULMIYE waa xisbiga mucaaridka ka ugu weyn amba hadaynu si kale u dhigno waa xisbiga kaliya ee somaliland ka jira ee leh calaamadihi lagu garanjiray xisbi qaran.

Xsibiga waxa ku jira haldooradii siyaasada Somaliland miisaanka culusna ku laha shacabka dhexdiisa iyo geeska Afrikaba.

Xisbiga KULMIYE waa xisbigii ogolaaday doorashadii madaxtinimada ee dhacday sanadii 2004 taas oo dadku ogyihiin in uu yahay xisbigii ku guulaystay hogaaminta dalka doorashadaas laakin laga hor istaagay oo si badheedha xuquuqdiisa loogu diiday, xisbigu waagaas wuxu kala doortay Somaliland ama Kursi taladiina waxay noqotay Somaliland jiritaankeed in uu doorto sidaasna UDUB ay ku fadhiisatay kursigii.

Xisbiga Kulmiye waa xisbiga kaliya ee si cadaalada ka baxsan loola dhaqamay waxaas oo dhana waxay ugu dulqaadanayeen danaha dalka sababto ah wa ragi u soo halgamay Mgaca Somaliland ee UDUB maanta madaxda ku tahay.

Raga hormoodka u ah KULMIYE waa ragi hogaaminaayay ururkii xaq udirirka ahaa ee SNM hadayna waagaas soo dhicin Somaliland maanta inta dalka hogaamisa waxaytaagnaan lahaayeen darajadoodi hore ee aheed basaasnimo ay dhagaystaan daaqadaha xaafadaha.

warqad iyo qalinku soo koobi kari maayo wanaaga iyo taliska wacan ee KULMIYE.



UDUB:


Xisbigan waa xisbiga dalkeyne hogaamiya mudo 7 sano ah oo ay ahayd uun in hogaamiyaan 5 sano sida uu qoraayo dastuurka dalkeynu.

Xisbigan UDUB qof la odhan karo waa siyaasi ruugcadaa ah oo ku jira ma jiro inta ana ka ahayn basaasiinti ugu ruugcadaasana wixii loogu yeedhi jiray NSS.

Xisbigani waa xisbiga suuqi xorta ahaa koonto ugu xidhay dhowr qof, Xoolihii,shidaalki,Dakadi, madaarki
iyo meelo kale oo badan IWM.

xukumada dalka hagta ee udub waa xukumadii ugu horeysay ee doorasho ay wakhtigeedi dhaafto dhowr jeer taasna waxaynu ku macnaysan karna masuuliyad daro oo ay aheed in lagu sameeyo xil ka xayuubin

Xisbigani waa ka kaliya ee ku tuntay xeerarkii iyo dastuurki dalka iyo dadka kala hagaayay, dano shaqsi ayaa laga doortay.

Kaw maaha laba maaha inta xeer ee la jabiyay waxaynu tusaale u soo qaadan doona xeeka ugu dambeeyay ay baal mareen awaamiirta uu faraayay.

1: qodobka 83 farqadiisa 5 oo o dhanaysa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxa loogu kaordhin kara xilka marka ay timaado daruufo nabadgalyo xumo ama aafo qaran.

taasina maba taalo maanta kamana jirto dalkeena waxa uu qodobkaasi tilmaamaayo.



2: qodobka 22 oo tilmaamaaya xaqa muwaadinka eray dhiibashada cabiraada dareenkiisa oo uu ku muujin karo qoraal,muuqaal,suugaan,mudaharaad iyo qaab saxaafada ahba. taasna waa ogtahay wixi ay sameeyeen xisbigan dalka wada ee udub waati hogaanki dhamaa ee xibiga KULMIYE rasaas ooda kaga qaadeen xili ay mudaharaad salmi ah ku raadsanaayeen xuquuqdooda xisbinimo.



lama soo koobi karo inta qodob ee ay ku tunteen xisbigan UDUB labadaas qodobna waxay ahaayeen uun labada qodob ee ay jabiyeen shalay ama daraad.

Hadaba mujaahid Gurey meesha u saalo dhigtay waa meesha sidaas ah.meesha uu ku sheegay in ay taalo danta umada iyo dalkaba waa meesha sidaas ah.

Hadaba mujaahidka ma waxba loo laabay ileyn waati la yidhi "calool wax cuntay waa xishootaaye).



Tallo: ku socota Mujaahid Gurey:



Mujahaid waxaad ahayd dadka sharafta iyo karaamada dalkooda ku dhex lahaa ee dariiqa aad hada qaaday waa kii dalka duminaayay iyo taada shaqsinimoba ee hadaad ku sii socotid waxaad ku dambeyn sida Muj: Talaabo ee inta goori goor tahay ka soo noqo.


 

 

 


Qormadii: Abdifatah O. Abdi (Abdi kling king)

kling_king@hotmail.com
Hargeisa Somaliland