Agaasimeyaal ka tirsan Wasaarada warfaafinta oo Been abuur ku tilmaamay inay Is-casilayaan


 


“Ma aha wargeyska Haatuf inuu anaga salaan naga dhigto haddii ay cid is hayaan”



Hargeysa (TNN)- Afar Agaasime waaxeed oo tirsan wasaarada warfaafinta iyo wacyi-gelinta ay aa beeniyay gaashaanka ku dhuftay war sheegayay inay is casilayaan oo uu baahiyay Wargeys ka Haatuf , ee ka soo baxa Magaalada Hargeysa, waxaanay u soo jeediyeen Wargeyskaasi inaa nu salaan uga dhigan haddii ay cid is hayaan.

Agaasimeyaashaasi waxay Sidaas ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta duhurkii ku qabteen xarunta wargeyska DAWAN, waxaanay sheegeen inay la shaqaynayaan wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Md. Boobe Yuusuf Ducaale.

Guddoomiyaha DAWAN Media Group Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) oo ugu horayn ka hadlay s hirkaasi jaraa’id ayaa sheegay inay la yaabeen warka sheegaya inay is casilayaan waxaanu arri ntaasi ku sifeeyay been abuur aan geedna loogu soo gaban, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wu xuu yidhi “Saaka oo Salaasa ah oo taariikhdu tahay 31-ka Bisha July waxa Wargeyska Haatuf cad adkiisii maanta (Shalay) ee 1433 ku soo baxay war sheegaya inay is casilayaan afar agaasime w aaxeed oo ka tirsan wasaarada warfaafinta. Agaasimeyaashaasi oo kala ah Anigoo ah Guddoomi yaha DAWAN Media Group, Agaasimaha TV-ga Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul, Agaasimaha Farsamada Axmed Saleebaan Weyne, Wakiilka TV-ga Qaranka ee Yurub Khadar Xasan Cali Gaas inkasta oo magaciisa la khalday oo lagu qoray nin Weriye ah oo TV-ga ka shaqeeya oo la yidhaa hdo Cabdilaahi Maxamed Cali oo shalay uun dalka yimid. Warka caynkaas ah ayaa ku soo baxay wargeyska Haatuf, runtii arrintaasi waxay nagu noqotay mid aad u yaab badan. Waayo ma jirto meel aanu ku qabanay, mana jirto meel aanu ku nidhi waanu is casilaynaa, mana jirto cid aanu u sheegnay oo aanu ku nidhi shaqo ayaanu ka tagaynaa. Waa gef cad oo anaga nalaga galay iyo gef laga galay shaqada aanu qaranka u haynay.”



“Warkan been abuurka ah waanu ka raali-gelinaynaa Wasiirka warfaafinta waxaanan leenahay w arkani ma aha mid anaga nalaga soo xigtay. Waana war been abuur ah oo aanay waxba ka jirin. Waxa la odhan jiray labaatan jir Mudug jooga ALLE uma xil qarin, waxaan leeyahay wasaarada warfaafinta qof ka shaqaynaya ALLE uma xil qarin oo waxeenii oo dhan waxa lagu hayaa suuqa. sa bab aanu isu casilaa ma jirto shaqada qaranka maalinta naloo garan waayana waa meeshee da,”ayuu yidhi Guddoomiyaha DAWAN.



Maxamed Cismaan Mirre oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray “Arrintaas iyada ah aad baanu uga xun nahay, wargeyskana waxaanu kula tallin lahayn inaanu anaga (Agaasimeyaasha waaxaha) salaam nooga dhigan haddii ay cid is hayaan, waayo ma jirto cid aanu u sheegnay wa anu is casilaynaa oo nalaga soo xigtay.Agaasimeyaashii waa kuwan halkan wada fadhiya markii aanu is waraysanay ee arrintii aanu dhinac walba ka eegnay waxay noogu muuqatay waxaan meesha qaban inay tahay.”

“Waxaanu halkan ka caddaynaynaa inaanay jirin shaqo aanu iska casilayno iyo war aanu bixinay iyo hanta dhawr aanu ognahay oo la is hortaagay midna ma jiro,”ayuu yidhi Guddoomiyaha DAW AN media Group.

Agaasimaha waaxda Farsamada ee wasaaradda Warfaafinta Maxamed Saleebaan Weyne oo isna ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa war been abuur ah oo la soo dhoodhoobay ku tilmaamay warka wargeyska Haatuf, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Warkan sheegaya inaanu is cas i ayno waa war been abuur ah oo ku tidhi ku teen ah, mana jirto anagana nalagama soo xigan. Waxaanu u aragnaa in naloo badheedhay oo sharaftayadii iyo cirdigayagiiba wax loo dhimay. waxaan leeyahay Haatuf iyo wargeysyada kaleba ka waantooba wararka aan sugnayn ee been abuurka ah.”


“Ha’yada Hanti-dhawrku waa Ha’yad dawli ah waanu soo dhawaynaynaa haddii aanu nahay mas uuliyiinta wasaarada warfaafinta. Ta labaad anagu ma lihin awood aanu ku dalbano in Hanti dha wr la geliyo Wasaarada warfaafinta,”ayuu yidhi Agaasimaha Farsamaddu.


Wakiilka TV-ga Qaranka ee Yurub Khadar Xasan Cali Gaas, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay inay la yaabeen warka sheegaya inay is casilayaan markii ay ku arkeen warka koowaad ee wargeyska Haatuf.

“Waxaanu ka hortagayno oo aanu diidan nanayna ma jirto, waxa warka Haatuf khaladkiisa ku tusaysa magacaygii waa la khalday oo nin weriye ah oo Cabdilaahi la yidhaahdo ayaa lagu qoray agaasimaha TV-ga qaranka ee Yurub. Ma jirto meel aanu ku shirnay oo aanu ku go’aansanay inaanu is casilno. Waxa kale oo aan halkan ka cadaynaynaa inaanaan lahayn awood aanu hanta dhawr wasaarada ugu yeedhno, waxase aanu ku khasban nahay in Ha’yad kasta oo dawliya oo timaada la shaqayno,”ayuu yidhi Khadar Xasan Cali.


Agaasimaha Telefishanka qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id waxa uu sheegay inay nidar ku marayaan inay u adeegayaan bulshada iyo shaqada qaranka, waxaanu waxba kama jiraan ku sifeeyay warka sheegaya inay is casilayaan.

“Anigu waxaanu leenahay wasaarada warfaafinta iyo qaranka dhismihiisaba anagu diyaar ayaa nu u nahay waana aanu ugu adeegaynaa wixii xirfadayada iyo aqoontayada ah. Waxaanu diyaar u nahay inaanu la shaqayno wasiirka wasaarada warfaafinta oo aanu u noqono baalashiisii. Ana gu warkan maanu bixin nalagamana soo xigan. Warkani waa been abuur iyo malo-awaal,”ayuu yidhi Agaasimaha Telefishanka qaranku.

Mr. Dhuxul wuxuu intaasi ku daray “Anagu halkaa ay leeyihiin waxay nidar ku galeen inay shaqa da iska casilaan waxaanu nidar ku maraynaa inaanu shaqada qaranka wadno oo u adeegno. Mana jirto cid aanu uga tagayno iyo cid aanu uga cadhoonaynaaba. Laakiin wixii shaqada xumayn aya waanu ka soo horjeednaa ee cashuurta islaamaha laga soo ururiyay ee dhiiga ummadda ah cunaya.”





Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa