Agaasimaha Warfaafinta iyo Maareeyaha TV Qaranka oo ka war bixiyay heshiisyo ay Wasaaraddu gashay

 



Maareeyaha TV-ga qaranka Md Khadar Cali Gaas ayaa maanta si wada jir ah uga warbixiyey arrimo ku saabsan...........


Hargeysa (TNN) -Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta, Wacyigelinta iyo dhaqanka Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf iyo

Maareeyaha TV-ga qaranka Md Khadar Cali Gaas ayaa maanta si wada jir ah uga warbixiyey arrimo ku saabsan heshiisyo ay wasaaraddu kula jirtay Shirkado kale oo qaarkood dib u eegis lagu sameeyey iyo talaabooyin horumar ah oo loo qaaday dhinacyada baahinta Tv-ga iyo Idaacadda.

Maareeyaha Tv-ga Qaranka Md Khadar Cali Gaas ayaa ka warbixiyey waxqabadkii TV-ga Qaranka ee mudadii uu xafiiska joogay, waxana uu tilmaamay in la tayeeyey dib u habayna lagu sameeyey barnaamijyada TV-ga , halka sidoo kalena lagu soo kordhiyey labo Studio oo cusub oo laga kala furayo dhowaan dalalka Sweden iyo Maraykanka, kuwaasoo loo dhamaystiray qalabkoodii.

Md. Gaas waxa uu caddeeyey in ay joojiyeen heshiiskii hore ee shirkadda TAICOM oo lacag aad u badan oo qarankani awood u lahayn ay ku bixi jirtay, isla markaana ay heshiiskii cusboonaysiiyeen ka dib markii wax ka bedel lagu sameeyey lagana saaray gacan sadexaad oo ku dhex jirtay, taasina ay keentay in waddanka ay u badbaado lacag badan oo heshiiskaa hore ku bixi jirtay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf ayaa isaguna ka hadlay talaabooyin ay u qaadeen dhinacyada isku xidhka waaxyaha wasaaradda iyo shaqaalaheeda.

Md Jibriil waxa uu sheegay in si guud loo tayeeyay dhamaan baahinta ka baxda Idaacadda iyo Television-ka Qaranka, kulamo xidhiidh ahna ay la yeesheen shaqaalaha si loo dardargeliyo shaqada ay wasaaraddu u xilsaaran tahay.

Agaasimaha guud waxa kale oo uu tilmaamay in isku xidhka shaqaalaha ka sokow wada shaqayn iyo isku xidhnaan laga sameeyey qaybaha laydh tiriiga iyo internetka ee wasaaradda.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland