Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo ka Waramay Siduu U Dhacay Dagaalkii Gacan Ka Hadalka Ahaa Ee Dhexmaray Maayarka Magaalada Berbera

 



Hargeysa ((TNN): - Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa Ka waramay sidii wax u dhaceen, kadib dagaal gacan ka hadal ah oo Xafiiska Wasiir Cali Warancadde ku dhexmaray Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxam uud Cidin.

Cabdifataax Siciid Axmed oo aanu waydiinay marka hore waxaa keenay in arrintu dagaal gaadho iyo waxaa xanaaqa intaas leeg ee dagaalka ah gaadhsiiyay Maayarka Berbera wuxuu yidhi. “Wallahay sidaa aad u yaabantihiin uunban aniguba ula yaabanahay sababta Maayarka Berbera isagoo masuuliyad ballaadhan haya Guddoomiye ka ah gole degaan oo la soo doortay uu dagaal iyo fawdo ku soo qaado xafiis dawladeed. Wax shakhsi ah oo naga dhaxeeyay annaga ma jiro, dalku shuruuc ayuu leeyahay Wasaaradda arrimaha guduhuna shuruuc loo raacayo fulinta masuuliyada ay Qaranka u hayso ayaa jira, waxaynu wax ku noqonaynaa Qaran ahaan iyo qof ahaanba in shuruucda dalkeenu ay shaqeeyaan oo loo hogaansamo, hay’adaha dawladda haday mid sare tahay iyo haddii ay Dawladdo hoose yihiin shuruucdaas ayay ku wada shaqeeyaan. Marka wax Maayarka Berbera u gooniya ma jirin wuxuu kaga duwanyahay Maayarada kale ee Magaalooyinkana ma jirin. Waxaa kaloo jira Mashariicda JPLG (Join Programm for Local Governments) ee dawladaha hoose door ayay ku leedahay Wasaaradda arrimaha guduhu, in la qiimeeyo oo lala socdo waa masuuliy adaha Wasaaradda Daakhiliga, sidoo kale magacaabista Xisaabiyaasha Degmooyinku wax ay ka midyihiin awoodaha Wasaaradda, kaas oo hoos imanaaya Xafiiska Badhasaabka.

Marka Maayarka Berbera haddii uu cabasho qabo nidaam uu soo raaco ayaa jira, dagaal tag ayuu Xafiiska iigu yimi fawdo ah, isagoo gacan qaad igu bilaabay Xafiiska Wasiirkada, dee Masuuliyiin naga saraysa ayaa jirta labadayadaba cidii khaladka la hayd ayuunba qaadi doonta masuuliyada wixii dhacay”.

Agaasimaha guud ee arrimaha gudaha Cabdifataax Siciid Axmed oo aanu waydiinay siduu arko inay ceebtahay in Masuuliyiin xilalkii ugu sareeyay hayaa ku dagaalamaan Xafiisyadii ay ahayd inay ummadda ka hoggaamiyaan wuxuu ku jawaabay. “Waa ceeb ku fadeexad ah haykalkii dawladeed shuruucdu inay ina hagto oo lagu kala danbeeyo ayay ahayd, waxaan a masuuliyada qaadaya cida soo dagaal tagtay ee xitaa Wasiirkii Wasaaradda ka xishoon w eyday”

Ugu dambayn Agaasimaha ayaa soo bandhigay shuruucda ay kula shaqeeyaan dawladaha hoose ee magaalooyinka dalka.



Source: Wargayska Somalilandtoday