Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Debadda Somaliland Oo
Beeniyey Inuu Iscasilay
Hargeysa (TNN):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha debadda
Somaliland, Maxamed Xasan Siciid ayaa beeniyay inuu iska casilay
xilkii uu hayay. Agaasime Maxamed Xasan Siciid oo maal mihii u
danbeeyay Saxaafadda qaarkood qorayeen inuu xilkii uu Wasaradda Arrimah a debadda hayay iska casilay ayaa guud ahaan warkaas ku
tilmaamay mid aanay waxba ka jirin qoraal uu so diray waxa u dhinaa
sidan
Waxa aan Halkan ku beeninayaa war la iga faafiyay oo ah in aan is
casilay. Arrintani waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, mana jirto
meel aan isku casilay ama iscasilaadayda kaga had lay.
Dawlada aan ka mid ahay iyo xilka aan ka hayo labadaba waa aan ku
qanacsanahay, waana waajib qaran oo madaxwaynu ii dhiibay ugana
mahad celinayo. Haddii Wasiiro dana gaar ah ku qabay Wasaarad aay is
casileen, ama uu wasiir diiday in uu tacliinta ubadkeena iyo
dhallin yaradeena uu iska casilay kana xanaaqay Maaliyad iyo Lacag
laga fogeeyay, waa arrin sumc ad xumo ugu filan.
Waxa aan halkan ku cadaynayaa in aanay jirin haba yaraatee
Iscasilaada la iga faafiyay.
Waad Mahadsantihiin Saxiibada Saxaafada.
_________________________________________________
Mohamed Hassan Saed
Director General,
Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation
Republic of Somaliland
Cell phone: +252 63 4240088 (Official)
+252 63 4428202 (Personal)
Skype: mohamedp2020
|