Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Dibada oo sheegay In 14 gaadiid ah oo ku xayiran Itoobiya la soo daynayo

 



Agaasimaha Guud waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu..........


Hargeysa (TNN) - Agaasimaha wasaarada Arrimaha dibada Faysal Cali Sheekh Maxamed ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay sii daynayso 14 Baabuur oo Somaliland laga leey ahay oo ku xayirnaa dalkaasi.

Agaasimaha Guud waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafii skiisa, waxaanu faah-faahin ka bixiyay Gaadiidkan la sii daynayo, waxaanu yidhi “Waxa jir ey gaadiid badan oo shacabka reer Somaliland leeyihiin oo dalka Itoobiya lagu qabtay siy aabo kala duwan iyi meelo kala duwan lagu qabtay, gaadiidkaas oo noocyo laka duwan is ugu jira 24tan ilaa 2tan ugu yar yahay waxa lagu laka qabtay meelo kala duwan oo dalka Itoobiyaha qaarkood cashri cadaro qaarkoodna sharci ay siteen, waxaanay dalka Itoobi ya ku xidhanaayeen mudo dheer qaarkood afar sano iyo badh ayay xidhnaayeen oo lagu heystay”.

“ Muddo waxaanu ka shaqeynaynay si gaadiidkaas loo siideyn lahaa oo mar walba cabash adii dadku na dultaalay maata waxaa suurta gashay in dawladii Itoobiya ay soo ogolaat ay inay sii deyso gaadiidkaas, waxaanu rajeynaynaa in sida ugu dhakhsaha badan gaadii dkaas loo soo daayo, waxaanu gaadiidlayda Somaliland ee galaya Itoobiya waxaanu ku boorinaynaa inay sifo sharciya ku galaan si dhabaatadan oo kale aanay ugu dhicin” ayuu yidhi Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faysal Cali Sheekh.
 

 

 



Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland