Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga oo Been Abuur ku Tilmaamay Warar ay Baahisay Shabakada Qarannews.

 



Wasaaradda Arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay beeninaysaa wararka lagu baahiyey barta Internetka



War-Saxaafadeed.



Wasaaradda Arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay beeninaysaa wararka lagu baahiyey barta Internetka ee Qarannews.com. Bartani waxay caadaysatay inay faafiso Been-abuuro iyo warar aan xaqiiq ahayn oo ay sheegatay inay ka xadeen emailka wasiir ka oo mar hore la jabsaday.

Lama garanayo ujeedada rasmiga ah ee ay ka leeyihiin baahinta wararkan been-abuurka ah, sidaa darteed waxay wasaaradu cadaynaysaa in wararkaasi yihiin qaar been-abuur ah oo aanay waxba ka jirin.


 

 


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga

Maxamuud Raage.