Af-Soomaaliga La Qoray Iyo Qasaarahii Uu Keenay!

 


- Intii cimrigu ku simay ee soo gaadhay ama qayb-ba ka soo noqotay maamuladii kala danbeeyay ee soo maray dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya mudadii u dhaxaysay 1960-1991-kii, ayaa malahayga ninba aragti ka haysaa uu ku cabiri karo waxa uu u qabo xumo iyo samo-e anigu, kolay waxan ka mid ahaa da'dii ku barbaartay gurdankii iyo goolaaftankiii madhnaa ee kacaankii ay Askartu hor boodayeen! Waxa aanu ka mid ahayn oo sida aan qabo aanu waliba meelaha u horeeya kaga jirnay ugu yaraan labaatan da'ood oo hirar xidhiidh ah oo isku xiga ahaa oo dugsiyada wax-barashada galay sanadihii 1970-1990-kii, oo qoraalka Afka-Soomaaliga ah la kow-saday! Kuwaasoo ahaa da'ahii wax-barashadooda oo dhan(cashar kasta) dugsiga hoose, dhexe iyo sare-ba ku soos qaatay Af-soomaaliga, oo aan aaminsanahay inuu waxyeelo badan afkaa Soomaaliga ah ee XIISAD kasta lagu dhigayay uu u gaystay kobicii maskaxeed ee da'yartii u oomanayd in lagu dhuro oo laga haraad-trio aqoontii ay baahida ba'an u qabeen, waxan qabaa inuu afkaa Soomaaliga ah ee lagu sanduleeyay in cashar kasta lagu qaataa mustaqbalkoodii nololeed uu naafeeyay oo uu curdin-dhadhay!

Sida aalaa dadka u ehelka ah agaasimida ama baalalaynta hawlaha/qorshayaasha ugubka ah ee aan hore loo bilkaydin ee guulaystaa ay sheegaan, talo kastaa oo lagu dhaqaaqayaa waxa ay mudan tahay in marka hore inta aan faraha lala galin dabka loogu xidigiyo, oo dhan kasta laga eego, oo gabogabada hadlii la isku af-garto in la gudo-galo, inta aan dheefteeda durba la malaysan ee aan miiska la keenin la soo hormariyo dhibaatadeeda iyo waxa si ka noqon kara! Waxad moodaa hadii aan qodobkan uun ku eekeeya sheekada in askartii afka qoristiisa dabada ka riixaysay ay ku qanacsanaayeen uun af baanu qornay ee aanay male kale oo hadhkooda dhaafsan madasha la iman! Oo alalaaskii, is-mahadintiin iyo Jibadiina ay waliba raaciyeen in la joojiyo afafkii kale ee caalamiga ahaa badandkooda!

Bal qiyaas hada, qof ku dhashay Afrika, gaar ahaan-na waxii la isku odhan jiray Soomaaliya oo halka ay aduunyada ka galayso ilbaxnimo ahaan, dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaan-ba aan ognahay inay tahay meesha ugu hosaysa! Ee loogu taliyay in laga godoomiyo caalamkii ay ahayd in la daba-eryo oo jidkii ay Aduunyadu bari hore qaaday lagu rido si uu bal u sheed-bildhaansado uun! Tolow maskaxda sidaa ku talisay maxay maaganayd?.

Dhalintii ku soo qaadatay waxbarashada Afka-Soomaaliga ah intoodii nasiibku gaadhsiiyay dugsiga sare inay dhameeyaan waxa ay dhibaato adag oo aanay waxna ka qaban karaynin soo food saartay, markii ay dibadaha yimaadeen ee ay caalamkii edega lagaga ooday iyaga oo wax-barasho doon ah ama xoogsi tag ah, ama qaxooti ah ay dantu ku khasabtay! Markaasaa ceeb iyo ciil u soo hoyday! Wiil ama gabadh wax la soo barayay mudo ka badan 12 gu' oo ''quluu-balaa'' soo rogan la' oo loo turjumayo, runtii waa midh laga xumaado!. Intaasi oo kali ah maaha muudorada uu keenay af-soomaaligaasiye sida aynu wada ognahay aqoon-biirsigu kuma koobna uun ta laga kasbado dugsiyada ee waa ay baahsan tahay, waxana boqol jeer ka badan ta guud ee aad ilaha kala gadisan ee ay ka midka yihiin, buugaagta, jaraaidoda, idaacadaha, tv-yada, iwm leh ka daalacanaysid. Waxase shardi u ah waxaasoo dhan inad marka horeba afka lagu soo gudbinayo garanayso! Ninka Af-soomaali kaliya ku haldayaa ama akhrisan karayaa waa iska cadaan inuu caydh ka joogayo wax kasta oo Cilmi ahba! Sidaas darteed waxan odhan karaa, dhagar-nololeed oo aan cafis lahayn ayuu maamulkii Askarta ahaa ka galay dad badan oon cadad iyo xisaab toona lahayn oo uu agnaaneeyay kaskoodii!

Dadkii xiliyadaa aan soo sheegay (1970-1990) ababkooda wax-barasho ahaa ee waayahaa aan ka soo sheekeeyay soo mushaaxay ayaa u badan dadka mudo-karka ah ee dibadaha jooga, cawo-daro badankoodu waxba waa ka qabsan kari waayeen, ha jiraan xaalado kale oo gaar ah oo saamayn qudhoodu ku leh waxase aan muran gali karin in Af-soomaaliga wax lagu soo bartay door wayn ka ciyaaray guul-daraysigaasi dul-hoganaya!

Aan ku xidho maqaalkan kooban, in la qoraa afka ma xuma, hadaadse wax qoraysid waxa fiican kow; inad wax cusub oo ugub ah qortid oo aanad soo amaanaysan erayo rag hore u samaysteen, ta labaad; waxa ay ahayd in uu ku koobnaado uun in cashar ahaan af-soomaaliga loogu dhigo dugsiyada lana daayo luqadaha kale ee ka horumarsan ee caalamiga ah sida Ingiriisida, Carabaida iwm, taasina waa ta haatan la garwaaqsaday ee meelo badan oo dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ka mid ahaa ka hano-qaaday ee Af-af kale loogu dhigo caruurta, sida dalka jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland. Hubaal waxa ah inaanay dhalinta danbe ee hada wax-baranaysaa bah'dilaadii na qabsatay mid la mid ah meelnaba kale kulmayn, oo aan cawo-daraanta, iyaga oo jaamacado ama ugu yaraan dugsi sare ka soo baxay caruurtooda loo kala af-celinayn! Sida ka dhacda maalin kasta Yurub, USA iyo dalalka kale ee dibada.

''Af-Soomaaligaa la qoray............Dhibna keenye la soco''!
 

 

 

 

W/q: Cali Cumar Xasan