WAR SAXAAFADEED

 

Xukuumada Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay hadal laga soo xigtay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu dhawaan baahiyay Wargeyska caalamiga ah ee Los Angeles Times, oo ku saabsanaa in ay ka dagaalamayaan xisbi ahaan haddii doorashada madaxtimada ee fooda inagu soo haysa lagaga adkaado si ka baxsan qaanuunka.

Af-hayeenka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md Cabdi-qani Axmed Askar, ayaa war-saxaafadeed uu caawa soo saaray jawaab lagaga bixiyay hadalo mucaaridka ka soo yeedhay, qoraalkiisuna wuxuu u qornaa sidan:-

“Waxa Beryahan si is daba joog ah isu soo taraaya, weedho iyo hadalo guracan oo qaarkood u muuqanayay inay cunfi iyo buqdi xambaarsan yihiin, kaasi oo ka soo yeedhayay axsaabta mucaaridka ah qaarkood oo uu Xisbiga KULMIYE hormuud u yahay.

“Haddii la igaga guulaysto sida qawaaniintu tahay waan aqbalayaa,laakiin haddii aan la igaga guulaysan sida qaanuunku yahay waan ku dagaalami doona”Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo) oo u waramayay wargeyska Los Angeles Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka, isla markaana ay ka soo xigatay Wargeyska Ogaal cadadkiisii soo baxay maalintii Axadii ee 17-kii bishan May 2009.

Hadalkaasi ma ahayn mid looga fadhiyay masuul u tartamaya inuu qabto xilka jagada Madaxweynaha, waana hadal damaqaya dareenka shacbiga Somaliland ee nabad-gelyada jecel, isla markaana wuxuu hadalkaasi af-duub ku yahay dimuqraadiyada.

Beenta iyo dacaayadaha Xisbiga KULMIYE waxa kale oo ka mid ahaa inay sheegeen in Madaxweynaha JSL Md Daahir Rayaale Kaahin inuu dalbaday muddo kordhin iyo inuu sheegtay Madaxweynuhu inuu ka aqoon badan yahay Gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID.

Arrimahaasi uu xisbigu sheegay waa mid arrin aanay waxba ka jirin, waxaanay cadaynaysaa inay Guurtidu iska lahayd muddo kordhinta iyagoo tixraacaya codsigii Komishinka doorashooyinka qaranka.

Beenta kale waa mid qaawan oo qof kastaaba fahmi karo inaanu hadal masuul ahayn mana jirto meel iyo madal uu Madaxweynuhu ku sheegtay inuu cid ka aqoon badan yahay.

Xisbiga KULMIYE wuxuu caadaystay inuu ku celceliyo inuu Madaxweynuhu diiday inuu saxeexo qodobadii heshiiska ee Guddida dhexdhexaadinta, hase ahaatee tiraba dhawr jeer ayuu Madaxweynuhu fagaare iyo saxaafadaba ka caddeeyay inuu ogol yahay oo uu qaatay Qodobadii shanta ahaa ee guddidu soo saareen.

Waxaanu khudbadiisii ugu dambaysay ee 18-ka May ee 2009-ka uu ku caddeeyay inuu doorashada diyaar u yahay 27-ka September, isla markaa na axsaabta siyaasada looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan doorashada, iskana dhaafaan wixii khilaaf iyo muranka madhalays ah ee wax u dhimaya hanaanka dimuqraadiyada ee dalka JSL ka hano qaaday.”

 


SN