Afhayeenka UDUB
Oo Hogaamiyeyaashii Qaran Ku Tilmaamay Siyaasiyiin Damacoodii Ku
Doorsadey Xilal Laga Siiyey Xukuumadda Siilaanyo, Sheegay-na In
Kulmiye Lagu Doortay Balanqaadkii Furista Ururadda Siyaasadda
“Marka Dhaqaalaha Laga Hadlayo Miisaaniyad Korodh Laguma Qiyaaso,
Hadii Uu Jiro Dhaqaale Kobcay Halka Laga Eegayaa Waxa Ay Tahay
Dhaqaalaha Shacbiga Soo Gala, Xukuumadduna Waa Inay U Hawl Gasho
Siddii Shacbiga Looga Saari Lahaa Sicir Bararka”
Mujaahid Cali Guray
Hargeysa, March 14, 2011 (TNN) – Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee
UDUB Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ho
gaamiyeyaashii urur siyaasadeedkii Qaran ku tilmaamay inay yihiin
Masuuliyiin damacoodii siyaasadeed ee furashada ururada Siyaasada ku
doorsaday xilal laga siiyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Mujaahid Cali Guray waxa kale oo uu intaasi ku daray in
ujeedooyinkii ay Xubnahaasi u furteen urursiyaasadeedkii Qaran
xiligii Mada xweynihii Hore ay hadda u muuqato inay ku
doonayeen oo kaliya sidii ay Xilal ugu helilahaayeen waxaanu yidhi
“Ururkii Qaran waxa ay ina yidhaahdeen urur siyaasadeed ayaanu nahay,
Kulmiye-na heshiis ayuunbay wada galeen, Maxamed Xaashi iyo Gaboose
haddii markii ay wasiiro heleen ay ka tanaasuleen furistii urur
siyaasadoodkoodii Qaran, waayo anigu meel ay ka yidhaahdeen waanu ka
tanaasulnay oo Kulmiye ayaanu galnay ilaa hadda ma hayo. Imika siday
u muuqata Maxamed Xaashi iyo Gaboose-ba Kuraasi ayuunbay ku
doonayeen ururkii Qaran, waxa taa cadaynaya sadexdii nin ee
hogaaminayey sadexdoodiiba shaqooyin ayey heleen, markaa anigu taas
falanqaynteeda waxa aan u dhaafayaa taagaarayaashii Qaran”.
Mujaahid Cali Guray ayaa waxa kale oo uu ka hadlay xilka uu
wakhtigan xaadirka ah ka hayo UDUB, waxaanu tilmaamay inuu wali ku
magacaaban yahay Afhayeenkii Udub ee hore loogu magacaabay, isla
markaana waxa uu ka dhawaajiyey inuu talada xisbiga iska ururinayo
ilaa iyo inta xisbiga Udub isku imanayo ee ay ka wada hadlayaan
halka ay wax ka bilaabayaan, isla markaana ay saxayaan
khaladaadkoodii hore.
Afhayeenka Udub Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) waxa uu
sidaas ku sheegay mar uu shalay khadka Tilifoonka waraysi khaas ah
wargeyska Haatuf ku siiyey, isaga oo ku sugan Hargeysa.
Cali Guray mar uu ka hadlayey mawqifka xisbigiisa iyo ka uu isagu
shaqsiyan ka aaminsan yahay furista ururadda siyaasadda, waxa uu
yidhi “Marka mawqifka Udub laga hadlayo waxa la waydiinayaa ninka
qudha ee ka jooga afartii lagu doortay shirwaynihii Udub oo Axmed
Yuusuf Yaasiin ah, horena waxa aynu u ogayn in mawqifka Udub in uu
ururadda ka soo horjeeday, Axmed Yuusuf Yaasiina wuu ka hadlay.
Anigu afka xisbiga ku hadli maayo, waxaan ahaa wakhtigaas lagu
dhawaaqay urur siyaasadeedkii Qaran oo aan ka tirsanaa xisbiga
Kulmiye, waxaanan ahaa ragii ugu horeeyey ee taageeray in ururada
siyaasadda ninkii wax isla hayaa uu furto, waxa aan ku taageerayna
waxa uu ahaa oo aan ka eegay xaga sharciyadda. Anigu mar walba waxa
aan taageersanahay distuurka iyo xuquuqda uu muwaadiniinta siinayo
ee ah, kaas oo qayaxaya in muwaadiniinta Somaliland oo dhami ay isku
abaabuli karaan ururo siyaasadeed, distuurkeenana 97% ayeynu ugu
codaynay, waxa kale oo distuurku xusayaa in sadex xisbi oo kaliya la
ogol yahay, runtiina waxaan qabaa in labadaasi aanay ahayn laba is
diidaya, goormaa la furayaa iyo sidee waa rin farsamo waajibkana
waxa iska leh qoladda sharci dajinta, oo xuquuq distuuriya ayaa
siinaysa taas”.
Waxa uu intaas ku daray isaga oo ka hadlaya xisbiyadda iyo
sharciyadooda ku aadan dhinaca furista ururadda “Xisbiyadu wax shaqo
ah oo ay sharci ahaan ku leeyihiin in ururadda la furo iyo in la
diido mid-na ma jirto, qodobka kale ee jiraa waxa weeyi hadii uu
jiro muran siyaasadeed oo ku saasan in sadexdan xisbi ilaa qiyaamaha
ina haysanaya, markaa waa in arinta wax laga waydiiyaa cida kale ee
ka soo horjeeda oo arinta shacbiga laga qayb galiyo”.
Afhayeenka Udub Cali Guray mar uu ka jawaabayey sadexda xisbi iyo
halka ay ka taagan yihiin furista ururadda siyaasada, waxa uu yidhi
“Anigu waxaan qabaa sadexda xisbi midna ma ogala in ay furmaan
ururadda siyaasadu, Madaxwaynaha, Kulmiye iyo xukuumaddu-ba maaha
kuwii odhan lahaa ururo in la furo ma ogolin kuwii odhan lahaa maaha,
Kulmiye iyo xukuumadiisuba mar hadii ay Kaambaynkii ku soo galeen in
ururadda la furo, waxaan isleeyahay maadaama oo ay balan qaadeen
furista ururadda siyaasada inay oofiyaan balantii ay ummadda u
qaadeen. Hadii ay arintii wax iska badaleen oo ay arin danbe iyo
talo danbe iskugu noqdeen, isla markaana ay u arkeen inaanay faa’ido
ugu jirin fursita ururadda waa in ay ummadda u soo bandhigaan oo ay
ka qanciyaan. Shacbigu Kulmiye ayey ugu codeeyeen furista ururadda
siyaasada, dadkii doonayey oo dhamina UDUB-na umuu Codayn UCID-na
umuu codayn oo hore-ba iyagu way u diideen, markaa maadaama Kulmiye
cod ku helay madaxwaynuhuna ku soo baxay waxaan u arkaa inay tahay
balan cad oo lagaga baxay shacbiga reer Somaliland”.
Mar uu ka hadlayey qiimaha ascaarta kor u kacday iyo hoos u dhaca ku
yimid lacagta doolar, waxa uu yidhi “Marka Dhaqaalaha laga hadlayo
miisaaniyad korodh laguma qiyaaso, hadii uu jiro dhaqaale kobcay
anigu waxaan qabaa halka laga eegayaa inay tahay dhaqaalaha shacbiga
soo galaa sidda uu yahay, dhibaataddaasina way jirtaa, runtiina waxa
aynu u baahanahay dad dhaqaale yahan ah oo daraaseeya arintaas.
Xukuumaddana waxa la gudboon inay u hawl gasho siddii shacbiga looga
saari lahaa sicir bararka iyo hoos dhaca ku yimid lacagta doolarka,
waxaanan ugu baaqi lahaa inay soo bandhigto siyaasaddo dhaqaale oo
ay arimahan wax kaga qabanayso, oo xil la iska saaro sidii
dhalinyarada reer Somaliland shaqooyin loogu abuuri lahaa. Waliba
waa in ay xukuumaddu xooga saarto sidii wax looga qaban lahaa hoos u
dhaca lacagta doolarka ee hoos u sii socota, taas oo keentay inay
shirkaddo badan iyo ganacsato badani ku kacaan, isla markaana ay aad
u qiimo riday hantidoodii”.
Waxaanu intaa ku daray mar uu ka hadlayey khatarta ka iman karta
dagaalada Muqdisho ku dhexmaraya Sheekh Shariif iyo kooxda Al-Shabaab
“Dagaaladda Muqdisho ka socda ee u dhaxeeya Al-shabaab iyo Sheekh
Shariif cidii doontaaba ha guulaysatee waa khatar hor leh oo ku soo
fool leh dawladda Somaliland, hadii Al-shabaab guulaysto waxa ay
samayn kartaa inay inta ay Puntland oo awoodeeda aynu ognahay inta
ay soo jiidho ay inaga toos inoo soo galaan, hadii sida la sheegayo
uu Sheekh Shariif guulaysto-na waxa kooxda Al-Shabaab ku dhacay kala
qaybsanaan, isla markaana waxa imanaysa in nin waliba halkii uu u
dhashay uu soo firdhado, kuwii Somaliland u dhashay ee Al-shabaab ka
tirsanaana ay yimaadaan halkan, taasina ay keeni doonto khatar cusub
oo Somaliland la soo gudboonaata”.
Mar uu ka hadleyey xilka uu hada Udub ka hayo, maadaama oo hore loo
sheegay in laga qaaday xilkaas, isla markaana afhayeenka Udub loo
magacaabay Cismaan Hindi, waxa uu yidhi “Marka hore anigu xilka waan
ku magacaabanahay oo sidii la ii magacaabay layma badalin, arintii
yarayd ee barigii dhawayd dhacdayna waan maqlay oo waa la badalay
iyo waxaas in la lahaa way is oo gaadhay, laakiin warqad la igu
badalay maan arag. Laakiin aniga mawqifkaygu waxa weeyi UDUB markii
hore xisbi ahaan umay jirin ee xukuumadd ahaan ayuu u jiray, intii
doorashadii ka danbaysay aad uguma dhiirado sababta oo ah, marka aan
mawqif xisbi ka hadlayo waa in wixii guddi fulineed naqdidday ama
ama gole dhexe naqdiyey, labadii midina ma jiro, waxa jiraa waxa
weeyi afar qof oo lagu magacaabay shirkii Congress-ka, sadex way
maqan yihiin Axmed Yuusuf Yaasiin oo kaliya ayaa ka jooga, markaa
anigu xisbi-nimada wax aan aad iskaga ururiyaa, ilaa inta Udub isku
imanayso ee ay la is odhanayo halkaynu joognaa, sidaynu u hawl
galnaa, isla markaana aynu khaladaadkeenii hore u saxnaa oo
hay’adihii xisbiga la samaynayo, inta la helayo arimahaas oo dhan
waxaan taladda xisbiga uga danbaynayaa Axmed Yuusuf Yaasiin iyo
had-ba cidii hawshaa faraha ku haysa, markaa sidaas ayaanan u
jeclayn Udub-baa sidaa yidhi”.
Source:Haatuf
|