AFHAYEENKA UDUB CALI-GURAY OO SHEEGAY BEESHA SUBEER-AWAL INTA AY AXMED YUUSUF YAASIIN KURSIGA KA KICIYAAN AANAY C/RAXMAAN-SAYLICI FADHIISIN DOONIN

 

Gabilay(TNN):- Afhayeenka Xisbiga-talada haya ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ay aa sheegay inaanay Beesha Subeer Awal inta ay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin kursiga ka kiciyaan, aanay fadhiisin doonin Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenk a Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Cabdiraxmaan-Saylici).
Afhayeenka UDUB Cali-guray, waxa uu sidaa ku sheegay mar uu Shalay ka hadlayay magaalada Gabilay oo Wefti Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland horkacayo oo Cali-guray-na ka mid ahaa u tageen maalinta ololaha UDUD. Waxa kale oo Afhayeenku hadalkiisaa ku sheegay in  Magaa lada Hargeysa Xisbiga taageerada ugu badan ku haystaa yahay UDUB, ka labaadna uu UCID u filayo inuu noqdo, halka uu KULMIYE-na kaga sheegay inaanu taageero buuran ku haysan  Caasi madda.


Cali-guray, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi; “Maanta hadalkayga waxaan ka  bilaaba yaa baaq loo soo jeediyey beesha Habar Awal, baaqaasi oo nuxurkiisu noqonayo ka hiiliya  Axm ed Yusuuf oo u hiiliya Saylici, ka kiciya axmed kursiga uu ku fadhiyo oo Saylici ku soo fadhiisiya.”
Afhayeen Cali-guray oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Inta ka soo jeedda beeshan  magac eeda lagu hadlay ee ku jirta xisbiga KULMIYE, iyaga go’aankoodii wuu cadyahay, waanay ka  ja waabeen baaqaas oo waxay yidhaahdeen, waayahay Suldaan waayahay, waayahay Suldaan waayay…, Inta tirada badan ee ka soo jeedda Beeshan Subeer Awal ee degmada Gabilay, Har geysa, Berbera, Sheekh, Oodweyne, Duruqsi iyo Deegaanno kale oo badanba, halkan baan ka bixinayaa jawaabtoodii oo afkoodii ku hadlaya ee cid waliba ha maqasho, waaxaanan leeyahay u hiilin mayno Saylici ee waxaannu u hiilinaynaa Axmed Yuusuf Yaasiin, oo beeshu intay Axmed kursiga ka kiciso, Saylici fadhiisin mayso.”


“Mawqafkaa KULMIYE ku hadlay in Beesha aha ayaa ka talisay, kan aan ka hadlayana in beesha ah ayaa ka soo talisay, kuwa Axmed Yuusuf Yaasiin u diidani iyaga oo madaxweynayaal  doon aya ayay idin hor iman doonaan, nin waliba weelka uu maanta idin tusay wax ugu shuba ayaan idin leeyahay. Waxaan bahwaynta UDUB ee baaqani dhagahooda ku dhacay halkan uga  jeedin ayaa baaqani wax uu innoo taro mooyee waxba inama yeelayo, inagamuu hiilin ee wuu innoo hiilinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga UDUB Cali Maamed Yuusuf (Cali-guray).

Cali-guray, waxa uu sheegay baaqaas uu daba socday, waxa uu sheegay inuu ka soo yeedhay Sandaladda guud ee Subeer Awal, oo uu sheegay inay gurmad u baahan-tahay, arrintaas mar uu ka hadlayayna waxa uu yidhi; “Marka baaqan dhinaca siyaasadda laga eego waa sidaa oo inuu inoo hiiliyo mooyee innaga hiilin mayo, marka dhinaca dhaqanka laga eegana, waxaan  lee yahay Sandaladdii Subeer Awal halis bay ku jirtaa, gurmad baanay u baahan tahay. Anigu hor carari maayo, ee waa khatartii ugu waynayd ee Sandaladda Subeer Awal la soo darista illaa maalintaan dhashay iyo maanta oo aan Cirradaas leeyahay, Ninka yidhi hadalkan maaha  Sulda ankii guud oo ah Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ninkii Sandala dda guud lahaa waa isaga, gurmad baanay maanta u baahan tahay Sandaladdii, ninka u soo gur man karaana waa isaga.”


Afhayeenka Xisbil-xaakimka UDUB Cali-guray, waxa uu sheegay inaanay Xisbiga UDUB Hargeysa lagaga adkaan doonin doorashada Madaxtooyada. “Caasimadda Hargeysa lagaga adkaan  maa yo, kaalinta labaadna UCID-baa soo galayaan u malaynayaa, nimanka isa soo qaadaya ee KULMIYE waxba uma yaallaan Hargeysa.” Ayuu yidhi Cali-guray.


Si kastaba ha ahaatee, hadalka Afhayeen Cali-guray ka soo yeedhay ee uu ku sheegay inaan Subeer Awal inta ay Axmed Yuusuf Yaasiin kursiga ka kiciyaan aanay Cabdiraxmaan-Saylici  fa dhiisin doonin, ayaa laga dhadhansan karaa mid uu ku kala fogaynayo Madaxweyne Rayaale iyo Musharrax Saylici oo dhalasho ahaan labadooduba Gobolka Awdal ka soo jeeda, iyada oo  Xisbi ga uu codka u doonayo ee UDUB uu Madaxweyne uga sharraxan yahay Madaxweynaha hadda xilka haya Daahir Rayaale.

 


Source:Togaherer