Afhayeenka Madaxtooyadda oo Hanjabaad Kulul u
Jeediyey Warbaahinta
 

 

Hargeysa (TNN)-Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cu kuuse), ayaa ku hanjabay inay umadda Somaliland ka badbaadin doonaan, isla marakaana ka qaban doonaan saxaafadda xun, iyaga oo adeegsanaya xeerka saxaafadda oo uu xusay inuu noqon doono mid xannuun kulul.

Afhayeenka madaxtooyadda oo hadal ka jeediyey xaflad ka dhacday hudheelka Imperial ee  m agaalada Hargeysa oo ururka kormeerka warbaahinta maxaliga ah ee MMG ku soo bandhigay daraasad ay ka sameeyeen qaabka saxaafadda Somaliland wararka iyo barjamijyada u tabin jireen xiligii ololaha doorashada, waxa uu sheegay in aanay xaq iyo sharci midna ahayn in  sax aafaddu aayar meel kaga dhacdo qof sharaftiisa, hajabaadaasi oo u muuqata mid  xukuumad da cusub doonayso inay ku cabudhiso warbaahinta madaxabannaan ee dalka.

Mr. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuuse) oo arrimahaa ka hadlayey waxa uu yidhi; “Waxaan doonayaa in aan halkan idiinka sheego xukuumaddu in ay dhaqangelin doonto xeerkii  saxaafa dda ee hore ee inagu (warbaahinta) aynu jeclayn, iminkase xeerkani maaha kii xukuumaddii hore wad waday, laakiin waa xeerkii ka horreeyey ee madaxweynihii hore saxeexay ee  Barla maankii hore ansixiyey (Golaha Wakiilllada iyo Guurtuda) ee sharci ahaan yaalay, kaasaa la dhaqangelinayaa, waana la fulinayaa.

Xeerkani waxa uu noqon doonaa mid xannuun kulul, waan ogahay in uu ragga qaarkood (qaar ka mid ah suxufiyiinta) ku noqon doono xeer xannuun kulul, xeerkani wax ma xidho ee  saxaaf adda xun ayuu soo qabtaa oo uu umadda ka badbaadiyaa.

Saxaafadda waxaan doonaya inaan mid fahansiiyo,xeerkani maaha mid CID-da kuu  yeedhay so, waana mid maanta wixii ka dambeeya la fulinayo, waayo inagu ma doonayno in ay  saxaaf adeenu noqoto mid qofka sharaftiisa meel kaga dhacda, xaqna maahaa oo sharcina maaha  in taad aayar uun qorto warqad yar oo aad barrina daabacayso, qof masuuliyad haya  sharaftii sa meel kaga dhacdo, calashaan reerkooda ayaan necebahay amma isagaan necbahay oo  isa gaa maalin igu xanaaqay, waxaas ayaa iminka saxaafadda qaarkeed ku sugan.

Xeerkani waxa uu u dhaqangelayaa sidii aynu ugu baahnayn ee yaanu u baahnaan xannuunka dambe, xeerkii UDUB jeclayd, ayaa la fuliyee,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay afhayeenka  mad axtooyada Somaliland.

Hadalkan ka soo yeedhay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed  D aahir (Cukuse) mid ujeedadiisu ka dambayso in la isaga horkeeno warbaahinta iyo  xukuumad da cusub ee madaxweyne Siilaanyo, inkasta oo aan la hubin in madaxtooyadu la socoto  qorsh aha Cabdillaahi Cukuuse wato iyo in kale, balse waxa saxaafaddu ka war sugaysaa go’aanka madaxweynuhu ka qaato hanjabadaa iyo caga juglaynta afhayeenkiisu kula kaco saxaafadda madaxabannaan.



Source: Jamhuuriya Online