Afhayeenka Madaxtooyadda Oo Beeniyay Musuqmaasuq Iyo Eex Lagu Eedeeyey Dawladda
 

 

 


Waxa uu amaan xad dhaaf u jeediyay Madaxweyne Siilaanyo, isaga oo beeniyay eedo la xidhiid ha eex qabaa’il gaar oo wakhtiyadan dambe soo ifbaxayay..............


Hargeysa (TNN)-Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir ( Cukuse), ayaa meesha ka saaray eedaha musuqmaasuq ee loo jeediyo xukuumadda Madaxweyne Siilaan yo, waxaana uu taas badelkeeda amaan u jeediyay Madaxweynaha talada haya.

Cabdilaahi Cukuse oo maanta si wadajir ah wareysi u siiyay Telefiishanka Qaranka Somaliland ee SLNTV iyo Telefiishanka Royal tv , ayaa sheegay in aanu jirin musuqmaasuq ay xukuumaddu ku kacday, isla markaana waxa uu weeraray dadka soo bandhiga fadeexadaha wax isdaba marinta ah ee ragaadiyay qaar ka mida wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada.

Waxa uu amaan xad dhaaf u jeediyay Madaxweyne Siilaanyo, isaga oo beeniyay eedo la xidhiid ha eex qabaa’il gaar oo wakhtiyadan dambe soo ifbaxayay.

“Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) taariikhdiisa laguma xaman, musuqmaas uq, cadaalad daro iyo qablaayad saddexdaas midna laguma xanto, fulay aan halganka ka qayb glin laguma xanto nin aan Qaranka dhimihiisa wax ku lahayn laguma xanto, qof dhaliisha Ciraaq taalla sheegaa , anigu kama hadli laynu Ciraaq, mararka qaar waxa aad is odhanaysaa qofkan waxa uu ka hadlayaa dal kale, dhaliilahan musuqmaasuq iyo cadaalad daro wax aad mooda wax afkuun bartay” ayuu yidhi Mr Cukuse .

Waxa kale uu ka hadlay doorashooyinka dawlada hoose u dib u dhacay, waxaana uu sheegay in xukuumadu ay diyaarisay kharashkii ku bixi lahaa, laakiin aanay ilaa hadda helin kaalmada bees ha caalamka ee doorashooyinka "Dhinaca Somaliland miisaaniyada Qaranka hadaad akhrido waa ay ku jirtaa, xukuumad waa ay ku dartayba lacagta ku baxaysa doorashada”.

Xukuumada ayaan u muuqan in ay sannadkan qaban doonto doorashooyinka golayaasha deeg aanka oo noqon doonta tii ugu horeysay ee Madaxweyne Siilaanto qabto taariikhdiisa, isaga oo hogaamiyay bishii September sannadkii 2009 mudaharaadyo rabshado watay oo gaystay dhima sho iyo dhaawacyo, waxaana uu dalbanayay wakhtigaas in la qabto doorashada Madaxtooyada dib u dhac ku yimid dhawr jeer si lama mida hadda.
 

 


C/raxmaan Muuse Yuusuf
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland