Afhayeen
ka Tirsan Baarlamaanka Yurub oo Daboo lka ka
Qaaday In Sucuudigu Yahay Caqabada Ugu
Weyn ee Hortaagan Aqoonsiga Somaliland
“Aqoonsiga
Somaliland waxa uu noqon karaa awood ka qaybqaata degenaansh
aha iyo dawlad wanaaga wadamada Geeska Afrika, hadii kale bilaa
rajadu way jiraysaa”
Afhayeenka kooxda isbedel doonka ee gudida arrimaha dibeda
baarlamaanka Yurub Charles Tannock
Paris (Longlivesopmailand News)- Afhayeenka gudida arrimaha dibeda
iyo xuqu uqal Insa anka baarlamaanka midawga Yurub kooxda
isbedel doonka Mr. Charles Tannock, ayaa ku dhawaaqay in
aqoonsi beesha caalamku siiso wadanka Somaliland aanu ahayn mid
meesha laga saari karo marka la eego goobta istiraatijiga ah ee uu
ku yaalo iyo duruufaha qal afsan eek u xeeran Gobolka Geeska
Afrika.
Mr. Charles Tannock oo wargeys lagu magacaabo Japan Times oo ka soo
baxa dal ka Japan toddobaadkan siiyey warbixin uu si qoto
dheer ugu lafa guray horru marka dhinaca dimuqraadiyada ah ee
Somaliland gaadhay iyo sida loogu baahan yahay ictiraaf dunidu u
fidiso, ayaa sheegay in hadii doorashada madaxtooyada ee soo
soocotaa si fiican u qabsoonto uu aqoonsiga Somaliland dunida khasab
ku noqon doono.
“Somaliland, waxay buuxisay waxyaabaha salka u ah dawladnimo oo ay
ka mid yi hiin maamul wanaaga, hannaanka dimuqraadiyada,
xasiloonida iyo hay’ado dawla deed oo ku yimi doorasho xor ah,
waxay ku taalaa goob aad u istiraatiji ah oo u furan bada cas oo ah
ka mid ah marin biyoodada ugu waaweyn ee maraakiibta shidaalku
isticmaalaan, halkaasi oo ay ka jiraan dhibaatooyin amni xumo iyo
bud hcad-badeed isugu jira, marka waxyaabahaa la eegana aqoonsi
beesha caalamku siiso Somaliland waa mid aan meesha laga saari
Karin.
Dalka Itoobiya ayaa sida muuqata ah murashaxa dabada ka riixaya
aqoonsiga Somaliland, marka la eego cabsida kooxaha argagixisada ah
ee ka dagaalamaya Koonfurta Somaliya iyo dekeda Berbera oo dawlada
Itoobiya Isticmaasho, maad ama aanu dalkaasi lahayn wax bad ah,
hadana waxa jirta in Itoobiya wali ka maagayso aqoonsiga Somaliland,
iyada oo ka cabsi qabta in arrintaasi ay sii huriso kacdoonka ka
jira Muqdisho, kaasi oo si dhibyar u minjo xaabin kara dawlada
taagta daran ee Sheekh Shariif.
Waxana dhab ah in Itoobiya dooran doonto dawladnimada ka jirta
Somaliland, kad ib markii ay beenawday riyo maalmeedkii ahaa in
Somaliya ay mar uun xasilooni iyo degenaansho heli doonto, caqabada
ugu weyn ee hortaagan aqoonsiga Somal iland waa dalka
Sucuudiga oo isagu aan aqoonsiga Somaliland ku diidanayn oo
qud ha hannaanka dimuqraadiyadeed ee cilmaaniyada ku salaysan,
laakiin waxa uu xulafo xooggan la yahay dawlada Somaliya ee Sheekh
Shariif hoggaamiyo oo ay ku wada jiraan ururka Jaamacada Carabta iyo
ururka Islaamka Aduunka, Sucuudigu waxa uu Somaliya u fidiyaa
taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed.
Cadaawada Sucuudigu ku muquuninayo Somaliland, waxa ka mid ah cuno
qabata ynta dhinaca dhoofka xoolaha nool ah ee uu ku soo rogay
sannadkii 1996 iyo diidmada uu ku hor horjoogsada in baasaaboorka
Somaliland lagu tago xajka,” ayuu yidhi Charles Tannock.
waxa Afhayeenkani xusay in Somaliland ay buuxisay dhammaanba
shuruudihii da wladnimo ee lagu aqoonsan lahaa, isaga oo xusay
in wakhtigani yahay mid diblom aasiyada dalalka caalamku
aqoonsanayaa ay aad u sarayso, kadib markii dunidu aqoonsaday dalka
Kosovo iyo dalalka Abkhazia iyo South Ossetia oo ruushku aqo
onsaday, taasi oo sababtay in dalalka Ruushka iyo Georgia dagaal
culusi dhexma ro, waxaanu intaa ku daray in diblomaasiyiinta
iyo raga jaan gooya siyaasada adduunku ay wakhtigan ku hawlan yihiin
sidii ay hoosta uga xariiqi lahaayeen in la aqbalo dalabyada
wadamada buuxiyay shuruudaha dawladnimo ee aqoonsiga u baahan.
Isaga oo Mr. Charles Tannock ka hadlaya sida Somaliland u buuxisay
shuruudaha dawladnimo iyo dalalkii aqoonsaday markii 26 June 1960
xoriyadeeda ka qaadatay Ingiriiska, waxa uu yidhi; “Somaliland waxay
u qalantaa inay noqoto qaran jira, waxa 1960 muddo yar uu noqday dal
madaxbannaan kadib intii aanu si indho la’a an ah ugu biirin
Somaliya oo Talyaanigu xukumayey, taasi oo ay ilaa hada dadka reer
Somaliland qoomameeyaan, waxaan wakhtigaa aqoonsaday 35 dawladood oo
ay ka mid ahaayeen Masar, Israa’iil iyo shanta dawladood ee rigliga
ku ah Qaramada Midoobay.
Hadii doorashada madaxtooyada ee soo socotaa u qabsoonto si xor iyo
xallaal ah, dunida oo ay ugu horreeyaan Midawga Afrika iyo Qaramada
Midoobay waxay u baahnaan doonaan inay si caqli gal ah dib ugu
fiiriyaan halka ay ka taagan yihiin Somaliland oo ilaa 1991 ahayd
dal madaxbannaan oo aan ictiraaf haysan.
Saddexda xisbi qaran ee doorashada ku tartamaya waxay ka siman
yihiin sidii So maliland u heli lahayd aqoonsi caalami ah,
kaasi oo dadweynuhu afti qaran ku ans ixiyeen sannadkii 2001,
wax su’aal ahina kama taagna in qabiil qudha ama kooxi ka soo
horjeedo madaxbannaanida Somaliland.
Marka la eego sida beesha caalamku wakhtigan indhaha ugu hayso sidii
gacanta loogu dhigi lahaa xasiloonida mandaqada Geeska Afrika,
aqoonsiga Somaliland waxa uu noqon karaa awood ka qaybqaata
degenaanshaha iyo dawlad wanaaga wadamada Geeska Afrika, hadii kale
bilaa rajadu way jiraysaa.”
Source: Jamhuuriya Online /Japan Times
|