Afar Xildhibaan Oo Laga Xayuubiyey Xubinimaddii Golaha Wakiiladda
 

 


Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ayaa fad higii maanta ee Golaha........


Hargeysa (TNN) – Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta xubinimaddii Golaha Wakiiladd a ka qaaday afar Xildhibaan oo ka tirsanaa Golaha.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ayaa fad higii maanta ee Golaha Wakiiladda ka sheegay magacyadda afar Xildhibaan ee Xubinimaddii waayay, ka dib markii sida uu dhigayo Xeer-hoosaadka Goluhu ay maqnaadeen labaatan kal-fadhi oo isku xiga.

Afartan Mudane oo magacyadoodu kala yihiin sidan:-

1-Xildhibaan Ikraan X. Daa’uud Warsame oo laga soo doortay Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

2-Xildhibaan Axmed Maxamed Cali (Beegsi) laga soo doortay UCID

3- Xildhibaan Mahdi Xaaji Xasan Sugaal laga soo dootya UCID

4- Xildhibaan Maxamed Cali Jibriil laga soo doortay UDUB.


Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in iyadoo laga duulayo qodobka afar iyo tobnaad farqadiisa labaad ee xeerka doorashooyinka golaha wakiilada Xeer No 20/2005 waxaa Goluhu u gudbinayaa gudida Doorashooyinka qaranka si ay u soo buuxiyaan boosaskaa banaanaaday laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 29 September.

Si kastab ha ahaatee waa markii u horeysay ee Golaha Wakiilada Somaliland ay talaabo noocan oo kale ah qaadaan tan iyo markii la soo doortay dabayaaqadii Sanadkii 2005-tii.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland