Aduunyoy Shaley Ma Ninkii Xirsi ee Xaajiyadaha Kurta Ka jarey Ula Tagayay iyo Faysal Cali Oo Toban Jeer Badb aadiyay Somaliland ayaa Maanta La Isugu Garaabayaa

 


 


Anigoo ah Muwaadin u dhashey dalka Somaliland Magaciisana layidhaa Sheekh Ismaaciil Maxamed Ciise(Sheekhal-Beledka) kana Mid ah Dadweynahya Kunool Caasimada Hargeysa waxaan leeyahey Waagii beryaaba Waayihiisa lehe, mar mar baad Is Odhaneysaa haatan Waa Duni Aakhira Sabaankii la Inoo Sheegay, maxaa Yeelay marka uu inanka yar ee Xirsi ee bilaa Taariikhda ah isla markaana isa sii hambo raaciyay intii yareyd ee Odey Siilaanyo ku bun tirsanayay Halgankii Snm ,ayaa Faysal Cali Waraabe oo Somaliland toban Jeer ka badbaadiyay Mushkilad iyo Carqalad,Siyaasadeed, oo ka soo qeyb qaatey nabadeyntii Beelaha Somaliland halkuu yarku qabyaalad ku faanka la sara joogsad ey, miyaa hadana Ninkaa aan sheegay soo hadal qaadkiisaaba dadka mudakarka ah nusqaan ku noq onayee, umada

Somaliland waxey la yaabtey Maxaa inankan waaley, show waa nin reerkoodii ku yidhi anaan xishoo neyn, Waxaan ku leeyahey adigaa halkii laabtaadu aheyd ku Socdey oo Fuleynimo ku soo dabartey oo hadana Mujaahid Sheegtey intaad Baabuur aad kurta ka jartey oo Qoryo Culus saartey AK47 lagaaga Soo Qaadey, walee Guna maad jirin mar hadaad Siyaasada u haysato indha,adeyg iyo kha jilaad la,aan waa Cilmi Siyaasadu Somalilandna waa u nasiib daro inaad adigu maanta hogaanka dal ka talo ku yeelato, koley cid kaa caqli badan oo Bulshada ka dhuumatey ayaa kaa dambeysa, ee ind ha-adeygaa ku soco maalin kalaad dambarsane, Cidi hadey been wax ku heli laheyd ninkii kaaruhu jiidhey ee dib u soo noolaadey baad tahey, SNM AK47 ayay Kaaraha ku furan Jireen Xirsi Gaabow, waa lagu yaqaanaa Taariikhdaada.


Hadaan Wasiir Kuxigeenka Cusub ee Gaashaan dhiga u soo noqdana Waxaan Leeyahey inan yar ay aa Hooyadeed Kutidhi hooyooy Buuryaa ii soo baxdey ,dabeetana Islaantii ayaa ugu hal celisey kii Aabahaa baan arki Waayee , waxaad ku qabato la arki doonaa.

Hambaabarkii Siilaanyo, ee Saqda Dhexe wax ka qaadi waa moodeyso in Jawaabta Feysal aad wax ku helayso , hortaa Jiraba waa ku indha beelay , Beesha aad ka soo Jeedo ee Culimadii Isaaq ah aya anu xaal kasiiney hadlkaaga weyda ah,  Faysal Cali Waraabena waa Nin aan Been sheegin oo Cibaad adiisu dhab tahey oo dalka iyo dakaba daacad u ah ee Waxaan Leeyahey Nabsi Maalku Geediga Hayi nkuu ku Guuraa.
 

 

 


Sheekh Ismaaciil Maxamed Ciise
(Sheekhal-Beledka)

Hargeysa Somaliland

Tell:4425527