Adeer, Safarkayagu Maaha Mid Siyaasi ah, Waxaanu U Ni mid Somaliland
Saddex Arrimood" Midkamida Odayaal Dhaqameed Tirabadan Oo Hargeysa
Ka Soo Degay

Hargeysa (TNN):- Magaalada Hargeysa, ayaa waxa maanta
galinkii dambe soo gaadhay O dayaal dhaqameed tiro badan oo ka socda
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaali ya.
Odayaashan oo ka socda beesha Hawiye isla-markaana malintii shalay
ka soo degay mad aarka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa ah odayaal
dhaqameed ay maalmihii u dambeeyay ay saxaafadda Somaliland siyaabo
kala duwan uga waramayeen ujeeddada socdaalkooda Somaliland.
Madax-dhaqameedkan oo tiradoodu gaadheyso ilaa kotomeeyo, waxa
markii ay ka soo d aggeen garoonka diyaaraha ee Cigaal, aan la hadal
saxaafadda isla-markaana aan faah f aahin ujeeddada socdaalkoodu la
xidhiidho, hasa-ahaatee xubin ka mid ah Madax-dhaqa meedkan oo
saxaafaddu heshay ayaa si kooban uga waramay ujeeddada socdaalkooda
Somaliland, waxaanu tilmaamay in safarka ay ku yimaadeen Hargeysa uu
ka madhan yah ay siyaasad "Adeer, safarkayagu maaha mid siyaasi ah,
waxaanu u nimid Somaliland sad dex arrimood, inaanu ugu hambalyeyno
wixii ay qabsadeen reer Somaliland, inaanu ka ba ranno wixii ay
dhisteen iyo inaanu ku biirino wixii aanu talo haynno” ayuu yidhi,
Xuseen X asan, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Soomaaliya ee Hargeysa
ku yimid safarka, waxa anu intaasi ku daray "Saddexdaa shay ayaanu u
nimid, safarkayaguna siyaasad wuu ka madax banaan yahay..”
Xuseen Xasan, waxa uu sheegay in mudada ay dalka ku sugnaanayaan ay
la kulmayaan Madax-dhaqameedka iyo Guurtida Somaliland "Guurtida iyo
Madax-dhaqameedka Somalila ndna kulamo ayaanu la yeelan doona..” ayuu
yidhi.
Safarka odayaal dhaqameedkani ku yimaadeen Caasimadda Somaliland ee
Hargeysa, aya an ilaa hadda waxa aan ka hadal xukuumadda Somaliland
iyo Madax-dhaqameedka dalka, balse waxa la filayaa in ilaa Khamiista
berri ay xukuumaddu ka hadasho.
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|