Adduunka ama Kownka(Qaybtii 38aad)

 


Awliyadda Alle


Awliyadda Alle waxa ah,qof kasta oo muumin dhaba ah,oo u hoggaansama,waxa Alle faray,ee Quraanka iyo Sunnaha Rasuulka sallallaahu calayhi wasalam,ku cad,
Illaahay subxaana watacaalaa wuxu la jiraa,oo hiil iyo gacanba u yahay dadka muslimiinta ah,ee ku toosan diinta Islaamka,oo adeeca amarrada Alle,mar kastana talosaarta oo jecel,isagana ku xidhan,kuwaas weeye awliyaddu:
‏الله ولي الذين آمنوا يخرجهم من الظلمات إلى النور‏‏ ‏(‏البقرة‏)
Aayadda:Alle wuxu la jiraa,oo gacan siiyaa kuwa rumeeyey,ee muslimiinta ah,oo wuxu ka saaraa mugdiga,una saaraa iftiinka.
Qof kastoo muslin ahi waa in uu Alle ku tiirsadaa,oo kelidii wax ka sugaa,waayo Alle ayaa abuuray,ogna waxa uu kasban doono,iyo waxa uu la kulmi doono,oo Alle wuxu la jiraa oo taageeraa,muslimiinta,gaaladuna wax taageera ma haystaan:
ذلك بأن الله مولى الذين آمنوا وأن الكافرين لا مولى لهم‏(‏محمد‏‏)
Aayadda:arrinkaasi waxa weeye,Alle ayaa la jira kuwa rumeeyey,gaaladu ma haystaan,cid la jirta,oo ay ku tiirsadaan.
Muuminka adeeca,ee ka cabsada Rabbigiisa,una caabuda si niyad ah,oo khushuuc leh,ee ka dheeraada wax kasta,oo diintu ka reebtay,kuna dadaala in uu helo,Alle raalli noqodkiisa,iyo raxmaddiisa,qofka noocaas ah,ee u hoggaansama amarrada Eebbe, waxa uu Alle Abaal uga dhigaa,in uu If iyo Aakhiroba wanaag siiyo,oo la jiro:
ألا إنّ أولياء الله لا خوف عليهم ولا هم يحزنون الّذين ءامنوا وكانوا يتّقون لهم البشرى في الحيّاة الدّنيا وفي الآخرة لا تبديل لكلمات الله ذالك هو الفوز العظيم(يونس)
Aayadda:waar hooy awliyada Alle,ma aha dushooda wax baqdin ah,iyo murugo midnaba,kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey,ee ahaa kuwo cabsada,waxay leeyihiin bushaarooyin,ah nolosha dunida iyo Aakhiroba,kelmedaha Alle lama beddeli karo,oo arrinkaasi waa guul weyn.
Alle subxaana watacaalaa wuxu u ballan qaaday dadka jecel,in uu u abaalgudo,oo uu ilaaliyo,una fududeeyo khayrka ay samaynayaan,maadaama ay Alle talasaarteen:
عن أبي هريرة – رضي الله عنه – أن رسول الله – صلى الله عليه وسلم – قال إن الله تعالى ، قال )): من عادى لي وليـًا فقد آذنته بالحرب ، وما تقرّب إليَّ عبدي بشيء أحبَّ إليَّ مما افترضته عليه ، وما يزال عبدي يتقرب إليَّ بالنوافل حتى أحبه ، فإذا أحببته كنتُ سمعه الذي يسمع به ، وبصره الذي يبصر به ، ويده التي يبطشُ بها ، ورجله التي يمشي بها ، وإن سألني لأعطينَّه ، وإن استعاذني لأعيذنه ، وما ترددت عن شيء أنا فاعله ترددي عن قبض نفس المؤمن ، يكره الموت وأنا أكره مساءته
Xadiisul qudsiga:waxa Abu hurayra,Alle ha ka raalli noqdee,laga weriyey,in Rasuulku sallaallaahu calayhi wasalam sheegay,in Alle yidhi kii collaystay,oo cadawtinimo ku sameeya qof i aaminsan,oo i talo saartay,dagaal baan la gelayaa,oo waxa Addoon iigu soo dhowaado,waxa aan ugu jecel ahay waxa aan ku faral yeelay, kamana suulo Addoonkaygu,in uu iigu soo dhowaado,sunnayaasha ilaa aan ka jeclaado,oo haddii aan jeclaado waxan u noqdaa maqalka uu wax ku maqlayo,iyo aragga uu wax ku arkayo,iyo gacanta uu wax ku qabsanayo,iyo lugta uu ku soconayo, oo haddii uu wax i waydiisto,waan siinayaa,oo hadduu i magan galo,waan magan gelinayaa,oo sheyna kama noqnoqdo qabashadiisa,sida markaan ka qabanayo nafta, wuxu karhaa mawdka,anna waxan karhaa wax kasta oo dhibaya.
Dadka muuminiinta ahi waa kuwo dar Illaahay isu jecel,oo isula jira:
وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلاَةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللّهَ وَرَسُولَهُ أُوْلَـئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللّهُ إِنَّ اللّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ(التوبة)
Aayadda:Muuminiinta Rag iyo Dumarba badhba badhka kale ayay jaal u yihiin oo isfarayaan wanaagga oo iska reebayaan xumaha,oo Salaadda oogayaan Sakadana bixinayaan,Alle iyo Rasulkiisana adeecayaan,kuwaas Alle ayaa u naxariisanaya,Alle waa ka qaaliga ah ee xakiimka ah.
Dadka talasaarta Shaydaanka,ee la jaalka ah,waxa uu ku ridaa cabsi,iyo baqdin:
إنّما ذالكم الشيطان يخوف أوليائه فلا تخافوهم وخافون إن كنتم مؤمنين(العمران).
Aayadda:kaasi waa shaydaan,bajinaya kuwa raaca,ee weheshada,ha ka biqina,oo aniga iga baqa haddaad tihiin kuwo muuminiin ah.
Welinimadu waa la jiridda,iyo jaal u ahaanta cid,waxana qofka muuminka ah,ee ku toosan,xaqa iyo waajibaadka dusha ka saaran,ee cabsida iyo cibaadada badan,helaa in Alle jeclaado,oo u noqdo wehel ilaalinaya,waxana qofka muuminka cabsida badan,u ah suurtagal,in Alle siiyo karaamo,sida in ducadiisa Alle aqbalo,maadaama uu wax Alle banneeyey,Alle ka dalbanayo,karaamadaas qofba qofka uu ka cabsi badan yahay, ayuu karaamada Alle,ugaga dhow yahay,karaamadu waa abaalgud ah,mid tusaysa in qofkaasi cabsi Eebbe ula yimi si fiican:
يا أيّها النّاس إنا خلقناكم من ذكر وانثي وجعلناكم شعوبًا وقبائل لتعارفوا إنّ أكرمكم عند الله أتقاكم إنّ الله عليم خبير(الحجرات)
Aayadda:Dadyohow waxannu idinka abuurnay lab iyo dheddig,oo waxannu idinka yeelnay shucuub iyo qabaa'il,si aad isu garataan,oo isu barataan,waxana idiinku karaamo iyo wanaag badan,Alle xaggiisa kii cabsi leh,ee idiinku cabsi badan,Alle waa
Cilmi badane,ah khabiir.
Waxa jirta in Alle subxaana watacaalaa,uu og yahay,oo aqoon u leeyahay,Addoon kasta,oo Isagu og yahay,xaqiiqada qofkaas ku xeeran,ee camalkiisa,iyo fikraddiisa, qofka si dhab ah,uga cabsada,ee si ikhlaas iyo niyad ah,ugu cibaadaysta,ee u caabuda.
Haddaynu nahay Insaan innagu waxa isheennu qabato,ee qofka ku aragto,iyo wax looga soo weriyey,baynu wax ku xukunnaa,laakiin xaqiiqada dhabta ah,Alle ayaa og.
Waxa aynu nidhi qof kasta,oo ku toosnaada,oo fuliya waajibaadka Alle faray,waa mid Alle la jiro,oo weli Alle ah,markaa innagu ma xaddidi karno,Alle ayuun baa og,waxa aynu markhaati ka nahay,waxa inoo muuqda,ee aynu arkayno,ama maqlayno,oo hoos ahaan,dhab ahaantiisa,Alle keliyi og yahay:
وَكَذَلِكَ جَعَلْنَاكُمْ أُمَّةً وَسَطاً لِتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ وَيَكُونَ الرَّسُولُ عَلَيْكُمْ شَهِيداً ) البقرة)
Aayadda:sidoo kale waxannu idinka dhignay Ummad dhexdhexaad ah,si aad dadka ugu noqotaan markhaati,oo Rasuulkuna idinka idiinku noqdo markhaati.
Addoomada Illaahay,ee la yimi cabsada,ee aan wax kibir ah,iyo deelqaaf ah,lahayn waxa ay helayaan,gargaarka Alle iyo in ay noqdaan Awliyadda Alle:
وَعِبَادُ الرَّحْمَنِ الَّذِينَ يَمْشُونَ عَلَى الْأَرْضِ هَوْنًا وَإِذَا خَاطَبَهُمُ الْجَاهِلُونَ قَالُوا سَلَامًا وَالَّذِينَ يَبِيتُونَ لِرَبِّهِمْ سُجَّدًا وَقِيَامًا وَالَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا اصْرِفْ عَنَّا عَذَابَ جَهَنَّمَ إِنَّ عَذَابَهَا كَانَ غَرَامًا(الفرقان)
Aayadda:Addoomada Allaha Raxmaanka ahi,waa kuwa dhulka u socda si deggan,oo aan isqaadqaad ahayn,oo haddii ay la hadlaan jaahiliintu,salaama oo iska dhaafa,waa kuwa waqtigooda ku qaadanaya,iyagoo Alle u sujuudsan,iyo iyagoo salaadda oogaya oo taagan,oo odhanaya;Rabbiyow naga badbaadi cadaabka jahannama,waxa weeye cadaab halis ah oo darane.
Awliyadda Alle waxa ka mid ah,dad badan oo aan la dhaadeyn,oo dadka iskaga dhex jira,laakiin Allohood ku kalsoon,oo talasaarta,Alle kelidiina wax ka suga:
للفقراء الّذين أُحصروا في سبيل الله لا يستطيعون ضرباً في الأرض يحسبهم الجاهل أغنيآء من التّعفف تعرفهم بسيماهم لا يسئلون النّاس إلحافاً وما تنفقوا من خير فإنّ الله به عليم(البقرة)
Aayadda:Fuqarada ah,kuwa dariiqa Alle loo koobay,ee aan awoodaynin,in ay dhulka maraan,oo uu u malaynayo jaahilku,in ay aqniyo yihiin,oo wax haystaan,taasina waa dhawrsoonaantooda awgeed,waxad garanaysaa calaamadahooda,oo dadka waxba ma waydiisanayaan,wixii aad khayr u bixisaan,ee sadaqo ah,Alle waa og yahay.
Welinimadu waa wax,anfacaysa keliya qofka Alle adeecay,ee waddada xaqa ah,ku sugnaaday,waxana ay tahay,in Alle la jirayo,oo wehel u noqonayo,waa abaalmarin, qofna qof lama wadaago,ee qof kasti waxa uu shaqaystay,ayuu leeyahay,waxna kama bixin karo,waxa la siiyo,oo isaga gacanta uguma jirto,waa Amar Alle,iyo awood Alle keligii leeyahay,Isaga ayaa keligii kownka abuuray,waxna bixiya,waxna diida:
وإذا سألك عبادي عنّي فإنّي قريب أجيب دعوة الدّاع إذا دعان فليستجيبوا لي وليؤمنوا بي لعلهم يرشدون(البقرة)
Aayadda:haddii ay i kaa weydiiyaan,Addoomadaydu Anigu mid u dhow ayaan ahay,oo ajiibaya,oo aqbalaya ducada,ka i barya,ee i waydiista duco,ee ha iweydiisteen ducada,oo ha i rumeeyeen,waxa la arkaa,in ay hanuunaane.
Diinta Islaamku waxa ay ina baraysaa,xaqiiqada iyo waddada saxa ah,ee loogu hoggaansamayo amarrada Eebbe,Isaga ayaa Kownkan abuuray,cid la wadaagtaa ma jirto,amarka keligii ayaa leh,makhluuqa uu abuuray,dhamaan way aqoonsan yihiin Alle,oo way u wada tasbiixsadaan,inkastoo aynaan innagu fahmeyn qaabka ay ugu tasbiixsadaan,haddii aad cid wax ka dalabto,oo ay awoodi waayaan,in ay kuu oofiyaan,wixii aad ka dalabtay,ayaa cid kale,la miciinsadaa,laakiin Alle subxaana watacaalaa,Isagaa korreeyee,miyaanuu ku filnayn Addoomadiisa,uu Isagu abuurtay, maya'e waa ku filan yahay,waanu ogyahay baahidooda,iyo waxa dareenkooda hoose koobsanayo,Isaga mooyee cid kale,lagama dalbi karo taageero,iyo gargaar:
أليس الله بكاف عبده ويخوفون بالّذين من دونه ومن يضلل الله فما له من هاد ومن يهد الله فما له من مضلّ أليس الله بعزيز ذي انتقام(الزمر)
Aayadda:miyaanuu Illaahay addoonkiisa ku filnayn,waxay kugu bajinayaan waxyaalo kale,oo aan Alle ahayn,kii Alle lumiyo,ee baadiyooba,cidina ma hadayn karayso,kii Alle hadeeyo,ee hanuunana cidi ma lumin karayso,miyanu Alle ahayn mid aargoosigiisu daran yahay,mayee wuu yahaye.
Kownkan Alle ayaa keligii abuuray,oo leh,cid kale oo lagu caabudi karro,oo laga gargaar dalbi karaa,ma jirto,waana wadaajin,aad Alle la wadaajinayso cid kale:
ولئن سألتهم من خلق السّماوات والأرض ليقولن الله قل أفرأيتم ما تدعون من دون الله ان أرادني الله بضرّ هل هن كاشفات من ضرّه أو أرادني برحمة هل هن ممسكات رحمته قل حسبي الله عليه يتوكل المتوكلون.(الزمر)
Aayadda:haddaad weydiiso,yaa abuuray Samooyinka,iyo Arlada,waxay odhanayaan Alle ayaa abuuray,waxad ku tidhaahdaa,ka warrama kuwa aad u yeedhanaysaan,Alle sokadii,haddii Alle dhib,idinla doono,miyay idinka celin karaan,oo idinka faydi karaan dhibtiisa,haddiise uu raxmaddiisa,iyo naxariistiisa idinla doono,miyay idinka joojin karaan,waxad tidhaahdaa Alle ayaannu talosaaranay,oo nugu filan,ee kuwa cid talosaaranayaa,Alle ha talosaarteen.
Alle subxaana watacaalaa,waxa uu inoo soo diray,Rusul inoo ah digayaal,oo inooga digaya,ciqaabka iyo cadaabka Alle,sidoo kale inoo ah,bushaareeyayaal,inoogu bushaareynaya,haddii aynu amarka Eebbe si sax ah,u qaadano,in aynu helayno,abaal ah Janno,iyo wanaag:
وما أرسلناك إلا كافة للنّاس بشيرًا ونذيرًا ولكن أكثر النّاس لا يعلمون(سبا)
Aayadda:kuuma aannu dirin,dadkoo dhan mooyee,adigoo ah bushaareeye,oo ah dige,laakiin dadka intiisa badani ma garanayaan.
Ma aha ujeeddada loo abuuray Kownkan,iyo makhluuqaadkani,dheeldheel iyo ciyaar, ee waxa Alle u abuuray xaq,iyo xikmad,Insiga iyo Jinkana waxa la saaray amaano,oo hadday amaanadaa,ka soo baxaanna abaalmarin wanaagsan bay helayaan,hadday ku khasaaraanna,abaalmarin ciqaab ah,bay helayaan,wax ay marnaba amarka Eebbe ku leeyihiin ma jirto,oo iyago waa Addoomadaa,waxa Alle u garto,oon helaya:
وما خلقت الجن والانس الا ليعبدون ما اريد منهم من رزق وما اريد ان يطعمون ان الله الرزاق ذو القوة المتين...(ءاية في سورة الذاريات)
Aayadda:Umaan abuurin Jinka iyo Insiga,inay I caabudaan mooyaane,kama rabo risiq iyo inay i quudiyaan,illaahay ayaa Raasiq ah,oo leh quwad xoog leh.
Haddaba waxa waajib ah,in aynu ogaanno,in ujeeddo go'an,la inoo abuuray,oo sida ay dhigayso diinteennu,aynu ku toosnaanno,oo aanu iman dhayalsi,iyo fududaysi amarka Alle,iyo xaqiiqada noloshan,ah mid xaddidan,oo leh waqti go'an:
أفحسبتم أنّما خلقناكم عبثاً وأنّكم إلينا لا ترجعون فتعالى الله الملك الحقّ لا إلـه إلا هو ربّ العرش الكريم(المؤمنون)
Aayadda:ma waxad u malaynaysaan in aannu idiin abuurnay dheeldheel iyo ciyaar,oo aan xaggayaga la idiin soo celin doonin,Alle ayaa kor ahaaday,boqorka xaqa ah,ee isaga mooyee aan Alle kale jirin,waana ka carshiga kariimka ah iska leh.
Qofku haddaanu ku fekerin,oo baran diintiisa,naftiisa iyo Shaydaanku waxay siiyaan, yididiilo,oo isagoo jebinaya,amarkii Alle ayuu isu haystaa,in uu sax yahay:
هل ننبئكم بالأخسرين أعمالا الّذين ضلّ سعيهم في الحيّاة الدّنيا وهم يحسبون أنّهم يحسنون صنعًا أولئك الّذين كفروا بأيات ربّهم ولقائه فحبطت أعمالهم فلا نقيم لهم يوم القيامة وزنًا(الكهف)
Aayadda:ma idiinka warramaa kuwa camalkoodu khasaaray,waa kuwa nolosha adduunka u ordaya,ee isu malaynaya in ay wanaag falayaan,iyagoo xumo ku jira, kuwaasi waa kuwa beeneeyey Aayadaha Rabbigood,iyo la kulankiisa qiyaamaha, markaasay burtey oo burburtay shaqadoodii iyo waxqabadkoodii,oo wax qiimo ah, ama miisaan ah,oo ay leeyihiin qiyaamaha ma jirto.
Waxa qofka laga rabaa,in uu Islaamka si dhab ah,u wada qaato,oo aanu fududaysan:
ياأيها الذين ءامنوا أدخلوا في السّلم كافة ولا تتّبعوا خطوات الشيطان إنّه لكم عدوٌّ مبين(البقرة)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,gala Islaamka si dhamaystiran u gala,oo ha raacina,tallaabooyinka Shaydaanka,isagu waxa uu idiin yahay cadow caddaan ahe.
Qofka muslinka ahi,waa in uu diintiisa bartaa,oo ogaadaa Quraanka,iyo Sunnaha,wax aan ahayni,in aanu lahayn,daliil sheegaya,ama faraya ku dhaqankooda:
ولا تَقفُ ما ليس لك به علم أن السمع والبصر والفؤاد كل أولئك كان عنه مسؤول(الإسراء)
Aayadda:ha ku kicin,oo ha samayn,wax aanad aqoon u lahayn,maqalka iyo aragga, iyo qalbigu,waa kuwo dhamaantood,la weydiinayo,waxay qabteen.
Waxa waajib ku ah,qofka muslinka ah,ee doonaya in uu ciqaabka Alle ka nabadgalo, in uu raaco,waxa diintiisu farayso,oo aanu Alle cibaadadiisa,la wadaajin cid kale,sida dadka baryaya,Awliyo iyo cid aan Alle ahayn,ma bannaana,ma Illaahay baa ku filnaan waayey,misa Illaahay ayaa amray sidaas,waxa fiican,in qofku Aakhiradisa u shaqaysto,oo u hoggaansamo amarka Alle,iyo diintan uu rumeeyey.
Waxad arkaysaa dad ku dhiirran,waxaa ka hor imanaya manhajka Eebbe,oo ku madax adaygaya,in awliyada iyo cid aan Alle ahayn,laga dalbo gargaar,oo qaar baa gaadhey, heer ay gabayo,ka tiriyaan,miyaanay ogayn,in wixii afkooda ka soo baxa,la qorayo, ma sidii kuwii ka horreeyey,ee yidhi waannu iska dheeldheelayney ayay wadaan,oo ciyaar buu amarka Eebbe la yahay:
وَلَئِن سَأَلْتَهُمْ لَيَقُولُنَّ إِنَّمَا كُنَّا نَخُوضُ وَنَلْعَب ُقُلْ أَبِاللَّهِ وَآيَاتِهِ وَرَسُولِهِ كُنتُمْ تَسْتَهْزِؤُونَ(التّوبة)
Aayadda:haddii aad weydiiso,waxay ku odhanayaan,waxannu ahayn kuwo dheeldheel,iyo ciyaar arrintaa,u samaynaya,waxad ku tidhaadaa(Nebi Allow), ma Alle iyo Aayadihiisa,iyo Rasuulkiisa ayaad ku dheeldheelayseen.
Waxa waajib ah,in aanu qofku dhayalsan,wax dhab ah,waana in la ogaadaa gabayga, iyo gabayaaga waxa diintu ka qabto,qof diinta sida ay farayso ugu tiriniya gabayga mooyee,ka kale diintu waa reebtay,waana halis:
والشّعراء يتبعهم الغاوون ألم تر أنهم في كلّ واد يهيمون وأنّهم يقولون ما لا يفعلون إلا الّذين ءامنوا وعملوا الصّالحات وذكر الله كثيرًا وانتصروا من بعد ما ظلموا وسيعلم الّذين ظلموا أيّ منقلبٍ ينقلبون(الشعراء)
Aayadda:haddii aad hadal tidhaahdaan cadli sameeya( oo weedhunnu ha ahaato mid xaqsoor leh) haba ahaado qofka aad la hadlaysaan qaraabadiinna oofiya cahdiga iyo ballanta Alle,sidaa ayaa la idiin dardaarmaye,waxa la arkaa inaad waano qaadataane.
Diintu waxay ina faraysaa,in qofku wax khayr leh,yidhaado ama iska aamuso:
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
(من كان يؤمن بالله واليوم الآخـر فليـكرم ضيفه ، ومن كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليصل رحمه ، ومن كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليقل خيراً أو ليصمت) رواه البخاري
Xadiiska:waxa Abu Hureyra Alla ha ka raalli noqdee laga weriyey inuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi:qofkii Alle iyo Nebigiisa rumeeyey ha wanaajiyo martidiisa, qofkii Alle iyo Nebigisa rumeeyey ha xidhidhiyo Riximkiisa, qofkii Alle iyo Nebigiisa rumeeyey ha yidhaahdo khayr ama ha iska aamuso.
Diintu way dhamaystirantay,Nebigii ugu dambeeyey,ayaa la yimi,Alle mooyee cid awoodda,iyo amarka lihi,ma jirto,qof kasta waa isaga iyo camalkiisa,walaa Awliyo, walaa cid kale,ayaan wax kuu qabanayn,Alle dariiq buu kuu jeexay:
من اهتدى فإنّما يهتدي لنفسه ومن ضلّ فإنّما يضلّ عليها ولا تزر وازرةٌ وزر أخرى (الإسراء)
Aayadda:kii hanuunaa,wuxu hanuuniyey,oo hadeeyey naftiisa,kii baadiyooba,oo lumaana naftiisa ayuu lumiyey,oo nafina denbiga ay naf kale leedahay,ma xambaarto, oo looma raaco.
Amarka iyo awoodda Alle,ayaa iska leh,lama wadaago weli,iyo cid kale:
وما كان لمؤمن ولا مؤمنة إذا قضى الله ورسوله أمرًاأن يكون لهم الخيرة من أمرهم ومن يعص الله ورسوله فقد ضلّ ضلالا مبينًا(الأحزاب)
Aayadda:uma sugnaan qof muumin ah(lab iyo dheddigba)haddii Alle iyo Rasuulkiisu ay amar gooyaan,wax ikhtiyaar ahi,oo waa in ay amarka raacaan,kii caasiya Alle iyo Rasuulkiisa,oo amarka khilaafa waxa uu lumay,lumitaan fog.
Ogow haddii qofku dhinto,camalkiisa oo dhan waa la joojiyaa,saddex arrimood mooyee:
قال عليه الصلاة والسلام : ( إذا مات الإنسان انقطع عمله إلا من ثلاثة إلا من صدقة جارية , أو علم ينتفع به , أو ولد صالح يدعو له ) رواه مسلم
Xadiiska:wuxu Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi;hadduu dhinto insaanku camalkiisu wuu go'aa,oo istaagaa,saddex mooyee;
Sadaqo jaari ah,ama cilmi lagu intifaaco,ama weled saalix ah oo u duceeya.
Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,ha ahaatee,isagoo ugu mudan,dhammi makhluuqaadka Alle abuuray,waxa uu inantiisii Faadumo,ku yidhi,naftaada wax u qabso,xagga Alle,waxba kuuma tiri karo'e,ogow Rasuulku Qiyaamaha markuu Alle ka dalbado,in uu Ummaddiisa u shafeeco,ayaa Alle u ogolaanayaa,Alle ha inaga dhigo,kuwa uu u shafeeco:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"يا فاطمة اعملي لنفسك فإني لا أغني عنك من الله شيئا"
Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo,iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,wuxu yidhi; Faadumoy naftaada u shaqayso,Anigu wax aan,xagga Alle kaaga tarayaa,ma jirtee.
Nebi Ibraahin,Aabbihii waxba umuu tarin,sidoo kale,Nebi Nuux inankiisii,waa qof kasta,isaga iyo naftiisa,iyo waxa uu shaqaysto,awliyo iyo cid kale waxba ma tarto.
Awoodda Alle

Allaa kelidii awood leh
Adduunka isagaa abuuray
Insaankanna isagaa ku uumay
Illaaha xaqa een adeecno
Ajar iyo ixsaan ka eegno
Adduunkiyo aakhiro wanaagga
Amuuruhu nooc ay yiinba
Allaa amarkooda keli leh
Axad kale lama wadaago
Insaan adigaago kale ah
Abtirsiga Aadan kula gala
Haddii uu ijtihaad dadaalo
Ama Alle ikhtiyaar u doorto
Arrinku isaga uun ma dhaafee
Awood uma laha adeeg kale
Ma ogtahay heedhee Insaankuba
Awliyiyo addoonno kaleba
Haddii uu Eebbe oofsado
Acmaashiisa idilkeed
Waa la soo afjarayaa
Saddex waxa aan ka ahayn
Ilmo salix oo deed
Duco u soo akhriya iyo
Sadaqo aan go'ayn iyo
Aqoon la intifaacsado
Intuu isagu sii dhigay
Sii samaysay anbaqaad
Arrin kale ma jiro oo
Awliyiyo ciddii kale
Kuuma ay adeegtee
Alle keliya weydii
Arrimahaad u baahato
Ha ilduufin amarrada
Diintu kuu abyeysee
Islaamku kuu dhigaayee
Aqoon darradu waa cudur
Iftiinsoo wax baro oo
Ifka intaad ku nooshahay
Allahaa ka baqo oo
Ifafaalo baas iyo
Iblays haw shaqaynine
Illiggaa danbeeyiyo
Ku adkayso addimada
Islaannimada tooska ah
Uumiyaha dhamaan jira
Ee Alle abuuree
Addunyada ku dhaqn idil
Rasuulkii Illaah baa
Ugu mudan dhamaantood
In aad salliga badisoo
Abaalkiis ogaatoo
In uu kuu iftiimiyey
Aqoontii xaqa ahayd
Astaantuu lahaan jirey
Odhaahdiisa hadalkiyo
Isticmaalka nololeed
Aragti buu inoo yahay
Hayeeshee ayaan qudha
La alooso mawliid oo
Astaamo loo dhigo
Alle ma uu jideynine
Insaankaa la yimidoo
Arrinkaa samaystee
Diinteen kamuu iman
Allaha ina abuuray
Awooddiyo gargaarkuba
U sugnaatay keligii
Axad kale lamuu laha
Kuumana uu adeegee
Alxamdu markaad akhriyi
Isticaano iyo kaalmo
Allaad ka dalbi keligii
Awliyadiyo Anbiyadu
Ajariyo irsaaq iyo
Anfac kuuma tarayaan
Aabbena ma kaaliyo
Inankuna wax uma taro
Addoon kasti itaalkii
Nuux inankii uu dhalay
Ibraahin Aabbihii dhalay
Arrinkood ma maqasheen
Axadna kuuma arxamee
Waa adiga iyo itaalkaa
Ixsaanka Eebbe mooyee
Aadmigu wax muu taro
Ikhtiyaarku waa adigiyo
Islaamka aynu aaminney
Intuu kuu ooday adiga'e
Addoonka ijtihaadee
Acmaal khayr leh suubshee
Amarka Eebbe raacee
Adeecoo Allaha jira
Erey afkiisa ka baxiyo
Aragtida ishu ay taabtiyo
Addinka meeshuu dhigayiyo
Gacanta wuxa uu ku aamiyo
Afkaarta caqligiisu keenay
Intuba ay Illaah daraadii
Adeegooda u fulaan oo
Amini aanay ka luminoo
Adeec la yimaadda amarrada
Awliyada Alle inuu noqon
Ayaa arrimuhu dhigaane
Hayeeshee waa isaga uun
Anfac uma taro Insaanna'e
Ixsaan aan cid u gudbaynin
Oo ehelkii aanu waxba taraynin
Ayaa Alle ugu adeegay
Oo abaal uga dhigay ajiibkiis
Alle keliyaa awood leh
Uumiyahuu isagu abuuray
Axad kale uma gargaaro
Ma ogtahay ayaantuu
Udgoonow Rasuulkii
Inantiisii Faadumo
Yidhi hadda i weydii
Arrinkaad adigu tabanay
Aakhiro haddaan tago
Illaaha weyn agtiisa
Arrin kuuma tari karo
Amar Eebbe mooyee
Ikhtiyaar kaleba jooji
Insaanku intaan la oofsan
Ifkuu isu gargaaraa
Arrimaha nolosha taabee
Adeegga way isu fushaan
Ajar iyo sawaabkana
Alle keliya yaa lehe
Ha ilduufin weligaa
Wanaag eerso dunidoo
Aakhirada wax sii dhigo
Insaanyohow ha iilanin
Iimaanka ku adkoow
Orod aan saxa ahayn
Haysku qaadin oodaha
Ha illaawin amarrada
Alle mooye axad kale
Awood uma leh qaddaradda
Arrinkuu idmoon baa
Aqbalkiisu fulayaa
Ha ilduufin weligaa
Islaamnimada xaqa ee
Janno kugu aroorinay
Aqoon li'i ha seegina
Eersada Illaahay
Axad kale ha quudina
Insaan kale ha eedayn
Adigiyo itaalkaa oo
Amarrada lagaa rabo
La imow adeecood
Aqbalkooda ku hagaag
Alle keligii weeyee
Ereygaaga weydii
Insaan kale lamuu laha
Awooddiisu waa keli
Axad weeye Eebbe'e
Isagaa ku kaafiyi
Ehlullaahi baad noqon
Awliyada Illaahee
Arxankiisa helaysee
Aqal Jannada ka hela'e
Ha ilduufin weligaa
Islaamnimad tii saxan
Weligaa ku aadoo
Allahu akbar Eebbana
Keligii adeecoo
Amarkiisa ku ekow
Ajar iyo ixsaan baad
Abaalkana u helaysaa
Alxamdulillaahi baad odhan
Istareexa raaxada
Waxa aynu Alle ka baryaynaa,in uu inagu sugo xaqa,oo Isaga keliya gargaar iyo Janno ka sugno,oo u caabudno,sida uu raalli ka yahay,Aamiin,Aamiin,Aamiin.

 

 


Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w