Adduunka ama Kownka(Qaybtii 43aad)


 

Walaalnimad Islaamka:
Walaaluhu waa laba nooc:Walaal uu Waalid idin wada dhalay,iyo Walaal Alle dartii, aad u walaalowdeen,waana ka labada qaalisan,illaahayna wuu sheegay,in Muminiintu walaalo yihiin,ka waalidku idin wada dhalay,haddii uu xadhiga Eebbe si fiican kuula qabsado,waa waxaaga wax laguugu dar,oo waa nimco walaaleed:
إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُون( الحجرات)
Aayadda:Muuniniintu waa Walaalo,ee heshiisiiya labadiinna walaal,oo Alle ka cabsada,waxa la arkaa,in Alle idiin naxariisto'e.
Qofka muslinka ahi,waa in uu dar Illahay wax u jeclaado,oo sidoo kale dar Alle wax ku necbaado:
روى ابن عباس - رضي الله عنهما - قال : ( من أحب في الله وأبغض في الله ، ووالى في الله وعادى في الله ، فإنما تنال ولاية الله بذلك)
Xadiiska:waxa Ibnu Cabbaas laga weriyey,Alle ha ka raalli noqdee,in uu yidhi;ka Alle dartii wax u jeclaada,oo Alle dartii wax u naca,oo Alle dartii cid ula jira,oo ku tiirsada,Alle dartiina kula collooba,wuxu arrinkaa ku helayaa,oo ku hananayaa Alle la jiridiisa,iyo jacaylkiisa.
qofka muslinka ahi,waxa uu jecel yahay muslimiinta kale,ee Alle iyo Nebigiisa rumaysay,oo sida uu wanaagga u jecel yahay,ayuu ula jecel yahay muslinka kale:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم "لا يؤمن أحدكم حتّي يحب لأخيه ما يحب لنفسه"
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,wuxu yidhi: midkiinna ma uu rumayn Alle,iyo Nebigiisa,haddii aanu walaalkii la jeclaan,waxa uu naftiisa la jecel yahay.
Diinteenna xaniifka ahi,waxay ina baraysaa,in aynu muslimiinta la jeclaanno khayrka, aynu nafteenna la jecel nahay,oo aynaan ka xaasidin,waxa Alle siiyey,laakiin ogaanno in Alle qof kasta,waxa uu u qoray siinayo,oo mar kasta Alle u shukri naqno,walaalka muslinka ahna wanaag iyo horumar la jeclaanno:
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله : "لا تحاسدوا، ولا تناجشوا، ولا تباغضوا، ولا تدابروا، ولا يبع بعضكم على بيع بعض، وكونوا عباد الله إخوانًا، المسلم أخو المسلم، لا يظلمه ولا يخذله ولا يحقره، التقوى هاهنا، ويشير إلى صدره ثلاث مرات، بحسب امرئ مسلم من الشرّ أن يحقر أخاه المسلم، كل المسلم على المسلم حرام، دمه، وماله، وعرضه.
Xadiiska:Abu Hurayra waxa laga weriyey,in Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi, korkiisa ha ahaatee yidhi;ha is xaasidina,oo ha isku eryina(sida ganacsiga..iwm),oo ha isu cadhoonina,oo ha isu dhabar jeedinina,oo yaanu iibsan badhkiinba waxa badhka kale doonayo inuu iibsado,oo ahaado Addoomada Alle,ee walaalaha ah,Muslinku waa walaalka Muslinka kale,ma dulmiyo,oo ma hoojiyo,mana xaqiro,taqwada iyo cabsidu waa halkan(ayuu yidhi Rasuulku)isagoo tilmaamaya laabtiisa saddex jeer,waxa ugu filan qofka muslinka ah shar,in uu xaqiro walaalkiisa muslinka ah,Muslin kasta muslinka kale waa ka xaaraan dhiiggiisa,iyo maalkiisa iyo sharaftiisuba.
Muslimiinta waxa la amrayaa,in aany is colaadin,isuna cadhoon,oo kala dudin:
عن أنس رضي الله عنه قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لا تقاطعوا ولا تدابروا ولا تباغضوا ولا تحاسدوا وكونوا عباد الله إخوانا ولا يحل لمسلم أن يهجر أخاه فوق ثلاث
Xadiiska:Anas Alle ha ka raalli noqdee,waxa laga weriyey,in Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee yidhi:ha is goynina(xidhiidhka),
hana isu cadhoonina,hana isxaasidina,oo ahaada Addoomadii illaahay,ee walaalaha ah,uma xalaal aha qof muslin ah,inuu cadho kaga maqnaado walaalkii,wax ka badan saddex maalmood.
Walaalaha muslimiinta ahi,waa kuwa isu naxariista,ee is jecel,gaaladana neceb:
(مُّحَمَّدٌ رَّسُولُ اللَّهِ وَالَّذِينَ مَعَهُ أَشِدَّاء عَلَى الْكُفَّارِ رُحَمَاء بَيْنَهُمْ…)(الفتح)
Aayadda:Maxamed waa Rasuulkii Alle,kuwa weheliyaana,waa kuwo ku adadag Gaalada,oo isu naxariista iyagu.
Waxa Muuminiinta wanwanaagsan,ee khayrka isfara,xumahana iska reeba,waxa Alle ugu ballan qaaday,inuu u naxariisto,oo ay raxmaddiisa helaan,walaalaha Alle waa kuwa khayrka isfara,ee is jecel:
وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلاَةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللّهَ وَرَسُولَهُ أُوْلَـئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللّهُ إِنَّ اللّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ(التوبة)
Aayadda:Muuminiinta Rag iyo Dumarba,badhba badhka kale ayay jaal u yihiin,oo isfarayaan wanaagga,oo iska reebayaan xumaha,oo Salaadda oogayaan,Sakadana bixinayaan,Alle iyo Rasulkiisana adeecayaan,kuwaas Alle ayaa u naxariisanaya,Alle waa ka qaaliga ah ee xakiimka ah(xikmadda badan).
Muslinku walaalkii waxa uu ku qaabilaa,weji furan,iyo ilka caddayn farxadeed:
"وتبسمك في وجه أخيك صدقة)راه الترمذي )
Xadiiska:dhoolla caddayntaada,aad wejiga walaalkaa,u dhoolla cadaynaysaa,waa sadaqad.
Waxa manhaj ahaan Alle Ummadda u dhigay,oo u jideeyey,in ay cabsida Eebbe isku kaalmaystaan,oo isku taageeraan,kuna wada dhaqmaan:
وتعاونوا على البر والتّقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان(المائدة)
Aayadda:isku caawiya,oo isku kaashada wanaagga,iyo cabsida,oo ha isku caawinina denbiga,iyo cadawtinimada.
Mar kasta walaalka muslinka ahi,wuxu u yahay,walaalkiisa kale gacan iyo gargaar:
قال النبي صلى الله عليه وسلم:"انصر أخاك ظالما أو مظلوما"
Xadiiska:waxa Nebigu,sallallaahu calayhi wasalame yidhi:u gargaar walaalkaa,hadduu daalim yahay,iyo hadduu madluum(la dulmiyey)yahayba.
Waxay Saxaabadii Rasuulka dhegaysanaysey,ku yidhaahdeen;Rasuulkii Allow garanay,in loo gargaaro qof la dulmiyeye,sidee ugu gargaarnaa qof isagu wax dulmiya,wuxu yidhi Rasuulku,nabadgelyo iyo naxariisi krkiisa ha ahaatee,ka dulmiga sameeya,waxad ugu gargaaraysaa,waad ka qabanaysaa,oo ka joojinaysaa,taas ayaa gargaar u ah.
Walaalaha muslimiintu,way isu duceeyaan,iyagoo kala maqan,iyo iyagoo isla joogaba,sidoo kale walaalihii muslimiinta ahaa,ee ka horreeyey,way u duceeyaan,oo waxa ay Alle u weydiiyaan,in uu denbi dhaaf,iyo raxmaddiisa siiyo:
والّذين جاءوا من بعدهم يقولون ربّنا أغفر لنا ولإخواننا الّذين سبقونا بالإيمان ولا تجعل في قلوبنا غلا للّذين ءامنوا ربّنا إنّك رووف رّحيم(الحشر)
Aayadda:kuwii ka dambeeyey,ee gadaashooda yimi,ayaa odhanaya;Rabbigayow noo denbi dhaaf,annaga iyo walaalahaygii nooga horreeyey iimaanka,oo ha ka yeelin qalbiyadayada kuwo ka xidhan,oo ka maqan kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey, Rabbigayow Adigu waxa aad tahay,mid ra'uuf ah,oo naxariis badan.
Walaalaha muslimiinta ahi,way isu duceeyaan,mar kasta,waxana ka mid ah,kuwa ducooyinka loogu hor aqbali og yahay,laba muslin oo isu duceeya,iyagoo kala maqan:
عن أبي الدرداء رضيّ الله عنه أنّه سمع رسول الله صلى الله عليه وسلّم يقول"دعوة المرء المسلم لأخيه بظهر الغيب مستجابة،عند رأسه ملك موكّل كلّما دعا لأخيه بخير،قال الملك الموكّل به:ءامين ولك بمثل".
Xadiiska:Abi Dardaa,Alle ha ka raalli noqdee,waxa laga weriyey,in uu maqlay, Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasalam,oo leh,ducada qofka muslinka ahi,u duceeyo walaalkii isagoo ka maqan,waa mustajaaba,oo waa la aqbalaa,waxa madixiisa jooga Malag,loo wakiishay oo marka uu walaalkii khayr ugu duceeyoba,waxa Malaggu yidhaahdaa;Aamiin,adigana sidoo kale hel.
Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,waxa uu inoo ahaa ku deyasho,oo wuu jeclaan jirey muslinka ku toosan xaqa,iyo diinta:
وعن معاذ رضيّ الله عنه أنّ رسول الله أخذ بيده وقال:"يا معاذ إنّي لأحبّك،ثمّ أوصيك يا معاذ،لا تدعنّ في دبر كلّ صلاة تقول:اللهم أعنّي على ذكرك وشكرك وحسن عبادتك".
Xadiiska:Macaad,Alle ha ka raalli noqdee,waxa laga weriyey,in uu yidhi;Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,ayaa gacanta i qabtay,oo yidhi:Macaadow Anigu waan ku jeclahay,markaa waan kuu dardaarmayaa Macaadow,ha ka tegin,oo ha deynin,salaad kasta dabadeeda in aad tidhaahdo: "Allaahumma acinnii calaa dikrika,washukrika waxusni cibaadatika"(Allow igu kaalmee inaan guto,digrigaaga iyo shukri naqaaga,iyo cibaadadaada oo suubban).
Waxa ka mid ah,waxyaalaha u sahla qofka in uu Jannada galo,walaalkiisa muslinka ah,oo uu jeclaado,iyo calool xaadhnaanta:
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:والّذي نفسي بيده لا تدخل الجنّة
حتّى تؤمنوا ولا تؤمنوا حتّى تحابوا،أولا أدّلّكم على شيءٍ إذا فعلتموه تحاببتم أفشوا بينكم السّلام"رواه مسلم.
Xadiiska:Abu Hurayra,Alle ha ka raalli noqdee,wuxu yidhi;Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,ayaa yidhi:waxa aan ku dhaartay,ka naftaydu gacantiisa ku jirto'e,ma gelaysaan Jannada ilaa aad Alle iyo Nebigiisa rumaysaan,oo ma rumaynaysaan,Alle iyo Nebigiisa ilaa aad is jeclaataan,ma idiin sheegaa,wax aad isku jeclaanaysaan,haddaad samaysaan,salaanta dhexdiinna badiya.
Walaalaha muslimiinta ahi,waa kuwo calool fiyow,oo aan Danni,iyo male toonna arrimaha ku dhisin,wax cad,oo la hubo mooyaane,taasna diinta ayaa ina faraysa:
يا أيّها الّذين ءامنوا إجتنبوا كثيرًا من الظنّ إنّ بعض الظنّ إثم ولا تجسسوا ولا يغتب بعضكم بعضًا أيحبّ أحدكم أن يأكل لحم أخيه ميتًا فكرهتموه واتّقوا الله إنّ الله تواب رحيم(الحجرات)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,ka dheeraada in badan malaha,waxa uu yahay malaha qaarkiis denbiye,oo ha is basaasina,oo badhba badhka kale,yuu xamanin,oo wax ka sheegin,miyuu midkiinna jecel yahay,in uu cuno,hilibka walaalkii oo meyd ah,waad karhaysaane,oo Alle ka cabsada,Alle waa ka toobadda aqbala,ee raxiimka ahe.
Walaalaha muslinku way is caawiyaan,oo is gacan qabtaan,si ay waajibka Alle ugu gutaan,sida ugu habboon dhamaantood:
عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النّبيّ صلى الله عليه وسلم قال:من نفس عن مؤمن كربة من كرب الدّنيا،نفس الله عنه كربة من كرب يوم القيامة،ومن يسّر على معسر يسّر الله عليه في الدّنيا والأخرة،ومن ستر مسلمًا ستره الله في الدّنيا والأخرة،والله في عون العبد ما كان العبد في عون أخيه،ومن سلك طريقًا يلتمس فيه علمًا سهل الله طريق إلى الجنّة،وما اجتمع قوم بيت من بيوت الله تعالى،يتلون كتاب الله،ويتدارسون بينهم إلا نزلت عليهم السّكينة،وغشيتهم الرّحمة،وحفتهم الملائكة،وذكرهم الله فيمن عنده،ومن بطأ به عمله لم يسرع به نسبه.رواه مسلم
Xadiiska:Abu Hurayra Alle ha ka raalli noqdee,waxa uu sheegay,in Nebigu sallallaahu calayhi wasalame yidhi;qofkii ka fayda,qofka kale oo muslin ah,kurbo ka mid ah,kurbooyinka dunida,Alle ayaa ka faydaya kurbo ka mid ah,kurbooyinka Qiyaamaha,oo qofkii u sahla,ee u fududeeya,qof kale oo muslin ah,culays saaran,Alle ayaa u fududeeya,If iyo Aakhiroba,qofkii astura qof kale,oo muslin ah,Alle ayaa astura If iyo Aakhiroba,Alle wuxu yahay ka caawiya,ee u gargaara,marka uu Addoonku yahay mid walaalkiis u gargaara,qofkii dariiq u qaada,si uu cilmi u helo, Alle ayaa u sahla dariiqa,uu Jannada ku gelayo,kuma ay kulmaan qowm,beyd ama guri ka mid ah guryaha Alle(masaajid)iyagoo akhriyaya kitaabka Alle,oo dhexdooda wax is baraya,si kale ma ahee,waxa ku soo degtaysa xasillooni,oo waxa daboolaysa raxmad,oo waxa hareereeya Malaa'ig,Allena wuu xusaa,oo sheegaa wanaaggooda, qofkii camalkiisu dib u dhigo,nasabkiisa iyo bahdiisu ma dedejiso,oo ma hore dhigto.
"والله في عون العبد ما كان العبد في عون أخيه""Allah helps those who help themselves"
Walaalka Islaamku,waxa uu walaalkiisa kale u yahay,sidii muraayad oo kale,mid arkaya,khaladkiisa iyo saxiisa,oo mar kasta toosin,ama dhiirrigelin siiya:
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: المؤمن مرأة اخيه"
Xadiiska:Abu Hurayra Alle ha ka raalli noqdee,wuxu yidhi;Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,ayaa yidhi:muuminku waa muraayadda walaalkii.
Waxa diintu ina amaraysaa,in aan xadhiga Eebbe,wada qabsashadiisa ku walaalowno:
واعتصموا بحبل الله جميعًا ولا تفرقوا واذكر نعمة الله عليكم إذ كنتم أعداءً فألف بين قلوبكم فأصبحتم بنعمته إخوانًا(العمران)
Aayadda:qabsada xadhiga Alle dhamaantiin,oo ha kala tafaraaruqina,oo xusa,oo sheega nicmada Illaahay,markii idinkoo cadow isu ah,Alle qalbiyadiinna isu soo jeediyey,ee isu duwey,oo aad nimcada Alle ku walaalowdeen.
Walaalaha muuminiinta ah,waxa lagu metelay,in ay yihiin sidii jidh keliya:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم":"مثل المؤمنين في توادّهم وتراحمهم وتعاطفهم كمثل جسد واحد إذا اشتكى منه عضو تداعى سائر الجسد بالسهر والحمى"
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi:Muuminiinta marka aad eegto sida ay isu jecel yihiin,isugu naxariistaan,isula dareen wadaagaan,waxad mooddaa,sidii jasad(ruux jidhkiis)qudha,oo haddii xubini xanuunto,inta kale ee jidhku xanuunkii dareemayo,oo soo jeed,iyo xummadi helayso.
Waxa kaloo,walaalaha Islaamka lagu tilmaamay,sidii dhisme is haysta,oo is adkeeya:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم"المؤمن للمؤمن كالبيان يشدّ بعضه بعضًا"
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi:
Qofka muuminka ahi,waxa uu qofka kale ee muuminka ah,u yahay sidii dhisme, midba ka kale adkaynayo,oo taageerayo.
Walaalaha muslinka ahi,mar kasta way isu nasexeeyaan,oo is faraan xaqa,iyo sabirka:
والعصر إنّ الإنسان لفى خسر إلا الّذين ءامنوا وعملوا الصّالحات وتواصوا بالحقّ وتواصوا بالصّبر(العصر)
Aayadda:Casrigaan(waqtigaan) ku dhaartaye,insaanku khaasre ayuu ku sugan yahay, marka laga reebo,kuwa Alle iyo Nebiga rumeeyey,ee isu dardaarma xaqa,isuna dardaarma sabirka.
Walaalkaaga muslinka ah,sidee xaqa uu kugu leeyahay,u ilaalin kartaa:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم"حقّ المسلم على المسلم ست:إذا لقيته فسلّم عليه،وإذا دعاك فأجبه،وإذا استنصحك فأنصح له،وإذا عطس فحمد الله فشمّته،وإذا مرض فعدته،وإذا مات فاتّبعه".
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi:
Xaqa uu qofka muslinka ahi,ku leeyahay muslinka kale waa lix:haddii uu la kulmo,in uu salaamo,haddii uu casumo,in uu aqbalo,haddii uu naseexo,iyo talo ka dalbo,in uu u naseexeyo,haddii uu hindhiso,oo alxamdulillaah yidhaahdo,in uu isna yidhaahdo yarxamakallaah,oo u duceeyo,haddii uu xanuunsado in uu booqdo,haddii uu geeriyoodo,in uu jinaasadiisa raaco,oo aaska ka qayb galo.
Walaalaha muslimiintu waxay isu huraan,wax kasta,oo wax naftiisu u baahnayd,ayuu haddana u huraa,oo dooraa,walaalkiisa kale,sidii reer madiina iyo muhaajiriintii:
والذين تبوءو الدار والإيمان من قبلهم يحبون من هاجر إليهم و لايجدون في صدورهم حاجة مما أوتوا ويؤثرون على أنفسهم ولو كان بهم خصاصة ومن يوق شح نفسه فأولئك هم المفلحــــون(الحشر)
Aayadda:kuwa degey daarta(dhulka)iyo iimaanka iyaga hortood,waxa ay jecel yihiin kuwa u soo haajirey,oo calooshooda waxba uguma hayaan,waxooda ay bixinayaan darteed,oo waxay ka doorbidayaan,oo ka horreysiinayaan naftooda(ta walaalkood), xataa iyagoo aad ugu baahan,kii naftiisa ka badbaadiya,ee ka ilaaliya bakhaylnimadu waxa uu ka mid yahay,kuwa guulaystay.
Waxa dadkaa walaalaha ah,ee Adduunka xadhiga Alle wada qabsaday,sidoo kale ku kulmayaan,oo walaalo ku noqonayaan Jannada:
إلا عباد الله المخلصين أولئك لهم رزق معلوم فواكه وهم مكرمون في جنّاتٍ النّعيم على سرر متقابلين يطاف عليهم بكأس من معين بيضاء لذة للشاربين(الصّافات)
Aayadda:Addoomadayda ah mukhlisiinta mooyee,kuwaasi waxa ay leeyihiin,risiq la og yahay,oo khudradi ka mid tahay,iyagoo mudan,oo ku karaamaysan Jannooyin nimcaysan,oo sariiro dushood,ayay isku qaabilayaan,oo lala dhex dawaafo koobab maciin ah,oo cad cad,oo aad ugu macaan kuwa cabbaya.

Dhab waxaa walaalo ah
Kuwa iimaanku uu dhigay
Qalbigood u dhaadhacay
Ku dhibcoo ka hawlgalay
Ka dhamaaday daxalkee
Aanu dheehu saarnayn
Ama aan laguba dhalin
Ee dhabbahaa ku toosnaa
Waalidkii ku dhaatee
Barbaarinta u soo dhisay
Wadaad xaqa u dhiga iyo
Milcaamadda ka soo dhamay
Quraankii dhamaystiray
Fiqii dhankow riday
Axaadiista dheehdoo
Dhandhansaday ujeeddada
Dadka ka ugu dhow waa
Kii dhawraaya diintee
Dhug u guta cibaadada
Dhayalsigu ka dheeryoo
Dhabbihii xaqa ahaa
Dhaqankiis ka yeelee
Ku dhiirradey wanaaggiyo
Dhidibkeeda adagoo
Dhaqaalaha xalaasha ah
Dhididkiisa quutoo
Dhuunigiisu qanac iyo
Dhibirsanida yahayoo
Dhulka khayr la doonoo
Dhaawacana ka reeboo
Dheehashada xaqiiqada
Ninka dhaadayee jira
Walaal baan ka dhigayaa
Dhinaciisa iga eeg
Dhab waxaa walaalo ah
Kuwa iimaanku uu dhigay
Qalbigood u dhaadhacay
Ku dhibcoo ka halwgalay
Ninka dhoolka socodkiyo
Safarkiisu dheer yahay
Dhacdooyinka ku xeeranna
Ay tiro dhan gaadhaan
Dhalandhoolka hawlaha
Dhibaatada gedaamay
Cidda dhinac istaagtee
Dhiirrigelin ku taabtee
La dhudhumisa khayrkaa
Jacaylkiisu dheeryee
Dhab waxaa walaalo ah
Kuwa iimaanku uu dhigay
Qalbigood u dhaadhacay
Ku dhibcoo ka halwgalay
Ka dhurwaayeynta badane
Kaa dharsaaya khayrkee
Dhuunyaalaynta xumihiyo
Reer dhaameel ku hiilee
Dhaqankiisu eex iyo
Dhagar hooynta ay tahay
Dheg ninkii u dhigayaa
Isagaa dheereeyey barehoo
Isagaa ka dhoohane
Waxa aad dhiganaysee
Dhito kuu noqonayee
Ma dhaafaanka Aakhiro
Dhugashada u yeeshoo
Dhalanteedka waalani
Yuu ku dhega barjaynine
Dhug u yeelo arrimaha
Oo khayrka sii dhigo
Ninka dhaaxa kuu diga
Dhawaaqiisu waaniyo
Arrimaha dharaar iyo
Ka caddeeya dhaydii
Runta kala dhambalayee
Dhaxanta kaa dugsiyayee
Dheeliga uu diidee
Dhaawac kaa ilaaliya
Hooy u dhega nuglowoo
Dhawaaqiisa doorka ah
Dhinac yaanay kaa marin
Dhab waxaa walaalo ah
Kuwa iimaanku uu dhigay
Qalbigood u dhaadhacay
Ku dhibcoo ka halwgalay

Waxa aan Alle ka baryaynaa,in uu innaga dhigo kuwa ku walaaloobay dartii,ee isku jecel If iyo Aakhiroba.

Saeed Ibraahim Hussein
As/w/w