Adduunka ama
Kownka(Qaybtii 41aad)
Qisaska Quraanka:

Quraanku waa qawlkii Illaahay,oo
Alle ku soo dejiyey Nebigeenna,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha
ahaatee,quraanku wuxu koobsanayaa dhamaan caqiidada iyo iimaanka,iyo
qaanuunka iyo xeerka Alle u dejiyey insaanka,ee axkaam iyo sharci
leh,sidoo kale nidaamka macaamilada iyo xidhiidhka,ee loo wada
dhaqmayo,waxa Quraanka Alle inoogu sheegay wacdi iyo waciidba,oo
digis iyo bushaaroba leh,waxa kale oo Quraanku inoo sheegay qisas ah
dhacdooyin dhab ah,oo cibro iyo wax ku qaadasho leh,iyadoo uu
Quraanku inooga warramay,Qowmamkii innaga horreeyey iyo siday u
noolaayeen,iyo halaagyadii ku dhacay,iyo sababtay ku kasbadeen
halaaggaas,Quraanku wuxu u yahay dadka hanuun,iyo bushaaro,uu u
bushaaraynayo dadka wanaagsan,ee camalka saalixa ah sameeya:
إنّ هذا القراءن يهدي للّتي هي أقوم ويبشر المؤمنين الّذين يعملون
الصّالحات أنّ لهم أجرًا كبيرًا(الإسراء)
Aayadda:Quraankani waxa uu kugu hanuninayaa,sida iyo dariiqa saxa
ah,waxana uu u bushaaraynayaa Muuminiinta,sameeya camalka
wanaagsan,oo ugu bushaaraynayaa, in ay leeyihiin ajar weyn(Abaalgud
fiican).
Quraanka Alle waxa uu dadkiisa ugu sheegay wax kasta,kii ku hanuuna
ayaa aflaxay:
ولقد صرّفنا للنّاس في هذا القراءن من كلّ مثل فأبى أكثر النّاس إلا
كفورًا(الإسراء)
Aayadda:xaqiiqa'e waannu ugu sheegnay dadka,Kitaabkan meselo,iyo
arrin kasta,in badan oo dadka ka mid ahina,way diideen,in ay ku
kufriyaan mooyee.
Quraanka Alle ayaa ilaaliyey,oo lama bedeli karo,waxna lagama dhimi
karo,waxna laguma dari karo,waa kalaamkii Alle,oo Alle ayaa xifdiyey:
إنّا نحن نزلنا الذّكر وإنّا له لحافظون(الحجر)
Aayadda:Annaga ayaa soo dejinney Digriga(Quraanka),oo Annaga ayaa
xafidayna, oo ilaalinayna.
Quraanka wax la mid ah,lama keeni karo,oo Insiga iyo Jinku hadday
iskaashadaan ma keeni karaan,oo Aayad ama Suurad qudha,ma keeni
karaan,waa qowlkii Illaahay:
قل لئن اجتمعت الإنس والجنّ على أن يأتوا بمثل هذا القراءن لا يأتون
بمثله ولو كان بعضهم لبعض ظهيرًا(الإسراء)
Aayadda:waxa aad tidhaahdaa(Nebi Allow)haddii ay isu tagaan Insiga
iyo Jinku si ay u keenaan Quraankan oo kale,ma keeni karaan,xataa
haddii badhba badhka kale caawiyo,oo ku taageero.
Quraanka Alle ayaa ka dhigay,mid u fudud dadka xifdigiisa,iyo
akhriskiisa iyo fahankiisaba,iyo sidoo kale ku fekerkiisa iyo ku
waano qaadashadiisa:
ولقد يسرنا القراءن للذكر فهل من مذكر(القمر)
Aayadda:xaqiiqa'd waannu u sahalnay Quraanka digri ahaan,in lagu
camal falo,iyo waano qaadasho,ee ma jirtaa cid waano qaadanaysaa.
Quraanka waxa ku soo arooray,Qisas fara badan,oo isugu jira kuwo
gaagaaban,iyo kuwo dhaadheer,oo dhawr meelood ku yimi,sida qisada
Nebi Muuse oo kale,qisadu waxa ay inooga warrantaa,dhacdooyin hore u
dhacay,oo aynaan ogeyn:
نحن نقص عليك أحسن القصص بما أوحينا إليك هذا القرءان وإن كنت من قبله
لمن الغافلين (يوسف)
Aayadda:waxa aannu kaaga warramaynaa kuwa ugu wanaagsan
qisooyinka,waxa aannu kuugu waxyoonay Quraankan,inkastoo aad hore u
ahayd,mid aan u war haynin.
Dadkaa hore,iyo Qowmamkaa inaga horreeyey,in aynu wax ka
ogaanno,sida ay u noolaan jireen,sida ay Rusushii loo soo diray,ula
dhaqmeen,iyo arrinkoodu halkuu ku dambeeyey,dhamaan qisaskaas oo
Quraanku inooga warramay,waxay inoo yihiin cibro,iyo wax ku
qaadasho,waxana ay mudan yihiin,in wixii wanaagsan,aam kaga
dayanno,wixii xun ee ay halaagga ku muteenna iska ilaalinno:
لقد كان في قصصهم عبرة لأولى الألباب ما كان حديثًا يفترى ولكن تصديق
بين يديه وتفصيل كلّ شيء وهدًى ورحمة لقوم يؤمنون(يوسف)
Aayadda:xaqiiqa'e waxa ay u ahaatay qisooyinkooda cibro
qaadasho,kuwa qalbiga iyo caqliga leh,ma ahayn sheeko,la iska been
abuurtay,laakiin waa run ka sugnaatay, xagga Alle,oo
fasilaysa,qeexaysanaya wax kasta,oo u ah hanuun iyo raxmad,kuwa
muuminiinta ah.
Rasuulka Alle,oo Quraanka Alle ku soo dejiyey,waxa looga warramayaa
dadkii hore, isaguna waa ku cibro iyo tusaale qaadanayaa,innagana
wuu inoo soo gudbinayaa:
كذالك نقصّ عليك من أنباء ما قد سبق وقد ءاتيناك من لدنّا ذكرًا(طه)
Aayadda:sidaas oo kale,ayaannu kaaga warramaynaa,wararkii wixii
hore,ee hore u dhacay,oo waxannu xaggayaga kaa siinnay,digri iyo
waano.
Rasuulka Alle Qisooyinkaasi waxa ay u ahaayeen,saad niyadda iyo
qalbigu ugu dego, oo innagana waxa ay inoo yihiin cibro iyo wax ku
qaadasho:
وكلا نقص عليك من أنباء الرّسل ما نثبت به فؤادك وجاءك في هذا الحقّ
وموعظة وذكرى للمؤمنين(هود)
Aayadda:dhamaan waannu kaaga warranay,wararkii Anbiyada,iyo
Rususha,si aannu ugu sugno,oo ugu dejinno qalbigaaga,oo waxa kuu
yimi diintan,oo xaq ah,waano iyo wax u sheegna u ah muuminiinta.
Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,waxa
looga warramayaa sida Rusushii ka horreysey loola dhaqmay,iyo waxa
ay la kulmeen,markaa waa,in uu isaguna u sabro,dadka loo soo
diray,oo waajibka saaran gudbiyo:
كذالك ما أتى الّذين من قبلهم من رسولٍ إلا قالوا ساحر أو مجنون
أتواصوا به بل هم قوم طاغون فتولى عنهم فما أنت بملوم وذكّر فإنّ ذكرى
تنفع المؤمنين(الذاريات)
Aayadda:arrinkaasi waa waxa ay la yimaaddeen kuwii kaa horreeyey ee
Rususha ka mid ahaa,oo waxa ay ku yidhaahdeen,waa sixiroole ama waa
waallan yahay,miyaa loo dardaarmay sidaa,iska daaye waa qowm
xadgudbay,iskaga jeeso,adiga waxa canaani kuma saarnee,oo waani waxa
ay waanadu anfacaysaa kuwa muuminiinta ahe.
Rasuulka Alle marka Anbiyadii iyo Rusushii looga sheekeeyo,ayaa loo
sheegayaa in uu dariiqoodii ku daydo,oo sidoodii u guto waajibka
saaran:
أولئك الّذين هداهم الله فبهداهم اقتده(الأنعام)
Aayadda:kuwaas Alle ayaa hadeeyey,oo hanuuniyey,ee ku
dayo,hanuunkooda.
Waxa Rasuulka Alle loo sheegayaa,in Rusushii ka horreeysey sabri
jireen,marka la beeniyo,oo isna sidaas laga rabo:
ولقد كذبت رسل من قبلك فصبروا على ما كذبوا وأذوا حتّى أتاهم نصرنا ولا
مبدل لكلمات الله ولقد جاءك من نبأ المرسلين(الأنعام)
Aayadda:xaqiiqa'e waa la beeniyey Rusushii kaa horreysey,oo way u
sabreen beenintii la beeniyey,ilaa uu uga yimi gargaarkayagu,oo
kelmedaha Illaahay,ma laha bedel,xaqiiqa'e waxa kuu yimi,warkii
Mursaliinta,la soo diray.
Waxa Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,loo
sheegayaa in uu dadka Qisooyinkaa uga warramo,oo u sheego,si ay ugu
fekeraan,oo wax ugu qaataan:
فاقصص القصص لعلهم يتفكّرون(الأعراف)
Aayadda:uga warran qisooyinka waxa la arkaa in ay ku fekeraane.
Suuradda Kahaf waxa ku soo arooray 4 Qiso,oo kala ah Qisada Asxaabul
Kahaf,laba nin,oo laba beerood kala lahaa,Nebi Muuse iyo Khidir,iyo
Qisadii Dulqarneyn.
Sida aynu soo sheegnay Qisooyinku waxa ay u baahan yihiin,in aynu ku
fekerno,oo isweydiino sababaha iyo natiijooyinka,oo wax ku
qaadano,aan milicsanno Qisadii Asxaabul Kahaf:
نحن نقص عليك نبأهم بالحقّ إنّهم فتية ءامنوا بربّهم وزدناهم هدىً
وربطنا على قلوبهم إذ قاموا فقالوا ربّنا ربّ السّماوات والأرض لن
ندعوا من دونه إلـه لقد قلنا إذًا شططًا(الكهف)
Aayadda:waxa aannu kaaga warramaynaa warkooda,si xaq ah,waxa ay
ahaayeen dhalinyaro Rabbigood rumeeyey,oo aannu u siyaadinney
hanuun,oo qalbiyadooda adkaynay,markii ay kaceen,ee yidhaahdeen
Rabbigayo waa Rabbiga Samooyinka,iyo Arlada,oo cid aan Isaga ahayn
uma yeedhayno,oo ma caabudayno,haddii aannu sidaas yeelno,oo cid
kale caabudno,waxa aannu odhanaynaa denbi,iyo khalad.
Markii ay Godkii galeen,Alle qudradiisa,waxa uu u suurtageliyey,in
ay helaan iftiinka qorraxda,kaas oo ilaalinaya,jidhkoodu in aanu
isbedelin,sidoo kale si aan ciiddu u cunin jidhkooda,Illaahay Isagaa
korreeyee,wuu rogrogi jirey,oo hadba dhan ayay isu rogrogi jireen:
وترى الشمس إذا طلعت تزاور عن كهفهم ذات اليمين وإذا غربت تقرضهم ذات
الشمال وهم في فجوه منه ذالك من ءايات الله من يهد الله فهو المهتد ومن
يضلل فلن تجد له وليًَا مرشدًا وتحسبهم أيقاظًا وهم رقود ونقلبهم ذات
اليمين وذات الشمال...(الكهف)
Aayadda:waxa aad arkaysaa Qorraxda,oo marka ay soo baxdo,ka
qabanaysa godkooda dhinaca midig,marka ay sii dhacayso,ee gelinka
danbena ka qabanaysa dhinaca bidixda,iyagoo meel gudaha ah ku
jira,kuwaasi waa Aayadaha Alle,kii Alle hadeeyo,ayuun baa ah mid
hadaysan,kii Alla lumiyona uma helaysid weli,ama saaxiib toosiya,oo
waxa aad moodaysaa in ay soo jeedaan, waanay jiifaan,oo waxa aannu u
rogrogaynaa midig iyo bidix…
Waxa cajiib ah,in muddo saddex sanno iyo sagaal casho ah,ay
hurdeen,haddana aan wax isbedel ahi,ku dhicin:
ولبثوا في كهفهم ثلاث مأئة سنين وازدادوا تسعًا(الكهف)
Aayadda:waxa ay ku negaadeen,oo ku sugnaayeen godkooda saddex boqol
oo sanno,oo aannu ugu siyaadinay sagaal maalmood.
Nebi Ibraahim waxa la inooga warramay,in Qowmkiisu mushrikiin
ahaayeen,oo ay sanamada caabudi jireen,ka dib maalin maalmaha ka mid
ah,uu burburiyey sanamadii, oo kii u weynaa ka tegey,ka dib markii
ay Nebi Ibraahin ku yidhaahdeen;maadigaa sidan yeelay,wuxu yidhi
maya'e,sanamkan weyn,ee faashku qoortiisa saaran yahay ayaa
burburiyey,ee waydiiya hadday hadlayaan,markaas ayay dib isugu
noqdeen,oo yidhaahdeen,waynu khaldannahay,maba hadli
karaane!,haddana waa Qowm Alla hufinayee,halkoodii bay ka
miiseenoo,waxa ay yidhaahdeen u hiiliya Illaahyadiina,oo guba
Ibraahiin,meel intay u dhisaan,ayay dab ku shidayaan,oo Ibraahin ku
dhex tuurayaan,laakiin dabkii ayaa Alle amar siinayaa,oo odhanayaa
ha gubin Ibraahin:
قالوا أحرّقواه وانصروا ءالهتكم إن كنتم فاعلين قلنا يا نار كوني برداً
وسلاماً على إبراهيم وأرادوا به كيداً فجعلناهم ألأخسرين(ألأنبياء)
Aayadda:waxay yidhaahdeen guba oo u hiiliya illaahyadiinna,haddaad
saa yeelaysaan,waxannu nidhi Naareey ahaw,oo noqo mid qabow oo beref
ah,oo nabadgelyo u ah Ibraahin,waxay dooneen inay
dhagraan(Ibraahin)waxannuse ka yeelnay kuwo khasaara.
Nebi Yuunis oo magaca kale ee loo yaqaaney ahaa Da'nuun,ayaa inta uu
cadhooday, waxa uu raacay doon,dabadeed doontii ayaa dadkii
saarnaa,qori tuur loo sameeyey,si qofka ay ku dhacdo,badda loogu
tuuro,markaas ayaa nasiibkii ku soo aadiyey,in isaga qorigii ku
dhaco oo badda lagu tuuro,ka dib nibiri ayaa laqay Yuunis,markaas
ayuu isaga oo calooshii nibiriga ku jira uu ducaystay,Allena waa ka
aqbalay,oo waa ka soo badbaadiyey nibirigii laqay,isagoo bed qaba:
وذا النّون إذ ذهب مغاضبًا فظنّ ألن نقدر عليه فنادي في الظلمات أن لا
إلـه إلا أنت سبحانك إنّي كنت من الظالمين فاستجبنا له ونجيناه من الغم
وكذالك ننجي المؤمنين(الأنبياء)
Aayadda:Da'nuun markii uu tegey,isaga oo cadhoonaya,oo u maleeyey,in
aannaan awoodi karin(waxba ku samayn karin),markaasuu
mugdigii(calooshii Nibiriga) ka dhawaaqay:Adiga mooyee Illaah kale
ma jiro,Adaa Allow nasahane,waxa aan ahaa mid daalimiinta ka mid
ah,markaas ayaannu ka ajiibnay,oo ka badbaadinay dhibtii,oo sidaas
ayaannu muuminiinta u badbaadinaa.
Qisooyinka qaarkood waxa ay ina barayaan,sida cilmiga loo raadiyo,ee
uu qaaliga u yahay,in safar dheer iyo shuruudo adag loo galo,bal
aynu eego Nebi Muuse oo ahaa Nebi Alle doortay,haddana cilmi jacayl
dartii,la rafiiqaya Addoon saalix ah,oo Alle cilmi siiyey,si uu
cilmi uga korodhsado:
فوجدا عبدًا من عبادنا ءاتيناه رحمة منّا وعلّمناه من لّدنّا علمًا قال
موسى هل أتّبعك على أن تعلمني ممّا علّمت رشدًا قال إنّك لن تستطيع معي
صبرًا وكيف تصبر على ما لم تحط به خبرًا قال ستجدني إن شاء الله صابرًا
ولا أعصي لك أمرًا قال فإن اتّبعني فلا تسئلني عن شيءٍ حتّى أحدث لك
منه ذكرًا(الكهف)
Aayadda:waxa ay heleen,Addoon ka mid ah Addoomadayada,oo aannu
siinay raxmad,iyo cilmi xaggayaga ah,Muusaa ku yidhi;ma ku raacaa,si
aad ii barto,waxa Alle kuu baray wanaagga,wuxu yidhi Khadar;ma
awoodi karaysid,oo iima sabri karaysid,in aad i raacdo,oo sidee ayuu
u sabrayaa,qof aan koobsan khibrad,iyo waayo-aragnimo,Muusaa
yidhi;waxad insha Alla iga heli doontaa sabir,oo mid sabra ayaan
noqon doonaa,Khadar wuxu yidhi;haddii aad i raacdo,ha weydiin wax
su'aal ah,ilaa aan anigu kaaga warramo xaalka(waxa dhex maray qiso
dheer,oo xiiso leh).
Nebi Muuse oo Qisadiisu ugu badan tahay Quraanka aynu milicsi yar ka
qaadano:
Waxa Awoodda Alle aad ka arkaysaa Aayado badan oo Alle Quraankiisa
inoogu sheegay,tusaale markuu dhashay Nebi Muuse waxay ahayd waqti
Fircoon uu wixii Wiilal dhasha ee reer Bini Israa'iil ah dili
jirey,marka dhalashadii Nebi Muuse,oo Hooyadii aad uga werwersanayd
inankeeda,iyo in Fircoon dilo,ayaa Alle u waxyoday in ay nuujiso
naaska,haddii ay u baqdaona Sanduuq intay ku riddo,badda ku tuurto,
adiguba waad dareemi kartaa,Hooyo doonaysey inay inankeeda
badbaadiso,oo haddana badda ku ridaysa,isagoo Sanduuq ku jira,sidaa
ayuu Nebi Muuse ku badbaadayaa,oo Alle gaadhsiinayaa,xeeliga badda
ee u dhow Qasriga Fircoon,oo halkaa ay ku qaadayaan dad u shaqeeya
Fircoon,halkaasuu Awoodda Illaahay ku korayaa,oo ku barbaarayaa
gurigii cadowgiisa,doonayey inuu dilo,waa awood Alle,in Badda oo u
hoggaansan amarka Eebbe,aanay liqin oo dejin Muuse,laakiin
gaadhsiiso Qasriga Fircoon agtiisa,dabadeed ninkii lagala baqayey
koriyo :
وأوحينا إلى أُمّ موسى أن أرضعيه فإذا حفت عليه فألقيه في اليمّ ولا
تخافي ولا تحزني إنّا رآدّوه إليك وجاعلوه من المرسلين فالتقطه ءال
فرعون ليكون لهم عدوّاً وحزنا إنّ فرعون وهامان وجنودهما كانوا
خاطئين(القصص)
Aayadda:waxannu u waxyoonnay Muuse Hooyadii nuuji naaska,haddii aad
u baqdo badda ku rid,oo ha biqin hana murugoonin,annagaa kuu soo
celinayna,oo ka dhigayna mid Mursaliinta(Rususha)ka mid ah,waxa
qaadi doona Fircoon ehelkiisa,si uu ugu noqdo cadow iyo murugo,waxay
Fircoon iyo Haammaan iyo Askartiisu ahaayeen kuwo khaldan.
Mucjisaad Alle siiyey Nebi Muuse waxa ka mid ah,usha mar mas isu
bedelaysa,mar amarka Eebbe dhagax biyo ka soo faruuraysa,mar badda
berri u bedelaysa,waa wax Alle awooddiisa ina tusaya,oo inoo
caddaynaya,sixirroolayaashii Fircoon isu keenay,ee sameeyey sixirkii
la yaabka lahaa,waxa wada laqaysa ushii Muuse:
وأوحينا إلى موسى أن ألق عصاك فإذا هي تلقف ما يأفكون فوقع الحق وبطل
ما كانوا يعملون(الأعراف)
Aayadda:waxannu u waxyoonnay Muuse inuu Ushiisa tuuro,waaba iyadii
oo (isu bedeshey Abeeso)halqafaysa waxay sii daayeen ee sixir
ahaa,xaqii ayaa yimi,oo waxa burey oo baaba'ay waxay samaynayeen.
Haddii nimcada Alle lagu kufriyo waxa lagala kulmaa ciqaab,Adduunka
kuugu yimaadda,ama Aakhiro lagula sugo,bal aynu eegno ninkii beerta
lahaa,ee saaxiibkii ka qaadan waayey taladii,ee Alle u shukri niqi
waayey,ee ku kufriyey nimcadii:
قال له صاحبه وهو يحاوره أكفرت بالّذي خلقك من ترابٍ ثمّ من نطفة ثمّ
سواك رجلا لكنّا هو الله ربّي ولا أشرك بربي أحدًا ولو لا إذ دخلت
جنّتك قلت ما شاء الله لا قوة إلا بالله إن ترني أنا أقلّ منك مالا
وولدًا فعسى ربّي أن يؤتين خير من جنّتك ويرسل عليها حسبانًا من
السّماء فتصبح صعيدً زلقًا أو يصبح مائها غورًا فلن تستطيع له طلبًا
وأحيط بثمره فأصبح يقلب كفيه على ما أنفق فيها وهي خاوية على عروشها
ويقول يا ليتني لم أشرك بربّي أحدًا(الكهف)
Aayadda:waxa Saaxiibkiis ku yidhi isagoo la doodaya;ma waxad ku
kufriyaysaa,oo ku gaaloobaysaa kii ku abuuray,ee dhoobada kaa
abuuray,ka dibna candhuufada,ee ka dib kaa dhigay,qofka dhamayska
tiran!,laakiin aniga Rabbigay waa Alle,oo cid u shariig yeeli
mayo,haddii aad beertaada marka aad gasho,tidhaahdo maashaa Allah,
Awoodda Alle mooyee,awood kale ma jirto,oo haddii aad ii aragto,in
aan kaa maal yar ahay,oo kaa carruur yar ahay,waxa suurtagal ah,in
Alle i siiyo,beertaada mid ka khayr badan,oo ka wanaagsan,oo taadana
u soo diro,dabaylo xagga Samada kaga yimaadda,oo ka dhiga gowaan
madhan,ama biyuhu ka gudhaan,oo aad weydo,meel aad biyo uga
hesho,beertiisii ayaa la koobay(halaag baa ku dhacay).markaasuu
ninkii gacmaha hadba dhinac u rogey,isagoo ka werwersan,oo isku
ciilkaambiyaya xoolihii uu geliyey beerta,waa iyadoo madhan,oo
geedihii hadhaysnaa baaba'een!,markaas ayuu odhanayaa;hoogaygee
haddii aanan Rabbigay cid kale u shariig yeeli lahayn!.
Suuradda"Almujaadala" ee Qadsamic,waxa ay ku soo degtey haweeney la
odhan jirey Khawla Bint Saclaba markay Rasuulka uga soo
ashkatootay,ninkeeda oo ku yidhi Hooyaday ayaad iga tahay!,waxay
odhanaysaa Rasuul Allow waxa uu cunay dhalinyaranimadaydii,oo
carruur badan ayaan caloosha ugu qaaday,ilaa aan ka
gaboobay,markaasuu igu leeyahay,Hooyaday ayaad iga tahay,Alle ayaan
uga ashkatoodey,iyadoo aan meeshii ka tegin ayaa Malaku Jibriil soo
dejiyey suuradda:
خولة بنت ثعلبة وهي تشتكي زوجها إلى رسول الله صلى الله عليه وسلّم
وتقول يا رسول الله أكل شبابي، ونشرت له بطني،حتّى إذا كبرت
سنّي،وانقطع ولدي،ظاهر منّي،اللهمّ إنّي أشكوا إليك،فما برحت حتّى نزل
جبريل بهذه الأية:"قد سمع الله قول الّتي تجادلك في زوجها وتشتكي إلى
الله والله يسمع تحاوركما إنّ الله سميع بصير الّذين يظاهرون منكم من
نسائهم ما هنّ أمهاتهم إن أمهاتهم إلا اللاء ولدنهم وإنّهم ليقولون
منكرًا من القول وزورًا وإنّ الله لعفو غفور(المجادلة)
Aayadda:xaqiiqa'e Alle waa maqlay qawlkii tii kula doodaysey,ee
kaagala doodaysey ninkeeda,ee Alle u ashkatoonaysey,Allena waa maqli
og yahay,waxa aad ku doodaysaan,Alle waa ka maqlaya,ee arkaya,kuwa
dumarkooda hooyaday ayaad iga tahay ku odhanaya,Hooyooyinkood waa
kuwii dhalay,oo waxa ay odhanayaan,oo leeyihiin qawl iyo hadal
munkar ah,oo denbi ah,Allena waa ka cafiska badan,ee denbiga dhaafa.
Waxa la inooga warramay,nin soo maray Magaalo,baaba'day,ka dibna
waxa uu la yaabay,sida dib loogu soo noolaynayo,dadkii ku noolaan
jirey,waa awoodda Alle:
أو كالّذي مرّ على قرية وهي خاوية على عروشها قال أنّي يحي هذه الله
بعد موتها فأمّاته الله مائة عام ثمّ بعثه قال كم لبثت قال لبثت يوماً
أو بعد يوم قال بل لبثت مائة عام فانظر إلى طعامك وشرابك لم يتسنّه
وانظر إلى حمارك ولنجعلك ءاية للنّاس وانظر إلى العطام كيف ننشزها ثمّ
نكسوها لحماً فلمّا تبين له قال أعلم أنّ الله على كلّ شيء
قدير(البقرة)
Aayadda:ama sidii kii soo maray Tuulo(Magaalo)madhan,oo
cariishayadeedu khaawi yihiin,oo madhan yihin,wuxu yidhi;side baa
Alle u soo noolaynayaa,dhimashadoodan ka dib,dabadeed Illaahay
ninkii ayuu nafta ka saaray,oo dhintay,muddo sannad ah ka dib,ayaa
Alle soo nooleeyey,oo lagu yidhi imisaad meeshan ku sugnayd,wuxu
yidhi; maalin ama maalin badhkeed ayaan ku sugnaa,markaas ayaa lagu
yidhi ma aha'e,waxa aad ku sugnayd meeshan boqol sanno!,eeg
cuntadaadii,iyo cabbitaankaagii,isma ay bedeline,oo eeg dameerkaagii
waxa Aannu uga dhigaynaa dadka Aayad lagu cibro qaato,eeg
lafihiisa,sida Aannu u ururinno,oo cad ama jiidh ugu yeelno,markii
uu arrinkii u caddaaday,ayuu yidhi;waxa aan gartay,oo ogahay,in Alle
wax kasta awoodo
Dulqarnayn waxa uu soo maray,caalamka geesihiisa,oo dhan,waa awoodda
Rabbi oo gees ilaa gees ayuu ka war keenay,oo Alle u sahalay:
ويسئلونك عن ذي القرنين قل سئتلو عليكم منه ذكرًا إنّا مكّنّا له في
الأرض وءاتيناه من كلّ شيءٍ سببًا(الكهف)
Aayadda:waxa ay ku weydiinayaan,oo kaa waraysanayaan Dulqarneyn,waxa
aad tidhaahdaa waxa aan idiin akhriyayaa arrinkiisa,si uu waano
idiinku noqdo, waxa aannu makansiinnay,oo dejinnay dhulka,waxana
shey kasta aannu u siinay sabab,oo uga yeelay wax leh sabab.
Qisooyinkan iyo kuwo kale oo badan,oo Quraanka ku soo arooray,waxa
ay ina siinayaan,aqoon iyo fikrad,waxana ay inoo yihiin cibro,iyo
wax ku qaadasho,waana wax aynaan ogeyn markay dhacayeen,laakiin Alle
inooga warramay:
تلك من أنباء الغيب نوحيها إليك ما كنت تعلمها أنت ولا قومك من قبل هذا
فاصبر إنّ العاقبة للمتّقين(هود)
Aayadda:arrinkaasi waa wararka qeybka ah,ee qarsoon,ee aannu kuu
waxyoonney, ma aad ahayn mid og,oo garanaya,adiga iyo
qowmkaaguba,hadda ka hor,sabar la kaalay,caaqibada iyo cidhib
wanaagga kuwa cabsada ayaa helaya'e.
Waxa la inooga warramay Qowmamkii inaga horreeyey iyo sida loo
halaagay:
فكلا أخذنا بذنبهم فمنهم من أرسلنا عليه حاصبًا ومنهم من أخذته الصّيحة
ومنهم من خسفنا به الأرض ومنهم من أغرقنا وما كان الله يظلمهم ولكن
كانوا أنفسهم يظلمون(العنكبوت)
Aayadda:dhamaan waxa aannu ku qaadnay,mid kasta denbigiisii,qaar
waxa aannu u dirnay(ku halaagnay)dabayl,waxa ka mid ah kuwo qaylo ay
qaaday,waxa ka mid ah,kuwo aannu ku khasifnay dhulka,waxa kaloo ka
mid ah,kuwo aannu qarraqnay,oo biyo ku qarqinnay,Alle cidna ma
dulmiyo,laakiin iyagaa ahaa,kuwo naftooda dulmiya
Ummaddahaa la halaagay,ee dabar go'ay,warkooda mooyee,raad kama
hayno:
وكم أهلكنا قبلهم من قرن هل تحس منهم من أحدٍ أو تسمع له ركزًا(مريم)
Aayadda:imisa ayaannu halaagney,Qowmam idinka horreeyey,axad ka mid
ah, miyaad dareemaysaa,wax sanqadh ahse miyaad ka maqlaysaa!
Qisaska Quraanku waa xaq,inoo caddaynaya in Alle keli yahay,oo ay
waajib tahay,in kelidii la caabudo:
إنّ هذا لهو القصص الحقّ وما من إلـه إلا الله وإنّ الله لهو العزيز
الحكيم(العمران)
Aayadda:kaasi waa qisaska xaqa ah,oo ma jiro Illaah,aan Alle
ahayni,oo Alle waa Casiis qaali ah,oo xikmad badane ah.
Waxa aan Alle ka baryaynaa inuu inaga yeelo kuwa xaq u caabuda ee ka
baqa.
Saeed Ibrahim
Hussein
As/w/w |
|