Adduunka ama Kownka
Qaybtii 22 aad
![](AGLOBE-3.jpg)
Aafooyinka
Bulshada(Qabyaaladda & Qaadka) (2)
Qaadka
Qaadka marka si dhab ah
loo qeexayo,oo lagu salaynayo diinteenna xaniifka ah, iyadoo aan la
iska indha tiraynin,xaqiiqada cilmiyeed ee geedka qaadka ah,iyo
xaqiiqada diineed ee ku waajahan isticmaalki isaba,waxa inoo
caddaanaya in uu xaaraan yahay,oo ay waajib tahay in laga
dheeraado,waayo diin ahaan wax kasta oo kaa joojiya waxa Alle ku
faray waa xaaraan,wax kasta oo khilaafaya manhajka Alle, oo
gudashadiisa wiiqaya ma bannaana oo waa xaaraan.
Qaadku wuxu aabbe u yahay burburinta maalka iyo xoolaha,iyo
burburinta qoysaska iyo laalista xuquuqda la isku leeyahay,sidoo
kale dayicidda waqtiga cibaadada iyo salaadda,iyo dhamaan gudashada
waajibaadka Alle oo dhan,sidaa darteed waa xaaraan,Alle subxaana
watacaalaa uma abuurin Adduunkan dheeldheel,laakiin xaq ayuu u
abuuray,waxanu u dejiyey nidaam uu raaco:
خلق السّماوات والأرض بالحق وصوركم فأحسن صوركم وإليه المصير(التغابن)
Aayadda:(Alle)wuxu
u abuuray Samooyinka iyo Arlada xaq oo idiin sawiray qaabka ugu
wanaagsan,isagaana xaggiisa u noqonaysaan.
Qofka ujeeddo ayaa loo abuuray,oo waajibaad iyo masuuliyad ayaa la
saaray oo laga rabaa in uu la yimaaddo:
وما خلقت الجن والانس الا ليعبدون ما اريد منهم من رزق وما اريد ان
يطعمون ان الله الرزاق ذو القوة المتين...(ءاية في سورة الذاريات)
Aayadda:Umaan
abuurin Jinka iyo Insiga inay i caabudaan mooyaane kama rabo risiq
iyo inay i quudiyaan illaahay ayaa Raasiq ah oo leh quwad xoog leh.
Qofna hawadiisa iskama raaci karo oo wuxuu doono ma samayn karo,wuxu
samayn karaa waxa diintu u xaddaysay,ee xorriyadda loo siiyey
keliya,Allena uma abuurin ujeeddo go'an mooyee:
أفحسبتم انما خلقناكم عبثا وانكم الينا لا ترجعون...(ءاية من سورة
المؤمنون)
Aayadda:ma waxa u malaynaysaan in aannu idiin abuurnay dheeldheel
iyo ciyaar,oo aydaan xaggayaga u soo noqon doonin qiyaamaha.
Alle subxaana watacaalaa
wuu innaga reebay oo innaga joojiyey,israafka ama ku loofarka maalka
iyo xoolaha,oo in aanu jeclayn dadka noocaas ah,ee loofara ayuu Alle
inoo sheegay:
{يَا بَنِي آدَمَ خُذُوا زِينَتَكُمْ عِنْدَ كُلِّ مَسْجِدٍ وَكُلُوا
وَاشْرَبُوا وَلا تُسْرِفُوا إِنَّهُ لا يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ} (الأعراف(
Aayadda:Bini-Aadankow
lebiskiinna iyo quruxdiinna u qaata Masaajid kasta,oo cuna oo cabba
hana samaynina israaf iyo ku ciyaarid maalka iyo cuntada,Alle ma
jecla kuwa israafka iyo loofarka sameeya'e.
Waxa Alle ina amraya in aan cuntada iyo cabbitaanka wanaagsan ee
xalaasha ah, isticmaalno,waayo waxay ina siinayaan tamar iyo quwad
aynu ku awoodi karno, gudashada cibaadada la inoo abuuray:
ياأيها الناس كلوا مما في الارض حلالا طيبا ولا تتبعوا خطوات الشيطان
انه لكم عدو مبين....(البقرة)
Aayadda:Dadyohow cuna waxa Arlada ah ee xalaasha wanaagsan ah,hana
raacina tallaabada iyo wadada shaydaanka cadaw dhab ah ayuu idiin
yahaye.
Maalka iyo xoolaha Alle innagu irsaaqay waa in aynu dariiq wanaagsan
oo nolosha iyo baahideeda wax ka taraya oo inoo suurtagelinaya
fulinta iyo gudashada waajibka diintu ina farayso,u adeegsan
no, Aakhiradeen nana ugu dadaalno,oo ugu shaqaysanno:
وَابْتَغِ فِيمَا آتَاكَ اللَّهُ الدَّارَ الآخِرَةَ وَلا تَنسَ
نَصِيبَكَ مِنَ الدُّنْيَا وَأَحْسِنْ كَمَا أَحْسَنَ اللَّهُ إِلَيْكَ
وَلا تَبْغِ الْفَسَادَ فِي الأَرْضِ إِنَّ اللَّهَ لا يُحِبُّ
الْمُفْسِدِينَ(القصص)
Aayadda:ku
kasbo oo ku raadso waxa Alle ku siiyo sidaad daarta aakhi o
ugu guulaysan lahayd(oo sadaqada bixi,dadka caawi,wixii khayr ah ee
aad qaban karto awooddaada qabo),hana illaabin nasiibkaaga
adduun yada,oo u samee wanaagga sida Alle wanaagga kuugu sameeyey,oo
Arlada ha ku samayn fasaad,Alle ma jecla kuwa mufsidiinta ah ee wax
fasaadiya'e.
Qaadku wuxu burburiyaa dhaqaalaha iyo maaliyadda qoyska,mana aha wax
daruuri ah oo naftu u baahan tahay,oo gaajo ama harraad kaa
tiraya,oo kaa caawinaya sida aad u gudan lahayd cibaadada laguu
abuuray,iska daa inuu ku caawiyo'e,wuxu kaa hor istaagayaa
gudashadii xaqa iyo cibaadada Eebbe,oo waqtiganna waa kaa luminayaa,
sidoo kale maalkii aad qoyska iyo naftaada wax ugu qaban lahayd,waxa
aad gelinay wax aan faa'iido soo celinayn waxyeello mooyee!,taas oo
kellifaysa dayac ama burbur ku yimaadda qoyskii dhisnaa,waana wax ka
hor imanaya diinteenna oo masuuliyadda iyo xilka qiimo weyn
siisay,waxana diintu mamnuucday israafka iyo ku luminta ama ku
loofarka maalka:
{... وَا تُسْرِفُوا إِنَّهُ لا يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ} (الأعراف}
Aayadda:ha
israafina oo xoolaha ha burburinina oo ha ku ciyaarina,Alle ma jecla
kuwa musrifiinta ah,ee xoolaha burburiya'e.
Waxa Islaamku ilaaliyey
waqtiga oo wax kasta nidaam iyo hab loo guto ayaa Islamku u
sameeyey,salaaddu waxay leedahay waqti go'an oo la guto:
إن الصلاة كانت على
المؤمنين كتاباً موقوتا(النساء)
Aayadda:Salaaddu
waxay u leedahay muuminiinta waqti go'an oo cayiman.
Qaadku wuxu qofka cuna ka
lumiyaa waqtigii salaadda,oo uma suurtagelayso in uu jamaca la soo
tukado,oo masaajidka tago,ama halkiisa ku tukado,waayo qaad buu u
fadhiyaa,salaaddu waa waxa ugu horreeya oo qofka lagu xisaabayo
qiyaamaha,oo salaaddu sidoo kale waa waxa lagu kala garto Muslinka
iyo Gaalka,Salaaddu waxay qofka tukada ka reebtaa xumaha iyo
faxshigoo dhan,taas oo qaadkii seejinayo qofka:
قال تعالى : (إن الصلاة
تنهى عن الفحشاء والمنكر والبغي ولذكر الله أكبر ) العنكبوت.
Aayadda:Salaaddu
waxay reebtaa faxshiga iyo xumaha iyo sinada digriga illaah waa mid
weyn.
Waxa qaadku wiiqayaa oo caqabo ku yahay ka faa'iidaysiga maalka iyo
waqtiga:
قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم:"لن تزول قدما عبد
يوم القيامة حتى يسأل عن أربع خصال عن عمره فيم أفناه وعن شبابه فيم
أبلاه وعن ماله من أين اكتسبه وفيم أنفقه وعن علمه ماذا يعمل به"
Xadiiska:Nebigu
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi;kama suulayo
addimada Addoonku Qiyaamaha ilaa iyo la waydiiyo afar
arrimood;cimrigiisii iyo wuxu ku soo qaatay,iyo shabaabnimadiisii
iyo wuxu ku soo duugeeyey,iyo maalkiisii halkuu ka helay ee ka soo
kasbaday,iyo meeshu ku bixiyey(siduu maalkii u adeegsaday),iyo
cilmigiisii iyo wuxuu ku sameeyey oo u adeegsaday.
عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ : قَالَ النَّبِيُّ
صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ :(نِعْمَتَانِ مَغْبُونٌ فِيهِمَا
كَثِيرٌ مِنْ النَّاسِ الصِّحَّةُ وَالْفَرَاغُ ) رواه البخاري
Xadiiska:Waxa
Cabdillaahi Ibnu Cabbaas laga weriyey in Rasuulkii Illaahay yidhi
nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee waxa jira laba nimco
oo qarsoon oo aanay dadka intiisa badani garanayn waa Caafimaadka
iyo Fursadda ama firaaqa iyo fara baxsanaanta.
Iyadoo diin ahaan aynu u soo aragnay daliiladaas cad ee xaaraanta ka
dhigaya,bal aynu innagoo maskaxda iyo caqliga Alle ina siiyey ku
dersayna,oo ku eegno.
Qaadku ma maandooriyaa
mise waa maaldooriye
Waxa baadhitaan badan lagu
sameeyey,cilmi ahaan Qaadka in ay ku jir aan, Maandooriye iyo
inkale,waxanay cilmibaadhayaashu ogaadeen,inay maaddooyin
maandooriye ahi ku jiraan,ooy ka mid tahay;Nikotiin iyo m
aandooriyaha khatarta ah ee coofeen(koofiin),iyo casiloon
dhamaanto od waa daroogo maandooriye ah,taasna waxa kuu caddaynaya
bulshad aadu xaaladday ku sugan tahay,oo aan cidina kaaga
sheekeeynayn,inta soo jeedkii ku waalatay,iyo inta qoysaskoodii ay
isku jiidheen, oo biilkii qaadka lagu iibsaday,iyo waqtigii oo uu
lumiyey,dadkii shaqaysan lahaa ama cibaado iyo salad gudan lahaa,ama
wax baran lahaa,ee horumarka wadanka u guntan lahaa,waxay u fadhiyan
qaad,oo sida xoolahay geedo cunayaan,oo ay guryo ku jiraan! waa dhib
ina haysata,oo Mujtamaca naafaysay,una baahan caqli iyo talo iyo
hawlgal, wax ka qabashadiisa.
Qaadku ma faa'iiduu u
keenaa qofka cuna misa khasaare?
Illaahay wuxu caqliga inoo
siiyey inaan wax ku kala garanno oo wanaagga iyo xumaha ku kala
saarno,oo doorano waxa wanaagsan ee faa'iidada leh,haddaba in aan
xisaabtanno ayaa wanaagsan oo eegno,muddada uu qof waday cunidda
qaadka,inuu wax ka helay iyo in kale,haddaba hadduu xun yahay,oo
aanu faa'iido soo kordhinayn, maxaa inaga horjooga inaan xumihiisa
dayno?!.
Qaadku saddex arrimood wuu
u daran yahay:Waqtiga,Caafimaadka iyo Maalka intaaba wuu
dayacaa,waxana intaa daba jooga Bulshadii oo dhan oo uu ugu horreeyo
qofka cunaya iyo qoyskiisa iyo intuu masuulka ka ahaa.
WAQTIGA:inta
uu qofka cunaa qaadka ku luminayo ee waqti ah oo ka bilaabmaya
baadidoonka iyo halkii uu ka soo heli lahaa,deed soo iibintiisa,u
diyaargarayn meel uu fadhiisto,muddada fadhiga oo kala gedisan,waxa
qofka aan cunayni u adeegsan karaa waqtigaa hawlo fara badan oo kala
gedisan intubana waxtar isaga iyo bulshada u soo
kordhinayaan,dadyowga kala geddisan ee Adduunweynaha ku dhaqani
waqtiga si nidaamsan oo cad ayay uga faa'iidaystaan,laakiin innaga
cudur aynu wada aragno,oo aynaan diyaar u ahayn dawayntiisa iyo
dabiibkiisa ayaa innagu habsaday,ilaa goorma ayaynu sugnaa oo sidaa
sii ogolaannaa!!!?.
Caafimaadka:qaadku
wuxu fara ba'an ku hayaa caafimaadka,iyadoo uu sababo cudurro
badan,oo kala geddisan oo isugu jira mid fiisikal ah,oo jidhka
waajaha iyo mid maskaxda iyo dareenka ku dhaca,waxana la ogyahay in
uu qofka cunaya,ka qubo, oo ka daadiyo shahwadda,ama manida,taas oo
aan bannaanayn,lana mid ah in qofku si ogaan ah isaga keeno,waana
tagrifal iyo israaf,lagu samaynayo,sidoo kale la luminayo xuquuqdii
sawjaddu lahayd,sidoo kale marka qofku in badan soo jeedo,oo aanu
seexan,ay dadka qaar ku keento waalli iyo maqnaan dareenka ah,wax
kasta oo madarro iyo caafimaad darro keenaya,diintu way reebtay,oo
xaaraan ka dhigtay.
Maalka:waxa
inta badan jira in ganacsiga ama baayacmushtarka lagu sargooyo,
faa'iidada ka soo noqonaysa alaabtaa ama waxaa aad iibisay ama
iibsatey,laakiin weli lama arag,dhaqanna uma lihin in aan
nolosheenna iyo maalkeenna ku loofarro,oo ku qamaarno,haddii aan is
weydiinno maal lagu bixiyo mooyee miyaa maal innaga soo
galaa?!,weliba hadduu wadankeenna u noqon lahaa maalkaasi,waxba may
dhinteene lacagtaasi wadan kale iyo Ummad kale ayay u noqonaysaa,oo
cadaw kuu ah,oo sun ahaan kaaga iibinaya,oo ku guulaystey inay si
dadban kuu jebiyaan!.
Baahidii qoyska iyo dadkii
kale ee waxtar loo gudbin lahaa,laguna taag eeri lahaa inay
bal badhitaar ahaan yar ruqaansadaan,waxa wiiqay laca gtii
majinta,dhaqankeenna oo ku salaysan in maxkamad dhaqameed weli la
adeegsado,oo Odayaashu wax dhexdhexaadiyaan,dadkana dhex g
alaan,laba qof looma garnaqayo oo la kala saari mayo,ilaa odayaasha
qaadkii loo qaado oo la fadhiisiyo taas oon ahayn mar keliya,ee ah
ilaa inta ay arrintu socoto,oo ay weliba odayaashu sii
dheeraynayaan,si ay u sii qayilaan,waxana suurtagal ah in labada is
haysaa dan yar yihiin,ama waxa ay isku hayaanba ka qiimo hooseeyo
lacagta qaadka,ee odayaa shu u baahan yihiin!,waa dhibaato hor
taagan kaydkii ummadda iyo dhaqaalohoodii,una diiddan horumar iyo in
lala tartamo Bulshooyinka kale,ee inala midka ah,balse aynu
dheernahay wanaagyo fara badan,oo Qaadku cagta mariyey,sida
waxyaalaha aan laga helin wadan kale,oo Illaahay subxaana watacaalee
ina siiyey,lama hayo ummad wada muslin ah oon ruux gaala laga helayn
gudeheeda,ummad dhamaan Af keliya isku fahmaysa,ummad isku muuqaal
ah,oo isu eg,iyo ummad maskax iyo karti badni leh haddaanu qaadku
ceebayn lahayn maskaxda soomaa lida,waxa la sheegaa in
Jaamacaddaha adduunka, markasta tobanka ugu horeysaa inta badan waa
soomaali,kolley waa kuwo aan qaadka
cunin,haddaba waxa is weydiin leh;soomaalidu dhibta qaadku ku hayo
iyo dabarkan, uu ku xidhay miyaanay dareensanayn?!,hadday dareensan
yihiin,goormay la sugayaan oo intay si wada jira uga
mudaharaadaan,oo dejiyan dariiqadii looga bixi lahaa dhibta, iyo
aafadan bulshada ku habsatay.
Maansadani waxay ku
hadlaysaa afka qaadka,iyadoo qaadku faallayna yo,sida uu u
qaatay dadkan,iyo sida uu gacanta ugu dhigay,iyo in dad badani
qoraallo,ku daaleen, oo ku weeraraan,qoraallo aanay waxba kaga
qaadaynin:
Qaad baa la
yidhaahdaa
kala qaybshay reereha
Qaar anigaa qaatoo
Qar iyo bohol ka tuuroo
Qanciyoo kaxaystoo
Qiil looma helayee
Qaarna qorshe la'aan bay
Qoraalada ku waasheen
Qawmkan anigu haystaa
Qoraalaba ma eegaan
Qalbigaan ka rogayoo
*******
Maskaxdaan ka
qaxiyee
Qalaalaase iyo hawl
Qasba kama dhamaadaan
Qiimohoodii bi'iyoo
Qoysaskood halleeye'e
Haddaan qaloo is qeexoo
Idin siiyo qawlkii
Quud awliyeed iyo
Qaarba wax ha yidhaahdee
Qisaydudu yaab lehe
Aan idiin qormeeyee
*******
Qamradaba qasaaraha
iyo
Qiima doorinteedaa
Qalinka loogu duugoo
Qaanuunka loo dhigay
Qarashka igu baxaayiyo
Qasaaraha aan geystaa
Qiyaastuu dulmarayoo
Qurus waan bislaystee
Iyadaanu qarsoonayn
Qoloftu ay ka rogantay
Qafil aanu saarnayn oo
*******
Arrinku qalan yahay
Haddana igama Quustaan
Ee way qaamareeraan
Ooy qoriga raadshaan
Ooy qasnadaha u madhiyaan
Haddaba qawmyow i ogow
Qudhunlow ibliis iyo
Shaydaankaa qadhaab iyo
Quudku naga dhexeeyaa
Shirkan qabanno oo idil
Wanan baan ku qalanaa
*******
Qawmkanna anaa
burburintii
Qaybtiis u helayoo
Qabyaalad iyo qadarin li'i
Qalalaase joogta ah
Qoysaskoo is jiidhiyo
Qaylo iyo dagaalada
Qasnadahoo la madhiyiyo
Qarax doorbidkiisaan
Qoorta ugu xidhaayoo
Qof garnaya jabkiisoo
*******
Haddana aan qatoobeyn
Qof qumaati u arkaya
Diifta iyo dhibkuu qabo
Quruxdiisii iibsaday oo
Qoyskiisii kala diray
Qorraxdii timaadaba
Hadna kama qadaayee
Qabrigoo uu galoonbuu
Ka qarsoomi qaadkuye
Qaradaydu waa taa
Wax ku qaata nimanyohw.
|
Saeed Ibrahim
Hussein
As/w/w |
|