Acmaasha ta ugu khayr badan (bisha ramadaan)
SALAAMU CALAYKUM
 

 


Acmaasha tan ugu khayrka badan Ramaanka Dhexdiisa

Mahad dhamaanteed waxaa iska leh Eebbe SWT ,nabad galyo iyo naxariinsna nabigeena suuban korkiisa illaah ha ka yeelo,

walaalayaal waxaan isku dayeyaa insha allah in aan wax ka tilmaanno Acmaasha wanaagsan ee haboon in uu ku dadaalo qofka muslimka ah sameynteeda , bisha ramadaan ee barakaysan annagoo Allaah weydiisanayna inuu noogu kaalmeeyo acmaashaas gudashadeeda .
waxaana ka mid ah Acmaashaas:-

1- In la Soomo.

2- In la Tukado habeenkii Salaada.

3- In Sadaqo la bixiyo.

4- In Quraanka la akhriyo.

5- In la fadhiisto masaajidada ilaa cadceedu ka soo baxayso.

6- In la cumraysto ramadaanka.

7- In lagu dadaalo raadinta habeenka barakaysan ee
(laylatul khadarkaadarka)

8- Inla badiyo xusidda alle

9- In la xidhiidhiyo Ehelka.


Soonka:-

Rasuulku wuxuu leeyahay (SCW) ( dhamaan camalka baniiaadamka asagaa leh halkii wanaagba toban laabkiis ilaa 700 oo jeer loo laalaabo ajarkiisa ilaahayse wuxuu leeyahay waa inta aan ka aheyn soonka waayo soonka aniga ayaa ka abaal marinaaya wuxuu ka tagay waxey naftiisa jecleyd oodhan cuntadiisii iyo cabitaankiisiiba daraadeey ayuuna uga tagay, qofka
soomahu wuxuu farxaa laba jeer midu waa markuu afuraayo midna waa markuu ilaahay la kulmaayo qiyaamaha, qofka sooma afkiisa riixda kasoo baxeyso waxay ka udgoon badan tahay ilaahay agtiisa caraftamiskiga.) waxaa wariyay bukhaari iyo muslim.

Xadiiskan waxaan ka qaadanaynaa :-

1. In Acmaasha uu qofku qabto inuu isagu leeyahay soonka
Mooyaane

2. In qofka soomani uu leeyahay labo farxad

Farxad marka uu afurayo iyo marka uu Allaah la kulmayo.

Rasuulku wuxuu yidhii CSW:

Qofkii soomaa asagoo rumeysan soonka ajarna ka raadsanaaya waxaa loo dhaafaa danbigiisii hore.

Xadiiskan waxaan ka fahmaynaa in qofkii labadan shardi laga helo, Isagoo rumaysan inuu waajib ku yahay soonku, Isagoo Ilaahay ajar ka xisaabsanaaya. Dambigiisii hore waa la dhaafayaa.


Xadiis kale nebiga waxaa laga wariyey inuu yiri CsW :

qofkaan iska deynin hadalka xun iyo dhaqanka xun rabbi SWT dan kama laha .in uu katago cuntada iyo cabitaanka.
BUKHAARI

Xadiiskan waxaan ka qaadanaynaa:

Qofkii hadalada xun-xun iska dayn waaya inuusan Ilaahey dan ka laheyn katagidda Cunniddiisa iyo Cabbidisa.

QODOBKA 2-AAD

In la istaago Habeenkii (Salaad)

Rasuulku wuxuu leeyahay CsW:

qofkii salad u istaagaa asagoo rumeysan ajarna ka raadsanaaya waxaa loo dhaafaa danbigiisii hore.

Macnaha Xadiiskan waxaan ka qaadanaynaa:-

1- Qofkii Ramadaan Salaad u istaaga oo laga helo labadan
shardi in la dhaafayo dembigiisii hore.

Shuruuduhuna waa, Isagoo rumaysan Waajibnimada soonka, Isagoo Ilaahay ajar ka xisaabsanaya .

Habeenkii oo salaad loo istaago waxay ka mid tahay dhaqankii Nebiga SCW, waxayna leedahay Caa’isho Allaha ka raalli noqdeen “Nebigu wuxuu ahaa mid aan ka tagin inuu habeenkii salaadda u istaago, xitaa wuxuu tukan jiray isagoo fadhiya hadduu xanuunsado.”

Allaah markuu tilmaamayey addoomada Ilaahay sifaadkooda waxaa uu yidhii:

(kuwa habeen baryaya iyagoo sujuudsan ama Salaad u
taagan.)

Sidaas daraadeed ayaa waxaa wanaagsan in lagu dadaalo salaadda habeenkii Bisha Ramadaan, Iyadoo ay u wanaagsan tahay in salaadda taraawiixda Imaamka lala dhammaysto, maxaa yeelay rasuulku waxaa uu leeyahay:
(qofkii la istaaga salaada taraawiixda imaamka ilaa uu ka baxo salaadda waxaa lasiiyaa ajar lamid ah midkii habeenkii oodhan usoo jeeday salaadda)

QODOBKA 3-AAD

In la baxsado (Sadaqo)

Waxaa nalaka doonayaa in aan la baxno wax maalkeena ka mid ah bisha ramadaan, si ka duwan bilihii hore, oo nafta lagu tarbiyeeyo sadaqada, sidaa daraadeed wuxuu ahaa Nebigeena SCW, kan ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ku dadaali jiray sadaqada bisha ramadaan, wuxuu leeyahay Nebigu CSW:

(sadaqo la baxsado waxaa ugu wanaagsan midda la baxsado bisha soon) TIRMIDI

Sadaqada ramadaanka waxay leedahay Faa’iidooyin aad u badan oo in lagu dadaalo mudan waxayna leedahay noocyo kala duwan, waxaana ka mid ah,
a- In cuntada la bixiyo (masaakiinta la quudiyo)

Wuxuu Alle ku amrayaa Mu’miniinta:-

1- In ay bixiyaan Cuntada iyagoo siinaya, masaakiinta,
Agoonta iwm.

2- In ay u bixiyaan Alle Dartiis oo aanay dooneyn Ammaan.

3- Wuxuu Alle ka ilaaliyey Sharta maalinta Qiyaame.

4- Wuxuu Alle ku abaal mariyey janno iyo Xariir.

Nebigeenu wuxuu yiri CSW;

(Qof kasta oo mu’min ah oo quudiya qof baahan oo mu’min ah, Alle wuxuu ku quudiyaa Miraha Janada, qofkii waraabiya qof mu’min ah oo haraadsan Alle ayaa ka waraabiya koob khamriga janada kan ugu wanaagsan ah oo aysan oomeyn weligiis.)

b- In la afuriyo qof sooman.

Wuxuu yidhi Nebigu CSW:

(Xadiiskan waxaa ka fahmaynaa in qofkii afuriya qof soomnaa, uu la ajar yahay midkii soomanaa isagoo aan laga naaqusin waxba qofkii kale.)

Sidaa daraadeed waxaa wanaagsan in aan afurino dadka sooman bisha Ramadaan ee Barakaysan, Inagoo samaynayna sufrooyinka loo yaqaan sufradihii Raxmaanka.

QODOBKA 4-aad

In Quraanka la Akhriyo

Waxaa wanaagsan qofka Muslimka ah in uu badiyo quraan akhriska gaar ahaan bisha ramadaan, sidii dadkii salafku ahaayeen, waxaa la sheegaa in qaarkood ay dejin ((dhameyn)) jireen quraan

3-dii habeenba mar, 7-dii habeenba mar, 10-kii habeenba mar.

Imaamu shaafici wuxuu dejin ((dhameyn)) jiray Quraanka 60 jeer, Bisha Ramadaan.

Waxaa wanaagsan quraanka marka la akhrinayo in lagu tadaburo oo lagu khushuuco.

Waxaa kaloo wanaagsan inaad cajalado ka dhagaysato, ama aad qof igu akhri tiraahdo adigoo u dheg-raaricinaya.

Nebiga NNKH waxaa ka sugnaatay inuu Ibnu Mascuud ku yiri; “Igu arkhri quraanka” Ibnu mas’cuudna wuxuu yiri; ‘Nebi Allow sideen kuugu akhrinayaa quraanka isagoo laguugu soo dejiyey adiga;? Markaasuu yiri Nebigu SCW “Waxaan jeclahay inaan ka dhagaysto qof kale”.

QODOBKA 5-AAD

In la fariisto masjidka (Ilaa qoraxdu ka soo baxdo)

Nebigu SCW wuxuu ahaa mid ku fadhiya gogosha uu ku takado salaadda Subax ilaa qoraxdu ka soo baxdo, waxaa laga weriyey Nebiga SCW inuu yidhii; “

(qofkii la tukada jamaaco, salaada fajarka dabadeedna fariista meeshii uu ku tukaday, isagoo xusaya Alle ilaa ay qoraxdu ka soo baxdo, dabadeedna tukada labo rakco wuxuu leeyahay ajar la’eg qof cimraystay cumro dhamaystiran, sidaas daraadeed, waa inaan ka faa’iidaysanaa waqtigaas yar ee ajarka weyn leh.)

QODOBKA 6-AAD

In lagu negaado Masjidka

Nebigu SCW wuxuu ahaa mid ku negaada masaajidka Ramadaan walba Tobanka habeen ee ugu dambaysa, sanadkii la oofsanayey wuxuu ku nagaaday Masjidka

Labaatan Habeen, sidaa darteed in lagu nagaado Masjidka waa arrin muhiim ah, wayna wanaagsan tahay in lagu dadaalo, gaar ahaan tobanka dambe ee ramadaan, iyadoo la raadinayo Laylatul-Qadriga Barakaysan.

Negaashada masjidka waxaa loola jeedaa cibaado darteed, iyadoo loo go’ayo cibaadada, dikriga, iyo acmaal kasto oo ku gaarsiinaysa raali ahaanshaha Alle.

Xikmadda loo jideeyey ictikaafka

Ibnu Qayim wuxuu leeyahay waa in qalbiga Alaah loogu gooni yeelo, kaas oo laga ilaalinayo waxyaabaha shuqlinaya.

Ictikaafka xukunkiisa

Waa u dhawaansho Alle iyo raacid waddadii Nebiga SCW, Ilaahey wuxuu leeyahay (( ka nadiifi gurigeyga shirkiga iyo macaasda waayo waxaa imaanayaa dadka dawaafaayo iyo kuwa ku
ictikaafaayo)

Waxaa la weriyey inuu Nebigu Ictikaafi jiray tobanka dambe ee ramadaanka, markuu dhintay kadibna haweenkiisu way ictikaafi jireen,

Shuruudaha Ictikaafka

1- Waa inuu qofku Islaam yahay

2- Waa inuu Caqli leeyahay

3- Waa inuu wax kala sooci karo

4- Waa inuu Niyad la yimaado

5- Waa Inuu ku Negaado Masjidka

6- Iyo Inuu Daahir yahay.

Waxyaabaha u wanaagsan inuu sameeyo qofka Ictikaafaya

1. Inuu badiyo Salaadda iyo Quraan Akhriska

2. Inuu ka fogaado waxyaabaha maalaayacniga ah. Sida cayda, iyo doodda.

3. inuu ku Negaado masjidka Meel ka mid ah.

Waxyaabaha u bannaan qofka Ictikaafaya
1- Inuu u baxo dantiisa lagama maarmaanka ah.

2- Inuu wax cuno, wax cabbo isagoo ilaalinaya nadaafadda masjidka.

3- Inuu hadli karo, wixii dantiisa ah.

4- Inuu shalaysankaro, ciddiyaha iska jari karo, nadiifsan karo jirkiisa.

5- Inuu ka bixi karo meesha uu ku ictikaafayo isagoo sagootinaya Ehelkiisa.

Waxyaabaha Buriya Ictikaafka

1- In laga baxo masjidka Dan la’aan.

2- Jimaaca

3- Waalli ama sakhraan

4- In diinta islaamka laga baxo

5- In ay imaadaan waxyaabaha buriya ictikaafka

Waqtiga uu galayo Masjidka qoka Ictikaafaya:

Hadduu niyeysto inuu ictikaafo tobanka dambe wuxuu galayaa qoraxda intaynan dhicin, wuxuuna ka soo baxayaa masjidka maalinta ugu dambaysa Bisha qoraxdu marka ay dhacdo,

QODOBKA 7-AAD


Cumarada Ramadaanka

Waxaa wanaagsan in lagu dadaalo Cumrada Ramadaanka la sameeyo, Waxaan ka fahmaynaa xadiiska nabiga CSW ( in cumrada Ramadaanka la sameeyo ay u dhiganto Xaj)

QODOBKA 8-AAD


In lagu dadaalo raadinta habeenka barakaysan. (Laylatul
Qadri)

Alle quraankiisa wuxuu ku leeyahay:

( anaga ayaa soo dajinnay “qur’aanka” habeenka leylatul qadarka maxaad ka ogtahay habeenka leylatul qadarka waa habeen ka kheyr badan kun habeen)

Waxaanu soo dejinay Quraanka Habeen Barakaysan
(Laylatul-Qadri) Dhexdiis, Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu habeenkaasi yahey ‘Nebimuxamadow’ Habeenkaas Barakaysan (Laylatul qadriga) waa habeen ka kheyr kun bilood.

Rasuulkuna wuxuu yiri:

( qofkii istaaga habeenka leylatul qadarka asagoo rumeysan ajarna ka raadsanaaya waa la dhaafaa danbigiisii hore)

Waxaan ka fahmaynaa Xadiiskan qofkii Istaaga Habeenka laylatul qadri isagoo rumaysan oo ajarna dalbaaya in loo dhaafayo dembigiisii tagay, sidaas daraadeed, waxaa wanaagsan in lagu dadaalo raadinta habeenkaan, maxaa yeelay waxay ka kheyr badan tahay kun bilood.

QODOBKA 9-AAD

Inla badiyo ducada

Waxaa wanaagsan in ducada iyo dambi-dhaaf dalabka lagu dadaalo bisha ramadaan, oo aad ducada u gooni yeeshid waqtiyada soo socda:-

1- Markaad afurayso; Maxaa yeelay qofka sooman waxaa uu leeyahay duco aan la celin.

2- Xiliga dambe ee habeenkii

3- Maalinta Jumcada ah aakhikeeda.

QODOBKA 10-AAD

In la xiriiriyo qaraabada.

Akhlaaqda wanaagsan ee qofka muslimka ah looga baahan yahay waxaa ka mid ah inuu xiriiriyo qaraabada, dadkii hore waxaa dhaqan u ahaa inay xiriiriyaan qaraabadooda iyadoo xilligaas aysan jirin aaladaha casriga ah ee la adeegsado, sidaas daraadeed waxaa wanaagsan inuu xiriiriyo qofku qaraabadiisa meel kasta oo ay joogaan:

Nebigu wuxuu leeyahay CSW.

“Qofkii doonaya in cumrigiisa loo siyaadiyo, risqigiisana loo waasiciyo ha xiriiriyo qaraabadiisa”.

Ugu dambeyn waxaa wanaagsan in dhammaan acmaashaas aan soo sheegnay ka wada faa’iidaysano, maxaa yeelay waa fursad qaali ah oo aynaan ogeyn inay na soo mari doonto mar kale, sidii Rasuulkii NNKH, Axaabtiisii RC iyo salafu saalixba uga faa’iisan jireen. Naartana nooga xoreeyo.



WA BILAAHI TOWFIIQ

 


Qalinkii:  Adam Y Alin