Abwaan Xasan-Ganey oo ka hadlay Warar been ah oo laga baahiyay Abwaanno uu ka mid yahay

 


Hargeysa February 25th, 2010  (TNN)- Abwaan Xasan X. Cabdilaahi (Xasan-Ganey) oo ka mid ah Hal-abuurada Soomaalida, ayaa been-abuur ku tilmaamay warar ka dhan  ah aa sababta ay uga baaqdeen kulan toddobaadkii hore lagaga dhawaaqayay munaasab ad loogu magac-daray Abwaan Hadraawi oo lagu baahiyay mid ka mid ah Wargeysyada dalka.

Abwaanka oo daba socday war uu daabacay wargeyska Yool cadadkiisii 21 February 2010 soo baxay oo si ba’an loogu naqdiyey xafladda abwaan Hadraawi, isla markaana lagu sheegay in hal-abuurrada Xasan Ganay, Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) iyo Cali Xasan Aadan (Banfas) uga muquurteen ka qaybgalka munaasibaddaas arrimo la xidhiidha barnaamijka oo beelaysnaa awgeed, waxa uu arrintaas ku tilmaamay been-abuur cad oo aanay garanayn meel wargeysku ka keenay.

Qoraal beenin ah oo abwaan Xasan X. Cabdillaahi (Ganay) arrintaa ka soo saaray, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Anigoo tixraacaya war uu daabacay wargeyska Yool, cadadkiisii soo baxay 21  Februa ry 2010 ee ku saabsanaa xaflad lagu qabtay hoteelka Maansoor, isla habeenkaas oo wargeyska lagu naqdiyey magaca loo bixiyey oo la siiyey abwaan Hadraawi. Waxa  maq aalkaas lagu xusay in aniga [abwaan Xasan Ganay], abwaan Maxamed Xaashi Dhammac (Gaarriye) iyo abwaan Cali Xasan Aadan (Banfas) aannu uga maqnaanay madasha  bar naamijkaas oo beelaysnaa darteed. Haddaba, waxaan halka ku caddaynaynaa in  warka asi yahay been-abuur cad, isla markaana aanaan garanayn meel uu warkaas ka helay qoraagu, runtuna waxay tahay anigu haddaan ahay Xasan-Ganey hawl aan ka soo bixi kari waayey darteed aan uga cudurdaartay ka qaybgalka xafladda, kagana sheegay  m adasha. Abwaan Gaarriye isugu habeenkaas kamuu warqabin, siduu ii sheegay, Abwaan Cali-na (Cali-Banfas) waa nin buka oo la ogyhay, aniga oo bulshada ka codsanaya in  Il laahay caafimaad u weydiiyaan. Sidaa darteed, waxaannu kula talinaynaa wargeyska Yool inuu iska hubiyo waxa uu qorayo.”
 

Source:Somaliland.org