Abwaan Xasan Ganay iyo Doorkiisii Halkankii dib u xoraynta Somaliland

 

Ma ilaawo aadmigu taariikhdu soo maray meel baanay ugu taal maantana waxaa xusuus mudan midhihii abwaankee mucjiso lahaayee mujaahidkeeni waynaa Xasan Ganay uu meel dhigay bal aan yara miliilico maantan tusaalaha.

Maqaalkan oo nuxurkiisu yahay in aan bulshada Somaliland xusuusiyo taariikhda sooyaalka ah ee aynu soomarnay in uu baal-dahaba kaga jiro abwaan xasan xaaji c/laahi (Xasan Ganay), taasi oo uu mudan yahay xusuus iyo taariikhda gaara, isaga iyo abwaanada kale ee sida hagar la’aanta ah uga qaybqaatay halgankii dib u xoraynta Somaliland.

Maansooyinka abwaanka ee xaga halkganku waxay iskugu jireen madaafiic qalbiga cadawga jabiya iyo ilays uu inoogu iftiiminaayo hadba xaaladihii taagnaa maantana waxaynu inyar ka taaban maansadii Dareen oo soo baxday 25/08/1988.

 

 

Dareen baa hadloo yidhi

Madadkaan ka maarmaa,

Madarkaan ka noolaan,

Dadka sow kamaan dhalan

Sow daayinkay iyo

Ma rumaynin Daaha

Diinta saw ma aaminin

Fararkaa dushayda ah

Anigoo daryeeloo

U dadaala mooyee

Sideebaan u dumiyaa

Wax kaloon ku doorsado

Miyaan dunida ku ogahay

Dareen baa hadloo yidhi

Ragga dirirtan maanta ah

Xaska dabada galiyow

Dalsankaad ku dhalatiyo

Degmadaad ku ababtiyo

Damashii Hargeysiyo

Daaliyo Burciyo xiis

Dacalada Gabiley

Iyo dilindilcoodkii

Dihin xeebihinii

Khayraad daf ka ahaa

Dhamaan dagaladiinii

Daalin ma uga baqateen

Waa maxay dulaamuhu

Xagee looga didayaa

Dareen baa hadloo yidhi

Raga dirirtan maanta ah

Xaska dabada galiyow

Calankaad deldelatiyo

Aaway dawladnimadii

Lixdankii daruurteen

Ninka dararti maandeeq

Idinkoon debnaha gelin

Darsaday wadaamaha

Ninka daacadii iyo

Daawiyo midnimadii

Dudadaad u odeen

Dabka sudhay misciriraha

Darmadiyo hugeedana

Duluc iyo xajiin dhigay

Darkay nabadu leedahay

Ninka daabcad qaatee

Dildilaacshay boqol goor

Ee dawliskeediyo

Doojaha biyaha sida

Diiday ee ma rabo yidhi

Ee waliba dayn iyo

Ku lahayd dakano hore

Maantana damaaciyey

Aayihiina duuga ah

Hadduu dool yaxaas yahay

Dacow mooday Aarqoyey

Dakharada la qoobiyo

Hadduu doogta godob kale

Damqashada la jecel yahay

Isagay u daran tee

Maad deeb liqsiisaan

Dalqada isku taagtoo

Horana aan u daadagin

Dibna aan u soo noqon

Duhur maad u badheedhaan

Deris lama ilaawaan

Loox maw ugu duugtaan

Maad duumo laysiyo

Daacuun ku noqotaan

Dunta lagu hirdamiyiyo

Maad duubka xidhataan

Janaa dagatay maantee

Doobigiisan buuxsamay

Maxaad u daadin waydeen ?

 



By:- Muj: Axmed Xaashi Cismaan