Abwaan Hadraawi oo lagu daray
liis caalami ah
 

Abwaanka caanka ah Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi), ay aa lagu daray liiska dadka magaca iyo karaamada ku leh dunida.


Abwaan Hadraawi, oo ah hal abuur caan ah, waxa lagu daray bogga dadka dunida magaca iyo saamaynta ku leh ee wakhtigooda u huray arrimaha bulshada sida nabadgelyada, xuquuqal insaanka iyo bini-aadminimada. Sida lagu muujiyay bogga My Hero, Abwaan Hadraawi, waxa lagu maamuusay oo lagu sharfay badweynta suugaantiisa iyo kaalinta uu ka qaato nabadgelyada iyo xoojint eeda. Waxa tusaale uu boggani u soo qaatay safarkii nabadaynta ee uu Hadraawi sannadkii 2003 ku maray dalka Somaliya, isagoo ugu baaqayay inay colaadda joojiyaan oo ay nabadgelyo u hub qaataan. Boggu waxa uu xusay in Abwaan Hadraawi, oo ah nin cod ku dhex bulshada Somalidu, uu safaro ku saabsan nabadaynta ku tagay qaarado kala duwan oo dunida ah sida Yurub iyo Maraykanka. Waxa kale oo uu My Hero, muujiyay sida ay Somalidu u qadariso ee ay u ixtiraamto maansooyinka iyo gabayada iyo weliba heesaha ka soo maaxday maskaxda Abwaankan, oo ay sheegeen inuu sannadkii 1999-kii ka soo guuray qaaradda Yurub, ka dib markii ay nabadgelyo buuxdaa ka tisqaaday wadankiisa Somaliland oo uu hadda degenyahay.


Boggan dadka ku jira waxa ka mid ah Mr. Koffi Anan oo ahaa xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobay oo lagu xushay kaalinta uu ka qaatay xoojinta nabadgelyada adduunka iyo weliba xorriyatal qawlka. Waxa kale oo shakhsiyaadka boggan ku jira ka mid ah Mr. Jimmy Carter oo ahaan jiray Madaxweyne soo maray dalka Maraykanka, oo isna lagu xushay sida uu wakhtigiisa ugu huro arrimaha bini-aadminimada. Dadka magaca iyo karaamada ku leh dunida ee boggan Abwaan Hadrawi kula jira waxa ka mid ah Mr. Martin Luther King, oo ahaa halgamaagaadii iyo geesigii u kacay dadka Madow ee Maraykanka ku nool. Madaxweynihii hore ee Masar Anwar Saadaat, ayaa isna ka mid ah dadka ku jira boggan my Hero. Sidoo kale waxa ka mid ah Maxamed Al-Baraadici oo ah Agaasimaha guud ee hay’adda Nukliyeerka Adduunka. Mohandas K. Gandhi, oo isna ahaa halgamaa halgan salmi ah dalkiisa Hindiya ugaga xoreeyay gumaystihii Ingiriiska ayaa sidoo kale boggan ku jira. Gabadha barnaamijyada caanka ah samaysa ee Oprah, oo u dhalatay dalka Maraykanka, ayaa iyaduna ku jirta bartan internetka, waxaana la sheegaa inay tahay gabadha ugu mushaharka badan leh dunida.

 


 www.geeska.net