Abwaan Hadraawi Oo Ku Taliyey In Xukuumadda S/Land Ka Qaybgasho Shirka Kooxaha Somalida Ee London, Mawqifkeedana Ka Cadayso

 



“Ummadda Cadaalad ayaa deeqda, waana in garsoor cadaalad ah lagu qaado cidii Dilalka Seem aal gaysatay, Nabadaynta Somalia-Na waa waajib ina wada waaran”



Hargeysa, (TNN) – Abwaanka wayn ee reer Somaliland Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Ha draawi) ayaa ku taliyey in xukuumadda Somaliland ka qaybgasho shirka dawladda Ingiriisku sana dka danbe u qaban doonto kooxaha Somalida, kaas oo sheegay inay mihiimad wayn Somaliland u leedahay inay goobtaas ka garnaqsato, isla markaana mawqifkeeda ka cadayso.

Abwaan Hadraawi waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu Wargeyska Haatuf shalay galab khadka telefoonka ku siiyey, kaas oo uu kaga hadlay dhacdadii dhawaan saddexda nin lagu dilay ee ka dhacday deegaanka Seemaal.

Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi waxa oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Dhacda dii dhawaan ka dhacday deegaanka Seemaal ee dadka lagu laayay aad ayaan uga xumahay waxa anan leeyahay dadkaa la laayay Ilaahay ha u naxariisto, ehelkii iyo qaraabadii iyo ummadda Som aliland ee ay ka baxeena Samir iyo iimaan ha ka siiyo. Inkasta oo aanan joogin goobta uu dilkaasi ka dhacay laakiin sida igu maqaalo ah dilku labada dhinacba waa ka jiraa oo waa la kala badan ya hay uune, markaa dhinackasta oo wax laga dilay waxaan leeyahay cidii dilkaa gaysatay sharciga ha la horkeeno.

Waxaan aaminsahay in kuwa gacan ku dhiiglayaasha ah ee dadkaas laayey inay aakhirona cada abi iyo ciqaabtii ay lahaayeen kaga horayso, aduunyadana la cadaadiyo oo aanay wanaag iyo s haraf ku noolaan. Dhibaatada ka dhacday galbeedkuna waa mid ka mid ah dhibaatooyinka dalka ka taagan oo halkan aanu joognaba dagaalkaas iyo dilkaasi wuu ka dhacaa laakiin Ilaahay waxa an inooga wada baryayaa inuu inaga qaboojiyo oo uu inaga qabto fidmo wadayaasha”.

“Mida maanta loo baahan yahay ee xukuumadda iyo waxgaradka dalka la gudboon waa in la helo garsoor cadaalad ah oo ay ku qancaan dhinicii dhibka loo gaystay, isla markaana ay arintaas ka qaybqaataan waxgaradka iyo guurtida ummadu. Waxa xaqiiq ah oo marag ma doon ah in shacbi ga dalkani ay horumarka iyo amnigaa ay ku naaloonayaan ay ka wada shaqeeyeen ee aanay cid gaar ahi keenin, inta badana Mishkiladaha dalkeena ka dhaca waxa keena anigaa kaa taag roon iyo anigaa kaa xuquuq badan, markaa ummadda cadaalad ayaa deeqda ee arimahaas oo dhan garsoor cadaalad ah ha lagu qaado”.

“Waxa kaliya ee maanta loo baahan yahay waxa weeyi 1. In Cadaaladi timaado oo garsoor yimaa do oo dadaal yimaado oo waxay dadka wax laga laayey waxay ku Samraan oo ay ku qancaan oo aan Xoolo ahayn ay helaan, taasina kolay waa Cadaalad uun, markaa waa in dadkii wax laayey la baadi doono oo xaqooda la mariyo.

Dhacdooyinkan iyo colaadaha beelaha dhexyaala wakhtigan waxaan ku xasuustaa gabayaagii la odhan jiray Gabay Xadi markii uu lahaa ‘Soo godobi surinkaad martaba sabab qarsoon maaha, saw nabadi sahaydaada ood hirato uun maaha’. Markaa mushkiladaha noocan oo kale ahi halkan uun kama jirto ee waa mid aduunyada oo dhan ka jirta ee arinta ha la dajiyo oo sharciga ha lagu qaado cidii khaldan. Dhinaca kale ee dhibta gaysatayna ilayn dhib iyo dhiig ayaa dulyaalee inay doorkooda ka qaataan Cadaalada iyo xalka arintaas”.

Abwaan Hadraawi mar wax laga waydiiyey in xal ay keeni karto Salaadiinta iyo Siyaasiyiinta arin tan xukuumadu u xidhxidhay, waxa uu yidhi “Arrimahaas oo dhami waa dadaalo, lagu dajinayo xaalada kacsan ee bulshadda, isla markaana suurta galinkara in la ogaado cidii dhibtaas ka dan baysay, waligeedbana way dhici jirtay marka dhibaato dhacdo dadbaa la xidhxidhi jiray oo waa arin aan inagu cusbayn taasi”.

“Inkasta oo aanan waxba kala socon shirkaa Ingiriisku qabanqaabinayo ee Somalida hadana wax aan qabaa inay nasiib daro tahay in ummadda Somaliyeed waligeed ay dad shisheeye ahi gadhw adeen u noqdaan oo ay heshiisiiyaan, Somalia-na wixii mishkilad ah ee ka dhexjira waxaan qabaa inay dawo u noqonayso inay iyagu xaliyaan”.

“Shirka Ingiriiska lagu qabanayo sida aan filayo kolay waxa lagaga hadlayaa waa Amni, kulankuna hadii uu ka hadlayo Amni waan aaminahay in Somaliland ka qaybgasho oo ay golaha ku soo band higto rabitaankeeda iyo waxa ay la tahay oo ay doodaha halkaas ka dhacay ka qaybgasho oo ay garteeda iyo rabitaankeeda ku soo bandhigto, anigu arintaas raganimo ayaan u arkaa”.

“Nabadaynta Somalia inaynu ka qaybqaadano waa waajib ina wada saaran, maaha in wixii dhaca y la xasuusnaado’e, waxaynu ka warqabnaa waxa maalin walba Somalia ka taagan ee ka dhacay oo la leeyahay 40 iyo 50 ayaa maalin walba si dhibyar u dhimanaya. Ama aynu jeclaano ama ayn u necbaana’e Islaamnimo, masuuliyad iyo dadnimo ayaa jirta oo Masuuliyada ugu waynina inaga ayey inaga saaran tahay inaynu u naxariisano dadkaas walaalaheen ah ee halkaas ku dhibaat aysan. Waxaanan qabaa inay gobonimo tahay in Somaliland aan looga horaynin nabadaynta Somalia oo ay iyagu doorkaas qaataan, isla markaana ay raganimadaas iyo sharaftaas qaataan waan soo dhawaynayaa anigu”.

 

Source:Haatuf