Abwaan Hadraawi oo ku guulaystay aqoonsi caalami ah

 

 



Hargeysa (TNN)- Kow iyo toban isugu jira maskax-maallo, abwaanno, filim-sameeyeyaal iyo ur urro ka socda dalal kala duwan, ayaa ku guulaystay aqoonsi caalami ah oo sannadkiiba mar la gu sharfo dadka wax qiime leh kusoo kordhiya dhaqanka iyo horumarka bini-aadamka.

Aqoonsigaas oo ay bixiyaan Prince Claus Fund, oo ah sanduuq-faneed ku xidhan Aqalka Boqort ooyada ee waddanka Holland, waxa la siiyaa dadka wax soo saarkooda maskaxeed qiime aad u sarreeya leeyahay, islamarkaana uu saamayn wayn ku yeesho bulshada uu qofkaasi la nool yahay. Waxa sannadkan ka mid noqdey guuleysteyaasha Maxamed Ibraahim Warsame “Hadra awi”.

Aqoonsiga Mudnaanta Kowaad ee sannadkan waxa ku guulaysatay iskaashatada Eloísa Cartonera oo ah kulan farashaxan, soo-saarid iyo fidin buugaageed, oo laga sameeyey 2003dii magaalada Buenos Aires ee waddanka Arjantiin. Iskaashatada Eloísa Cartonera waxa ay ku guulaysatay boqol kun oo Euro (100,000Euros), iyada oo loogu aqoonsaday guusha in “Eloísa Cartonera iyada oo aan macaashdoon ahayn ayay ummaddeeda usoo saartey buugaag badan oo qiime jaban lagu heli karo.” Xafladda dhiibista aqoonsigani waxa ay ka dhici doontaa 12ka Diisember 2012, Guriga Boqortooyada ee magaalada Amsterdam, iyada oo uu gacanta ka dhiibi doono Amiir Constantijn. Tobanka qof ee kale ee uu ka mid yahay Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, midkiiba waxa uu ku guulaystay shan iyo labaatan kun oo Euro (25,000 Euros), mid kastana arrin u gaar ah ayaa loogu caleema saaray guusha sannadkan.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” oo lagu doortay quruxda iyo qiimaha sare ee ay suugaantiisu leedahay, iyo waliba sida ay qani uga dhigto sooyaalka hiddaha gabayga Af soomaaliga, waxa lagu asteeyey in uu yahay mufakir suugaantiisu dhisayso sallaankii nabadda.

Marka laga reebo iskaashatada Eloísa Cartonera iyo abwaanka Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”, dadka kale ee iyana ku guulaystay sannadkani waxa ay ka kala socdeen Tuunis iya, Aljeeriya, Siiriya, Joordan, Meksiko, Kiiniya, Kamboodiya, Jamayka iyo Burma.

Redsea Online Culture Foundation waxa ay u riyaaqeen sharafta uu karaamada uu leeyahay a qoonsigani, waxana ay ugu hambal yaynayaan abwaanka in adduunyadu aqoonsatay qiimaha sare ee wax soo saarkiisa maskaxeed u leeyahay koritaanka bulshada iyo qiimaha aadami.
 


Source:Somaliland.org