Abwaan Gaarriye oo Madaxweyne Siilaanyo uga Digay Kacdoon la Mid ah kii Xukunka Lagaga Tuuray Madaxweynihii Tuunisaya

 



“Haddii aan dhallinyarada la meelayn waxa innagu abuurmi hub qarxa ee Axmed Siilaanyo waxaannu leenahay yaad gaadhi raacin sidii odaygii Tunisia”
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Hargeysa (TNN)- Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), ayaa ka digay kacdoono iyo rabshado la mid ah rabshadihii talada lagaga riday Madaxweynihii dalka Tuunisiya oo ay ku kacdaan  dhallinyar ada Somaliland haddii aan xukuumaddu degdeg wax uga qaban baahiyaha iyo shaqo la’aanta  baahd ay ee haysata bulshada Somaliland.

Abwaanku waxa uu sheegay in koradhka tirada dhallinyarada camal la’aantu hayso iyo baahiyaha  ad ag ee dalka ka jiraa sababi sababi karaan kacdoonno la mid ah kuwa ka socda qaar ka mid ah  wadda mada Carabta ee lagaga soo horjeedo hoggaamiyayaashooda, gaar ahaan dalalka Tuunisiya iyo  Mas ar, sidaa daraadeedna waxa uu Madaxweyne Siilaanyo uga digay inuu la kulmo tallaabo noocaas oo uu kursigiisa ku waayo. Sidaana waxa uu ka sheegay xaflad maamulka Jaamacadda Hargeysa ku soo bandhigeen xalay arday hore uga qallinjebisay jaamacaddaas oo dhammaystay mashruuc tababar lagu magacaabo Shaqodoon oo xirfado kala duwan lagu baray dhallinyarada si ay ugu shaqaystaan, waxaannu tilmaamay in dhallinyaradu noqon karaan hub halis ah oo waqtiga uu doono qarxi kara.

“Haddii aynaan kuwan hirgelin oo kolba awooddeena waa la ogyahaye aynaan taagteenna riixin waxa innagu abuurmaya hub innagu qarxa. Ninkii Xusni Mubarik [Madaxweynaha Masar] waxa haysta waad ogtihiin, ninkii Tunisia waxa helay waad ogtihiin [madaxweynihii xoogga lagaga riday talada Tusinia], markaa Axmed Maxamed Siilaanyo waxaannu leenahay yaad gaadhi raacin sidii odaygii … hawl weyn ayaa jirta ee waar ciidan [dhallinyarada] baa innagu soo socda oo hadduu innagu fara bato. Ninkii  Xu sni Mubaarik ayaa caawa i qariyaay taagan, innagana dan baa innoogu jirta oo xasilloonideennii ayaa ku jirta in anigoo waxaan idinku dhaliilo aan hayn oo aan taagtiinaba ogahay, haddana in loo toog-hayo haddii aynaan iska meelayn waxan soo baxaya oo aan la barbar wadin sida loo meelaynayo inuu ciidan inagu qarxaya yahay in aynu u aragno ayuun baan sheegayaa oo ay xasilloonideennaa  waxye eli karayaan. Waar idinka [dhallinyarada] waxaan idin leeyahay waanigaa idiin hadlayee ha nagu qar xina,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).



Source: Jamhuuriya Online