Abwaan
Gaarriye oo Caddeeyey Sababta uu u Galay Dhexdhexaadinta
Khilaafka KULMIYE
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye),
ayaa shaaca ka qaaday in aannu habayaraatee ka tirsanayn saddex
xisbi qaran ee dalka ka jira , balse sababta uu u galay
dhexdhexaadinta khilaafka xisbiga KULMIYE ay tahay sidii xal loogu
heli lahaa muranka siyaasadeed ee ka dhexjira xisbiga KULMIYE, kaas
oo uu ku tilmaamay haddii uu sii socdo cawaaqibxumo ku keeni kara
xisbiga iyo guud ahaanba hawlaha horumar ee qarannimada Somaliland.
Abwaan Gaarriye oo hadalkiisan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay guddi
uu hoggaaminayey kaga warramayeen xalay go’aan ay ka soo saareen
khilaafka labada garab ee xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in isaga iyo
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) aanay ka mid ahayn
xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira, haseyeeshee uu mamda’ooda
koowaad yahay sidii ay mar walba ugu gurman lahaayeen hadba halkii
uu khilaaf iyo muran cakirani ka jiro.
“Gaarriye ma KULMIYE ayuu galay baa laga yaabaa inaad ka hadashaan,
horta aniga iyo Hadraawi xisbina kuma jiro, laakiin anigu meeshii
gurmad la iiga baahdo ee ummadda la isku soo dhowaynayaba waan
tagayaa, xisbi aan ku jiraase ma jiro, balse xisbiyada oo dhammi
wixii ay gurmad iiga baahdaan waan gelayaa,” ayuu yidhi Abwaan
Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).
Togdheernews
|