Abwaan Cali Seenyo heestii qiimaha badneyd ma waxa u yidhi cidwaliba wey qaadi karta o waa cidwalba u jaba

 

Maalin dhaweyd o ey shabakada hadhwanaaga wareysi dheer la yeelatay  abwaa n Ali Seenyo, Ayan dhawr daqiiqado dhageystay, waxey shabakadu abwaankaasi ka wareysatay gabayo badan o u leeyahay abwaanku. kuwaaso oo u dhamaan si quruxbadan u sharxay ujeedoodinkii uu u tiriyay iyo nuxurka u isagu ka lahaa  gab ayadaasi iyo heesahaasi tirada badan ee u tiriyay abwaanku

Haddaba sida u saaxiibkay Abdiraxman Ahmed Jama Shotali ba ula yaabay markii u dhageystay wareysigaasi abwaan Cali Seenyo ee u islamarkiiba ka diyaariyay maqaalkan u ciwaankiiisu yahay ABWAAN SEENYO WAY KA MURKUCATAY  XAAJ ADU!!‏

Ayan an doonaya bal inaan sii badhitaaro maqaalkaasi u qoray Shotali o ah runtii nin an afkaartiisa iyo qoraaladiisaban aad u xiiseyo islamarkan an aakhristow goor wal o an soo booqdo shabakada Oodweyne oo u yaalaba u ku soo qoro  maqaalad iisa.

Haddaba bal an u soo noqdo wareysigii Cali iyo sida uu u dhacay, su'aasha la  wey diiyay abwaan cali ee u ku margaday islamarkaan u ku fashilmay ee aheyd  heest an ad calanka soomaliland ad u sameysay ee dadkii odhan dareenkoodii kicisay ee xatta dhalinyaradii odhani mobiladii wada gashadeen bal hadda nooga waran sida ay kugu dhalatay abwaan cali.?

Wuxu ku jawaabay abwaanku heestani waa mid ka turjumeysa dhamaan   umma da ha o dhan cidii dooneysa in ay calankooda u heysato, dhawr dal buu  magaca abay o ay soomaliya ka mid tahay in ay qaadan karan kuna heesi karan heestaasi  cala nka haddii ay doonan, waxa halkaasi ku cad o u abwaanku u fasaxay in ay  so omal iyan ee heestan isticmaali karto haddii ay u baahdan, waxan haddaba  leeya hay dhamaan shacabka soomaliland ee sida weyn u xiiseyay heestaasi fadlan  og aada inuu abwaankii maskaxadiisa ka soo minguuriyay u fasaxay cidwalba o ay cidwalba ku heesi karto fasaxeedan u bixiyay abwaankii laha ee abwaan Cali  See nyo

Haddaba aakhristow waxan ka dareemay abwaanka hadaladiisa iyo wareysigiisi ba inuu yahay nin ad moodo inuu beyr leeyahay ama cabsi badani ku jirto ama kalsoonidu ba ku yartahay islamarkan hadaladiisa ka dhawrsanaya inuu carabka soo kudhufto soomaliland iyo wixi ku saabsan, waxad mooda wareysigiisa ama hadaladiisa kana dhandhansan kareysay inuu yahay nin soomaliweyn doonaya inuu fariintiisa gaadhsiiyo o u wareysigiisan ugu gudbiyo, wuxu dafiray heestii qiimaha weyneyd ee u maskaxdiisa ka soo tuujiyay ee u hibeyay dalkiisa taaso u doonayo inuu cadawga soomaliland maanta si kale ugu dhigo o u yidhaahdo   hee st uba waa mid soomaloo dhan ka turjumeysa.

Waxan haddaba aakhristow soo xusuustay wareysigan abwaan cali mid la mid ah o 1996kii bbcdu wareystan abwaanka weyn ee Abdi Qeys o xilligaasi ku sugnaa dalkaasi Danmarka wuxu wariyuhu ka wareystay abwaan Qeys gabayadiisi iyo heesihiisi badan ee u shacabka soomalida ku guubaabin jiray xiliyadii xanuunka badnaa ee u dalka u ka talinayay kaligii taliyihii Siyaad bare, waxan ka soo  qaada n aya su'aashii muhiimka aheyd ee la weydiiay abwaanka xilligaasi ayaa aheyd sidatan HEESTII AAKHIROOY XAGEEBAD NAGA XIGTA maxay ku soo baxday dadku waxay yidhaahdan abwan abdi qeys dadkaba wuu ka il horeyee, wuxu abwaanku kaga jawaabay adeer waxbaba ulamaa jeedin o hees iska caadi ayey aheyd cidna kamaan il horeyn anigu, xilligaasi waxan ku sugna o an fasax u tagay hargeysa waxan meel kula dhageysanaya wareysigaas dhawr fanaan oo u ka mid yahay Faisal Cumar Mushteeg iyo abwaan Maxamed Faarax, markii u wareysigii  dhama aday ayuu al fanaan Faisal Cumar yidhi isagoon habayaraatee is ogeyn FULOOW GUULI KU DHAWEYDA, waar maxaa u diiday Abdi Qeys inuu yidhaahdo dadkaba aan ugu il horeyay o arkay maamulkan diktaatooriga ah ee Siyad Bare.

Abwaan abdi wuxu maalintaasi dafiray oo meel kagaga dhacay heesihii iyo  gabay adii guubaabada ahaa e u shacabka dareenkooda ku kicin jiray ee u lahaa, ware ysigaasi Abdi Qeys wuxu la mid ahaa uun ka maanta ba u abwaan Cali Seenyo ku dafiray heestii qiimaha laheyd ee u calankiisa u tiriyay, haddaba ma mooda  abwa anadeenii qaar iyagi iska daba imanaya oo noqdeen AWR HEERYADII CUNAY


Waxan haddaba ku taageersan nahay qoraalkan qoraalkii Shotali ee laha yaan dib danbe loo dhageysan heestaasi saqiirtay ee ninkii laha hugii iyo sharaftii ay  lehe yd ka rogay ee u qaawiyay, maalintii ba runtii shan jeer baan dhageysan jiray ila intii ka danbeysay wareysigii abwaanka ma dhageysan mana dhageysan doono taladaasi Shotali ayaan qaatay o waxan noqon doona ninka labaad ee dhaqaha ka fureysta heestaasi, waayo maalin dhawo baad maqli doontan iyadoo meel  wal ba laga qaadayo, inta calankale la inoo soo qaato.

Waxan leeyahay abwaan kalsoonido waa shey qaaliyah, ma ah xili ad muran galiso wixi maskaxdaada ka soo baxay maha inaad dareenkaaga ku raali galiso cid kale wixi ad ugu talo gashey waad garaneysaye maxaa ku diiday inaad geesi hadasho, waxan ku soo gabagabeynaya qoraalkeyga FULOOW GUULI KU DHAWEYDA.

 

 


Omar Daarood Xassan

Norway