Abaal Laawe: Hogaamiyihii Aan Hogaaminta Lahayn
(Qormada 1aad) .....Mujaahid Cali Guray



 

Waa Muqdisho 1980/81, xilayadaas oo xaaladii kacaanka iyo guud ahaa Somalia ay si kale noqotay weji ama wejiyo kale na yeelatay waxa na sabab u ahaa arimihii dhacay daba yaaqada todobaatane eyada oo ay ugu muhiim sanaayeen dagaalkii lagu soo jebiyay ciidamadii Somalia iyo dhibaatooyinkii ka dhashay sida qaxootigii faraha badnaa, burburkii dhaqaale, dhibaatooyinkii dhinaca nabad gelya da ilaa isku daygii af gambigii dhicisoobay ee Cirro.

Taliskii Siyaad Barre markaa xidhay dhoolihiisii iyo dabadi dheerayd. Qabyaaladii oo shaadh kacaan tolatay ayaa shaaraca u soo baxday, musuq maasuqii, eexdii iyo qaraabo kiilkii ayaa noqday wax a an la qarsan. Marka ay dib u milicsano xiliyadaasi tiihii iyo asqadii jirtay waxay marag cad u yihiin in dagaalkii 1977kii ay Somalia ku qaaday Itoobiya uu ku noqday taliskii Siyaad Barre bulawgii dhamaa dkiisa Xiliyadaa ay xaaladaasi jirtay ayaa dhawr wasiir oo ka tirsanaa golihii wasiirada ee wakhtigaasi, saaxiibo isu dhaw na ahi ay faq ku sheekaysteen.

Mawduucu dabcan wax kale muu ahayn ee waxay ahayd xaaladda dalka iyo marxaladda uu ku jiro oo dabcan laga hilaadin karo halka uu ku socdo oo aan hadda inooga baahnaayn faahfaahin ka bad an inta aynu soo sheegnay.

Doodo iyo falanqaymo dheer ka dib wasiirada saaxiibada ahaa ee Siyaad Bare waxay ugu dambays tii ku soo gunaanadeen doodahoodii " walaahi sidani si maaha in aynu sii eeganaa na waa inoo doqo niimo eh aan iska ogolaano dee doqoniimada", talo kale ma jirto.

Halkaa markuu xaalku marayo ayuu Axmed Silanyo oo isagu ah shakhsiga aan ka soo xigtay sheek adan kana mid ahaa wasiirada faqa ku sheekay sanayay yidh" anigu doqoniimo waan ogolahay hadii se ay dhaafto oo khaayinnimo gaadho ku sugi maayo oo dad kayga khiyaamayn maayo beena u she egi maayo" Axmed Silanyo kumuu sii raagin xukuumadiis uu wasiirka ka ahaa ee Siyaad Bare laba sa nadood in kar na wuxu noqday mucaarid ka soo horjeeda, lakiin SNM iyo SSDF oo ahaa labada dhaq dhaqaaq ee mucaaridka ahaa xiligaasi midna kumuu biirin.

Intii aanu SNM aanu gudoomiyaha ka noqon sanadkii 1984 ee uu London joogay waxa lagu tirin jiray koox la magac baxday " Somalia First" oo u badnaa ragii kacaanka ka dhacay lakiin markii hore xilal sare ka soo qabtay sida Axmed Silanyo oo isugu jiray reer waqooyi iyo reer koonfureed ba.

Intii uu wasiirka ka ahaa xukuumadii kacaanka Axmed Silanyo wuxu ku sifoobay , intii hore oo dhan, firfir cooni, karti, dadaal iyo daacadnimo isaga oo si gaar ah loogu tilmaami jiray dhiiranaan ilaa iyo xad fikirkiisa iyo waxa uu qabo aanu kala gaban xataa Siyaad Barre oo ahaa coomir aan badiya run ta lagu la dhici jirin.

Silanyo wakhtigaasi waxa la odhan kara wuxu marka ugu horeysa nin Somali ah marka xigtana reer waqooyi ah, halkaa na aan hoos uga degin, taas oo uu kaga duwaanaa Ismaciil Cali Abokor oo isagu ka mid ahaa saraakiishii af gembiga kula wareegtay xukunka 21/10/1969kii, muddo dheerna ka mid ahaa ragii Siyaad Bare ku barbar taagnaa inu xukunkiisu dhidibada aasto,.

Hase ahaato goor dambe oo xeedhiyo fandhaal ka dhaceen ku soo ambabaray dareenkii saameeyay reer Sh. isaxaaq ee SNM ay ka dhalatay, Ismail iyo Cumar Carte na lagu xidhay iyadoo loo nisbaynay ay inay ku lug lahaayeen arimahaa.

Markii ugu dambaysay ee Silanyo isaga oo wasiir ah uu Hargeisa soo gaadhay waxay ahayd badhta mihii 1981kii intii aan la xidhxidhin kooxdii UFO uu badankoodu ka mid ahaa ragii guriga shaqaalaha ku la hadlay isaga iyo Ina laxwas waxa na xusud in jawaabta ay ka kala bixiyeen hadaladii cabashooyin ka u badnaa ee reer hargeysa intii habeenkaa ka hadashay munaasibadaas, oo silanyo markaa ba u muuqday nin garwaaqsan xaqiiqada cabashooyinka goobta laga soo jeediyay. Munaasibada habeen kaasi waxa lagu tiriyaa inay ka mid tahay meelihii laga raacay kooxda UFO, ragii loogu hor xidhay na waxay ahayeen kuwii habeenkaa goobta ka hadlay iyo saaxibadood.

Rontii markii Silanyo iyo AHN Saaxiibkii Ibraahim Maygaag ay ka soo qayb galeen Shirwaynihii 4aad ee SNM oo lagu qabtay magaalada Jigjiga badhtamihii sanadkii 1984kii.



ujeedadoodu may ahayn inay si buuxda uga mid noqdaan SNM oo markaa fadhigeedu ahaa Itoobiya, hadii aanay goŽaankaa qaadan ka hor intii aanay u soo ambabixin Itoobiya balse waxa hubaal ah Shirwaynaha na ay ka sheegeen in aanay ku soo talogelin inay wax xil ah ka qabtaan SNM iyo inay la sii joogaan marka shirwaynuhu dhamaado toona.

Hada ba " waa suaŽaal daŽ waynoo madaxa daalinayse eh" sidee ayuu hadana Axmed Silanyo ku no q day Gudoomiyaha SNM isaga oon weli goobtii dhinac na uga dhaqaaqin?


La Soco.....................