Aas qaran oo Maanta Loo Sameeyey Marxuun Cumar Xuseen Ibraahim
Waxaa lagu aasay Tuulada Jufada oo ku taala galbeedka Gobolka
Gabiley.........., Daawo Sawirro badan
Gabiley (TNN)-Marxuun Cumar Xuseen Ibraahim oo dabayaaqadii
ramadaanta ku geeriyood ay dalka Canada ayaa maanta aas qaran loogu
sameeyey tuulada jufada oo ku taala galbe edka gobolka gabiley.
Aaskaasi qaran ee maanta loo sameeyey Marxuun Cumar Xuseen Ibraahim
ayaa waxaa ka soo qayb galay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland
c/raxmaan ciro, gudoomiyaha xis biga kulmiye mujaahid muuse biixi
cabdi, lataliyaha madaxwaynaha ee arimaha siyaasada a biib diiriye
nuur, Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga Somaliland Abiib axmed
cali, ag aasimaha guud ee wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka bada
maxamed Cilmi ilkacase, xildhibaan C/lahi Xuseen Cige (Black) Iyo
Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo kamida Xild hibaanada golaha
wakiilada Somaliland, Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Nasiye Axm ed
Taliyaani, Suldaanka Guud Ee gobolka gabiley Suldaan Ismaaciil
Suldaan C/raxmaan, Xog hayaha Dawlada Hoose Ee Degmede Gabiley C/raxmaan
nuur Abokor, Cuqaal, waxgarad, iyo dhalinyaro aad u tiro badan.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye mujaahid Muuse Biixi Cabdi Oo madashaasi
ka hadlay ayaa ku dheeraaday shakhsiyada marxuunka isaga oo ku
tilmaamay inuu ahaa nin dadnimo leh waxaanu yidhi “Inaalilaahi Wa
Inaa Ilayhi raajucuun Maanta waxaynu joognaa aaskii cumar xuseen
ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee, bilaa aadmigu dhamaantii
wuxuu ku xukumanyahay geeri maalinba qofka saacadiisu dhamaato ayaa
lasoo qabanayaa ilaahay ha unaxariisto cumar xuseen wuxuu ahaa adoon
wanaagsan oo alla kacabsi leh oo umadana u shaqeeya buu-ahaa, kolay
aniga waxaanu isku baranay wakhtigii halgankii oo aan gudoomiyihii
gudida ka ahaa aagaanu ka dagaal gali jirnay, Cumar xuseen Wuxu Ahaa
nin alla kacabsi leh oo ehelu diin ah nin if iyo aakhiraba u
shaqaystay buu ahaa nin dad badan wax taraybuu ahaa oo dad badana
soo koriyay oo wax baray ilaahay haka jasaa,I siiyee, ilaahay isaga
iyo intii dhimatayba ha u naxariisto inagana ilaahay haynooga daba
naxariisto, caruurtiisii iyo eheladii uu ka baxayba ilaahay samir
iyo iimaan hakasiiyo” Ayuu Yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kale Suldaanka Guud ee Gobolka gabiley Suldaan Ismaaciil
Suldaan C/raxmaan, oo ma dashaasi hadal kooban ka soo jeediyey ayaa
sheegay inuu cumar Xuseen ahaa ninkii ugu horeeyey ee baanka
Somaliland ka shaqaysiiyey waxaanu Yidhi “ Inaalilaahi Wa Inaa
Ilayhi raajucuun waxaan shacab waynaha reer Somaliland meel kasta oo
ay joogaanaba ka tacs iyadaynayaa geeridaa naxdinta leh eek u timid
marxuun cumar xuseen ibraahim alla ha unaxariistee marxuun cumar
xuseen ibraahin wuxuu ahaa nin qarankan wax usoo qabtay oo halgankii
qayb libaax kasoo qaatay markii dambe ee dib u dhiskana nin aad iyo
aad uga qayb qaataybuu ahaa, waxyaabaha lagu xasuusto waxa kamid
ahaa horta bangi Somalila nd ihi ma shaqaynin cumar xuseen hortii
isagaa bilaabay, intaa kadib waxaan ka tacsiyad aynayaa ehelkii,
qoyskii iyo qaraabadii in ilaahay badal khayr qaba kasiiyo samir iyo
iimaana kasiiyo, isagana waxaan ilaahay uga baryayaa in ilaahay
naxariistiisa waasic uga dhigo, in ilaahay qabriga u nuuro in
ilaahay dambigiisa dhaafo ayaan ilaahay u baryaynaa dhamaant een
isaga iyo inta kale ee dhimatayba in ilaahay dambigooga dhaafo ayaan
ilaahay uga ba ryaynaa” Ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan.
Isaguna xildhibaan Ibraahim axmed haybe oo kamida xildhibaanada
golaha wakiilada Somal iland ayaa isaguna ku dheeraaday shakhsiyada
marxuunka sidoo kalena sheegay inuu ahaa macalimiintii ugu tayada
wanaagsanaa ee dadka wax baray Waxaanu Yidhi “ waxaan tacsi
tiiraanyo leh gaadhsiinayanaa Qoyskii qaraabadii, ehelkii iyo
asxaabtii uu ka geeriyooday cumar xuseen ibraahim waxaan leenahay
samir iyo iimaan alle haynaga siiyo isagana ilaah ay janooyinkiisii
wanaagsanaa hageeyo, runtii anuu inbadan baan aqaanay cumar macalimi
in baanu wada ahayn macalimiintii ugu wanaagsanayd ee deegaanka ka
shaqeeyay buu ahaa dadkii uu waxsoo baray maanta waa wax aniga ileeg
iyo wax iga waawayn, ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo cumar
xuseen ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxna samir iyo iimaan hakasiyo.
Iyaguna waxaa munaasibadaasi aaska qaran loogu sameeyey marxuun
cumar xuseen had lo kasoo jeedi lataliyaha madaxwaynaha ee arimaha
siyaasada abiib diiriye nuur, xoghaya ha dawlada hoose ee degmeda
gabiley c/raxman nuur abokor, Agaasimaha guud ee wasa arada
ganacsiga Somaliland Abiib axmed cali kuwaas oo dhamaantood tacsi u
diray ehelkii iyo qarabadii uu ka baxay cumar xuseen ilaahay
naxariistii jano haka waraabiyee.
Guuleed Muxumed Ibahim (Guuleed Yare)
Timacade News Desk
Gabiley Somaliland
|