BAAQ: Aan u naxariisanno, aan u gurmanno , walaalaheena
abaartu saameysay
Walaalayaal waxaan dhamaantiinba idinku salaamaaa
salaanta islaamka ee qiimaha badan,Asalamu calaykum
waraxmatu laahi wabarakaatu.
Salaan ka dib,sidaan ka war qabnno dalkeenii maanta
Abaar baa ka jirta,saameyn w eynna ku yeelatay dadkii iyo
duunyadiiba.Waxaan baaq u dirayaa dhamaan shacabk a
Somaliland,gudaha & dibadaba,waxaanan leeyahay aan u
naxariisanno, aan u gur manno walaalaheena abaartu
saameysay.Rabbigeen (Tabaaraka Watacaalaa), ayaa
innagana inno naxariisan doona,markaan isku damqano ,een
isku naxariisanno,ارْحَمُوا مَنْ فِي الأَرْضِ
يَرْحَمْكُمْ مَنْ فِي السَّمَاءِ
Waxaan halkan Hambalyo & bogaadinayaa uga dirayaa
Madaxweynaha Jamhuuriyad a Somaliland,Mujaahid Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),oo hakiyey Diiwaan g alintii
Doorashooyinka,si aan awoodeena & cududeena meeli isku
geynoo,oo aan u g ar gaarnno walaalaheena Abaartu ku
habsatay,waxaana la innoga baahan yahay in aan
Madaxweynahaheen ku taageerno,oon garab istaagnno.
Gaba gabadii, aan u naxariisanno, aan u gurmanno,
walaalaheena Abaartu saameys ay
Mujaahid Adan Shiine
Mayorkii hore ee Degmada Tog-wajaale
6 April , 2016
|