Markabkii ugu weynaa ee Xoolo Qaada oo ku Soo Xidhay Dekadda Berbera

 

Magaalada Dekkeda ah ee Berbera waxa habeen hore ku soo xidhay markabkii ugu weynaa ee xoolo ka qaada Dekkeda kaasoo uu leeyahay ganacsadaha carbeed ee Saleebaan Al-jaabiri oo xukuumada Somaliland la gashay heshiis ku saabsan dhoofka xoolaha nool.

sida uu ku soo warmay weriyaha Waaheen ee Berbera, Markabkan oo la yidhaahdo MV/ AL-MUBAASH waxa rarkiisa la bilaabay shalay waxa uu qaadi doonaa xoolo tiradooda lagu qiyaasay 200,000 oo neef in ka badan laakiin caawa waxa uu dekedda Berbera ka qaadayaa in ka badan 142,000 oo neef oo adhi ah kuwaas oo isgu jirra Adhi, Geel, iyo Lo'o, isla markaana waxa uu geyn doona dalka Sucuudiga maadaama ay soo dhowdahay Ciiddii Udxadu.

Dhinaca kale dhaq dhaqaaqa ka jira dekkeda marsada ee magaalada Berbera ayaa si aad looga dareemayaa gudaha magaalada, maadaama raritaanka markabkani uu dhaqaale soo gelinayo magaalada.

Xukuumada Somaliland ayaa sannadkii hore heshiis la gsahay Ganacsade Al-Jaabiri kaas oo keenay in muran xoogani soo kala dhex galo ganacsato badan oo ka soo hor jeesaday in xoolihii noolaa kooto lagu siiyey nin carbeed.

Iyadoo lagu jiro bishii carafo oo ah bisha xoolaha ugu faraha badan ay ka dhoofaan dekedda berbera ayaa labadii todobaad ee u dambeeyey habeenka ay u yartahay ay ka dhoofayeen dekedda berbera 20,000 neef oo adhi ah, xoolahan oo ah xoolihii xajka loogu talo galay.

Hadabada Xalay oo ah habeenkii u dambeysay mooshinka xajka ee dhoofka xoolaha ayaa waxa qaadayaa xoolihii ugu badnaa marka la yidhaahdo MV/ AL-MUBAASHI. Markabkan ayaa ah maraakiibta faro ku tiriska ah ee soo mara dekedda Berbera marka loo eego baaxadiisa oo ah 7 dabaq waxaana lagu qiyaasay inuu qaadi karo 200,000 oo neef in ka badan laakiin caawa waxa uu dekedda Berbera ka qaadayaa in ka badan 142,000 oo neef oo adhi ah.

Xoolahan oo ay lahaayeen ganacsato badan xoolaha ka shaqayn jirtay oo reer Somaliland ah waxaanay ka iibiyeen shirkada al-jaabiri ee dhoofka xooluhu kootada ugu xidhan yihiin.

Shixnadan Xoolaha ah ay ka mid ah Fursadahii ugu danbeeyay ee uu Ganacsadahaasi ku soo afmeerayo heshiiskaasi , kaas oo la filayo wakhtiga ka hadhay ciida Carafo oo uu Dhoofin doono Dalka Sucuudiga Adhi badan, maadaama wakhtigan uu yahay wakhtiga loogu iibsiga badan yahay Xoolaha Somalida oo loo Qalo Ciidal Adxada oo ah xus ku weyn Dadka Islaamka ah o si weyn u guta Waajibaadka Xajka oo ka mida Tiirarka ugu waawayn Islaamka.

 



waaheen