Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalimiga Somaliland oo soo
gaadhay London
London (TNN):-Waxa caawa Gegida caalamiga ah ee Heathrow (London) ee caasimadda
da lka Britain soo gaadhay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga
caalamiga Somaliland mu dane Mohamed Bihi Yonis. Wasiirka waxa
madaarka ku soo dhoweeyey Safiirka Som aliland u fadhiya waddanka
Britain mudane Cali Aadan Cawaale, Guddoomiyaha UK ee xisbiga tala da
dalka haya ee KULMIYE mudane Xariir Xirsi Adar iyo xubno ka tirsan
jaalliyada Somalilan d eek u dhaqan magaalada London. Waxa iyana
halkaa ku sugnaa hawl-wadeen no
ka tirs an TV-ga qaranka iyo Saxaafadda kale ee Somaliland.
Wasiirka oo wax laga weydiiyey safarka uu ku yimid UK ayaa sheegay
inuu wada hadallo la yeelan doono wasiirka arrimaha Africa u
qaabbilsan dawladda Britain iyo masuuliin kale
oo ka tirsan fawladda Britain. Waxa kale oo uu sheegay wasiirku inu
sidoo kale la kulmi doono mudaneyaal ka tirsan goleyaasha Baarlaanka
Mar wax laga weydiiyey wasiirka safarkii ay ku tegeen dalka Masar
isaga iyo wasiirka wax barashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Adan
ayaa wuxu ku jawaabay inu socdaalkoo du la xidhiidhay casuumad ay ka
heleen dawladda Masar, kulamo wax ku ool ahna la qaate en Wasiirrada
Tacliinta sare, Tacliinta hoose iyo Arrimaha Dibedda Masar iyo
weliba masuu liin sare oo ka tirsan Jaamicadda Carabta. Dhammaan
masuuliinta ay la kulmeenna ay si cad ugu sheegeen inu gooni isu
taagga Somaliland yahay go’aan shacab oo aan sina ba gorgor tan u
gelin, kana dalbadeen in shicibka Somaliland laga taageero dhinaca
horum arinta ade egyada bulshada kala duwan.
Wasiirku waxa uu sheegay inu uga sii gudbi doono dalka Jabouti oo uu
Madaxda sare ee dal kaasi kulamo la qaadan doono inta aanu dalkii
hooyo ku laaban.
Wa Billaahi Tawfiiq
Safaaradda Somaliland ee UK
|