Yaa ka Masuul ah Dhibaatooyinka Haysta
Darbi Jiifka Somaliland?

 

Markii aan u kuur galay si aan wax uga ogaado Xaalada ay ku sugan yihiin waxaan  war aysi layeeshay qaarka mid ah darbigiifka. Nimco Muxumed Ibraahin.

Hargeisa (GNS)Somalilad waxaa ku soo badana waxyaabo badan oo aan hore loogu arki jirin marba marka ka sii danbaysa, sida Mukhaaradaadka ama Maandooriyeyaasha  halis ta u ah Dhalinyarada Da,da yar ee soo koraya.

Sidaynu wada ognahay dhibaatada haysata darbi jiifka s/land marka aad eegto gaar  ah aan magaalada hargaysa ama aad indho indhayso waxad ku arkaysaa dhalinyaro  da'do odu udhaxayso 6-sano ilaa 20-sano oo wadaayinka iyo darbiyada Hargaysa Xabag la  ta agan, taasi oo maalinba maalnta ka dambaysa isa soo taraysa, dhibaatadani waxa ay  n oqotay mid aan lasoo koobi Karin, da’yartan soo koraysa oo ku kacday falal aad u  xun xun oo ay ka mid yihiin isticmaalaan maandooriyayaasha kala duduwan sida :

Xabagta

Tiindharka
Baatroolka
Garaabada suuqa lagu daadiyo
Haashka Sigaarka ee meelahaa lagu tuuro.


Markii aan u kuur galay si aan wax uga ogaado Xaalada ay ku sugan yihiin waxaan  wara ysi layeeshay qaarka mid ah darbigiifka magaalada hargaysa waxay iiga warameen  wax yaabaha ku kalifay in ay isticmaalan mukhaadaraadka kala duwan, ugu horayna waxan waydiiyay halka ay helaan nolol maalmoodkooda.

Waxayna ii sheegeen in ay ka helaan,baabuurta oo ay maydhaan ,baalashka halka ay  q aar ka mid ahi ku shaqaystaan Tuugada iyo boobka suuqyada qaarkood iyo iwm.

Hadaba wiil yar oo dadiisu tahay 11sano ayaa isagu wax uu ii sheegay in ay ku kalifday burbur ku yimid qoskooda kaasi oo yidhi in ay hooyadii iyo aabihii kala tageen ka dibna waayay cid gacan qabata, halka ay qaarkoodna sheegeen in ay waalidkood  dhinteen. Hadaba daraasadan oo ku soo koobay dhinacyo badan waxan ku ogaaday in ay sumcad daro utahay xukuumada s/land ayna wax u dhimayso bilicda caasimada dalka.

Hadaba waxa is waydiin mudan halka ay ku ilawday xukuumada s/land waajibkii  ka saar naa da’yartan soo koraysa ee waxyeeladu asiibtay ama haleeshay.hadaba waxa marka kaliya lawaayay doorkii ay dawladu ku lahayd dayactirka dhalinteeda taasi oo abuurtay in ay dhalitani ku kacaan falal ama waxyaabo aad uxunxun .waxayna codsi u dirayaan  d awlada, dad waynaha, haayadaha samafalka iyo cid kasta oo gacan ka gaysan karta  dhi baatadan haysata dhalinta soo koraysa,Iyada oo aanay jirin habayraatee wax gacan ah oo ay dawlada manta jirtaa ay ka gaysato ama aanay ka war hayn dhibaatooyinka sii kordhaya.

Kuwaasi oo iskugu jira, Kuwo bani aadanimo oo ubaahan in gargaar loogu fidinayo  lagu na tarbiyaynayo Awlaada Suuqa Daadsan ee ku sugan xaalada aanan maanta halkan ku soo koobi Karin.

Waxaa baryahan danbe ku soo kordhaya Dad ajaanib ah oo ka Dawarsada Somaliland  k uwaasi oo ubadan itoobiyaan, Dhibaato xoogana ku haya Bulshadda iyo Bilcda  Caasima da Somaliland iyaga oo dhibaato xoogana ku haya Masaajidada lagu cibaadaysto iyo  go obaha Ganacsiga.

Dadkaasi oo ah Dad shaqo tag ah oo haba yareetee wax faa,iido ah ku soo kordhin  Som aliland, balse ku soo kordhiya Dhaqaale burbur, Xanuuno, Bilic Darro, iyo Akhlaaq Xumo.


Hadaba si ay dhibaatadaasi u yaraato waxaa loo baahan yahay in la helo dawlad  xilkee dii gudanaysa oo ilaalisa Xuquuqda Muwaadiniinta Somaliland oo kaantaroosha  ajaanib kan Buuxdhaafiyay Suuqyada Magaalada hargeisa, Daryeeshana Darbi jiifka aan Cid iyo Ciirsi toona lahayn ee udhashay Somaliland.


Waxa marag ma doon ah in Hadii aan wax laga qaban Dhibaatooyinka haysta Darbi jiifka, in Somaliland ay carqalado badan ku keeni karto marka ay waynaadaan ubadkaasi bilaa tarbiyada ah ee Qaadaa ma dhargaha ah, kuwaasi ku kici kara falal arxan darro ah  mar ka ay waayaan cid daryeesha nolosha qiimeheedana ka niyad jabaan.

Waxaa jira goobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Hayada Wadaniga ah ee Havayoco, Dha linta Kacaanka, kuwaasi oo runtii qayb laxaadle ka qaata Korinta iyo waxbarista Darbi jiifka iyo Agoomaha Somaliland kaalin wax ku ool ahna ka soo hooyay, waajib qaran ayay guteen ilaahay khayr haka siiyee.


Tallo waxaan ku soo koobi lahaa waajib ayaa inaga saaran Dhalinta dhibaataysan ee  Da rbijiifka ah ee aan ilaahay mooyaane cid kale lahayn kuwaasi oo mustaqbal iyo nolol aan dan iyo muraad toona ka lahayn, waxaa muhiim ah in Xukuumad iyo Shacaba gacmaha la isqabasado sidii loo daryeeli lahaa ubadkaasi, si aanay dhibaatooyin ugu soo jiidin  bulsh ada iyo bilicda Somaliland midnaba, waana mid if iyo aakhiroba ajar inoogu filan inaan wax ka qabano gaar ahaan wakhtiyadan Dhaxanta ah ee ay Darbiyada jiibsanayaan.

 

 

Nimco Muxumed Ibraahin
Timacade News Network
qaali540@hotmail.com