Xuskii sannad guuradii 19 aad ee gooni is taagga Somaliland oo lagu qabtay magaalada Bonn ee carriga  Germany

 

Bonn (TNN)-Waxaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay magaalada Bonn ee caasimadii hore ee jarmalkii  galbe ed xaflad aad u balaadhan oo lagu xusayey sanad guurada sagaal iyo tobnaad ee kasoo  waree gtay gooni isu taaga jamhuuriyada Somaliland.

Xafladaas oo ahayd mid siweyn loosoo agaasimey laguna soo bandhigay taariikho kawaramaya marxaladihii kala gedisanaa ee ay soo martay Somaliland iyo dhacdooyinkii kala gedisnaa ee ay lasoo deristey,si da' yarta soo kacaysaa ay u fahmaan xaqiiqaha dhabta ah dalkooda hooyo ee ay asal kasoo jeedaan.

Ruug cadaagii habeenkii xalay ahaa xafladaas kahadlay waxaa kamid ahaa Siciid Xirsi,Sheekh Ibraahim,iyo masuuliyiin ay kamid ahaayeen gudoomiyaha jaaliyada wada shaqaynta jarmalka iyo Somaliland mudane Maxamed Warsame ,gudoomiye kuxigeenka Axmed Nuur Guuleed (Caqli) iyo xoghayaha Jaaliyada Mudane C/laahi Yuusuf.

Sidoo kale waxaa halkaa wacdaro kamuujiyey dhanka madadaalada fanaaniin ay ka mid   ahaay een C/laahi Nasteex iyo Hodan Cumar Dhuule Mahdi.

Guud ahaan Xafladaas oo kubilaabantay jawi aad ufiican socoteyna ilaa afartii subaxnimo ayaa ahayd mid jawi qurux badan u dhacday siweyna loogasoo qayb galay.

Iskusoo wada duuboo waxaa la odhan karaa waxay ahayd markii u horaysey munaasaabadaha Germay kadhaca ee lagu xuso maalinta qaranimada oo lagu galo guna yar oo loogu tala galay in gebi ahaanba loogu deeqo ogoomaha kudacdaraysan Somaliland,taasoo la odhan karo waxay ahayd mid kudayasho mudan.


 

 

Hersi Osman Frankfurt am main/Germany osam71@hol.com